Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii XIV-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Juunyo 01 2014
[Khilaafaadka inoo dhexeeya annaga Soomaalida wada ah, wax-walba wdaagga ah, waxay nacabkeena siisay fursad aan dhammaad lahayn, waligeedna ma dhicin haba yaraatee wax garowshiinyo ah oo aan ka helnay waxa Beesha Caalamka loogu yeero, marka aad dib u fiiriso dhibaatooyinka siyaasadeed ee inagala dhexeeya dalalka deriska ah, marka maxay maanta ka bedelantahay shalay oo aad u naawishaa wax tar kaaga yimaada?!]
Way fiicanaan lahayd in dhallin yaradu hoggaan siyaasadeed oo midaysan ay yeelato, waana lama huraan haddii mar laga fekerayo in dalka la badbaadiyo in dhallin yaradu horseed ka noqoto, waxaad moodaa in dadkii waaweynaa ee odayaasha ahaa aysan dhallin yarad ku gudbin ama kuwooda hadda nool aysan u gudbinayn dhaxalkii ay ka mudnaayeen ee ahayd siday mid u ahaan lahaayeen, sharfta dadkooda iyo dalkooda u ilaalin lahaayeen, sabab kastaba ha l;a sheego laakiin kaalintii odayaasha ama aabbayaasha Soomaaliyeed waxay ka badan weyday aragti aad u kooban oo aan dhaafsiisanayn gurigooda, waana qayb muhiim ah si dhallin-yaradu u hesho dhiiri gelinta ay u baahanyihiin, iyo taariikh ku hirrasho mudan oo macnaynaysa halgankii Soomaaliyeed ee la soo maray!….
Maxaa kaalinta aqoonyahankeena ku koobay inuu ka shaqeeyo oo keliya inuu qeexo dhaqammada dunida kale isagoo taas door bidaya inay tahay meesha xalka iyo nabadaynta ay ka imaan karto? Muxuu u noqday mid farriin keliya ka wada dalalka shisheeye ee uu uga mid noqon waayay kaalinna ugu yeelan waayay inta uu awoodo xallinta khilaafaadka dadkiisa? Maxaa DHallin-yaradii ka dhigay kuwo aan wada hadli karin kana dhur-sugaya oraahda siyaasi dano shakhsiyadeed leh? Maxaa….boqolaal weydiin oo ay jawaabtooda ku wada dhammaanayso in layna qabsaday oo dalkeenii la haysto, qof kastana dhab ahaan uusan ahayn waxa aan u haysano!…
DHallin-yarada waxaa laga rabaa is xilqaan madax-banaan oo aysan hoos tageyn siyaasi iyo hay’ado sama-fal midna, iyagoo samaysanaya khadad wada xiriir oo ay ku dhisayaan talo ku aaddan ummaddooda iyo dalkooda, waa ay muuqataa nabaddii iyo dowladnimmadii laga sugayay siyaasiyiintii Soomaaliyeed 24sano ka dib waxay ku soo dhammaatay ha layna qabsado, dalkeena nin kasta intuu doono ha qaato!….. Laakiin Aniga magac ha la ii bixiyo…Madax-weyne, Ra’iisal-wazaare,….magac !…Dibigii la sheegayay baa la weynaaday, yaa! Maxay yiraahdeen MAGAC WAA DIBI !
Siyaasadaha wanaagsan ee aan kala harnay ururkii SYL waxaa ugu muhiimsanaa nin aysan soo hubasan ururkooda soo ma geli jirin, nin kastana marka uu xubin ururka ka noqonayo waxaa lagu dhaarin jiray oo magaca Eebbe lagu marin jiray inuusan ururka si dadban iyo si toos ah khayaano ugu samaynayn daacadna uu ka yahay inuu ku shaqayniyo sidii dalka dowladnimo loo gaarsiin lahaa, laakiin kuwa maantaba waa la dhaariyaayee maxay ku kala duwanaayeen? waa weydiin qofka madaxiisa ku soo dhici karta!.. jawaabtu waa fududdahay, waa marka horee SYL qofka ku soo biiraya darajo kama soo doonayn, marka labaad qofka soo galaya ama xilka ururka meel ka qabanaya wuxuu ahaa qof la soo tijaabiyay laysla qiray tayada xilkaas looga baahanyahay inuu yeelan karo ee ma ahayn sida hadda dhacda qof isagoo aan la aqoon suuqa laga soo qabtay!…
Casharo innagu filan taariikhda awoowayaasheen baan ka helaynaa marka ay timaado waxa aan manta u baahannahay inaan dadkeena u qabano, marka ay timaado sidii iyo qaabkii aan dalkeena dhibaatada uu ku jiro aan uga saari lahayn, waa run oo cidna ma dafiri karto in xaaladaha hadda jiraa ay ka duwanyihiin xaaladihii waqtigaas jiray, dhinicii laga eegaba, hasa yeeshee mid baan is bedelayn, oo maxaay tahay mas’uuliyadda saaran qofka Soomaaliga ah ee dhallin-yarada ah ee jecel inuu dalkiisa iyo dadkiisa badbaadiyo xaalad kastaba ha lagu jiree!…
DHallin-yaradu meel ay joogaanba maanta waa iyaga oo keliya badbaadada uu dalka sugayo, marka aad eegto xilligii halgankii gobanimo doonkana sidaasoo kale ayeey ahayd, waxaana Alle mahaddii ah in Soomaaliya aysan waligeed gablamin, ayna ku faanayso inay leedahay dhallin yaro uu sareeyo dareenkooda fahamsanna qiimaha jiritaanka ummadnimo ee dadkooda inuu ka weynyahay wax kasta oo ka soo hara!
Waa dareenkaas midka qof kasta oo iyaga ah uu ku soo jeedo kuna seexdo, waa fikirka ku taagan iyo walbahaarka ay ka qabaan joogitaanka ciidammada shisheeye ee lagu soo gurayo dalkooda, waa dareenka ay ka qabaan heshiisyada degdegga ah ee kolba laga saxiixanayo madaxda ay iyaga(dowladaha shisheeye) abuurteen!….waa dareenka ay ka qabaan in qaarkoodii kaluumaysan jiray Burcad-Badeed laga dhigay baddiina laga hor-joogsaday, waa dareenka ay ka qabaan in qaarkoodii beeraha falan jiray Bara-Kacayaal laga dhigay! Waa dareenka ay ka qabaan in Al-shabaab loo adeegsaday duminta iyo qabsashada dalkooda! Waa dareenka ay ka qabaan hawlaha ay Norway ka wadaan xeebaha koonfureed ee dalka…..
Ma is leedahay cududda shisheeye ee dalkeena la soo dhoobay way hayaan hawlihii lagu sababeeyay kaanistooda? Haddii aad tahay dhalintii uu dalka xoogeeda ahayd, intee in la eg baad qiyaasaysaa hawl gallada ciidammada dalka la keenay aysan khatar uga imaanayn madax-banaanida qaranimo ee Soomaaliya?! Bal malee ma lagu kalsoonaan karaa in ciidamo Norwegian iyo Ingiriis ah ay ka mid noqdaan ciidammada koofiyadda Buluugga ah wataa ee la hadal hayo in dalka la keenayo?!….
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
_______________
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post