Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 19654 articles
Browse latest View live

Maxkamada Minneapolis oo xukun ku riday haweenay Soomaali ah

$
0
0

Minneapolis-Courtroom2014-740x466

Minneapolis[RBC Radio]Dalka Marekanka gaar ahaana magaalada Minneapolis maxkamad ku taalla ayaa xukun ku riday haweenay Soomaali ah oo gacansiisay dhallinyaro Maraykanka ka tagay oo ku biiray kooxda Al Shabaab.

Haweenaydan oo qiratay danbigii  loo heystay,waxaa ay maxkamadu ku xukuntay saddex sanno oo xabsi banaan joog ah,maadaama ay iyadu sheegatay dhammanba danbiyadii loo heystay.

Saynab Xuseen oo ah 24 sanno la xukumay waxaa ay horay degenaansho ku lahayd magaalada Nashville ee gobalka Tennesee,waxaa ku cadaadey inay gacansiisay dhalinyaro Maraykanka ka tagay oo ku biiray kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale,xukunka gabadhaan waxaa qeyb ka ah inay todobaad walba sameyso shaqo lagu caawinayo jaaliyada iyadoo ka qeyb qaadaneys wacyi gelinta khatarta ay Argagaxisada leeyihiin,waxaana sidaa soo jeediyey xaakimka Maxkamada Minneapolis Michel Davis .

Dhallinyaro badan oo ka timid dalal uu ka mid yahay Marekanka ayaa la sheegay inay ka bar bar dagaallaman Al-shabaabka Soomaaliya dagaallada ka wada,waxaana ay taaheero ka helan xubno ka sugan dalalka kuwaaso dhaqaale u uruuriya.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Maalinta dhallinyarada ee 15 May oo Gaalkacyo laga xusay [Sawirro]

$
0
0

IMG_6221

Gaalkacyo[RBC Radio]Munaasabad lugu maamuusayo xuska sannadguurada 71aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xuska 15-may ee maanta lugu qabtay Gaalkacyo,waxaa ka soo qeyb-galay maamulka gobolka Mudug,kan degmada Gaalkacyo,mas’uuliyinta ugu saraysa ururada GUYA iyo TAG Foundation iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dahfurkii munaasabada waxaa ka hadlay guddoomiyaha ururka ay ku mideysanyihiin jaamacadda ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxuuna si dheer uga hadlay muhiimada ay dadka Soomaaliyed maalintan u leedahay,waxaana uu ka sheekeyey aas aaskii SYL iyo halgankoodi dheera.

Caasho Geelle Diiriye,wasiirkii hore ee haweenka Puntland oo xilligaana madax ka ah daladda TAG Foundation ayaa iyaduna dhankeeda ugu baaqdey dhallinyarada Soomaaliyed ka dhowrsanaanta tahriibka iyo arrimaha dhibaatooyinka ay kala kulmi karaan.

IMG_6234

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac(Tigay) oo ka mid ah mas’uuliyinta dowladda ka jogtay munaasabadan waxaa uu ku sheegay xuska aaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL inay tahay mid ku weyn qulubta umadda Soomaaliyed,waxaana uu faray dhallinyarada reer Puntland iyo guud ahaanba Soomaalida inay ku deydan jidkii ay horay u garsiiyen SYL dhulweynaha Soomaalida.

Ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo,Yacquub Maxamed Cabdalla oo ka socday maamulka degmada Gaalkacyo ayaa isana waxaa uu dhankiisa sheegay in loo bahan yahay dhallinyarada Soomaaliyed inay hormuud u noqdan isbadalka dalka iyo sidii looga samatabixin lahaa xaaladda uu xilligaan dalku ku jiro.

Inta badan mas’uuliyinta ka hadashey munaasabadan waxaa ay ka hadleen qul-qulka tahriibka oo ku soo batay dhallinyarada Soomaaliyed waxaana ay si guud ugu baaqen in arrinta laga hortago.

Munaasabada sidoo kale waxaa lugu soo bandhigay muuqalo ka hadlaya taariikhda ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL,waxaana muuqalada soo diyaarisay qeybna ku lahayd qabsoomida xalfaddan hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC.

Ruwaayado la xiriira xuska 15-may iyo qatarta tahriibka ay kala kulmaan dhallinyarada Soomaaliya ayaa sidoo kale lugu soo bandhigay inta ya socotay munaasabadu.

Maanta oo kale, sannadku markuu ahaa 1943-kii ayaa la aas-aasay ururkii dhallinyarada Soomaaliyee ee SYL oo horseeday xornimada jamhuuriyadda Soomaaliya.

1 2 3 7 7_1 10 12 13 14 15 16 17 19 20 IMG_6220 IMG_6221 IMG_6226 IMG_6231 IMG_6234

____
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Dowladda Marekanka oo Kenya ugu digtay dhibaateynta shacabka Soomaaliyed ee dalka ku nool

$
0
0

20268

Nairobi[RBC Radio]Iyadoo ay wali dalka Kenya ka socdan howlgallo la sheegay in lugu xaqiijinayo ammaanka ayaa haddana waxaa isi soo taraya dhawaqa muwaadininta Soomaalida ee ku nool dalkaas kuwaaso sheegay inay dhibaateyan ciidanka Kenya,dowladda Marekanka oo arrintan ka hadashey waxaa ay ka digeen dhibaatada Soomaalida lugu hayo.

Qoraal ay soo sartay haweeneyada haysa xilka kaaliyaha xog-hayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee Afrika Linda Thomas-Greensfield waxaa lugu sheegay inay ka walacsanyihiin dhibaatada ay kala kulmaan howlgallada ka socda Kenya dadka Soomaalida ah ee badankooda qaxootiga ku jooga.

..””Waa muhiim in laga hortago dhibaatada,balse arrinta an idin sheegeyno waxaa ay tahay Maraykanka wuu kasoo horjeedaa falalka ka dhanka ah xaquuqul Insaanka, waana in la kala saaraa la dagaalanka Argagaxisada iyo caburinta Shacabka aan waxna galabsan,..””ayaa lugu yiri war-saxaafaded ka soo baxay xafiiska Linda Thomas.

Linda Thomas oo arrintan si adag uga hadashey waxaa ay sheegtay inay cambaareynayso howlgallada ka dhanka ah Soomaalida,balse waxaa ay dowladda Kenya u sheegtay inay muhiim u tahay sugida amniga balse an loo bahneyn in la dhibaateyo shacabka an waxba galabsan.

Dowladda Kenya waxaa ay howlgallada ay ka sameeyen ciidankoodu Nairobi lugu soo qab qabtay kumaanan Soomaali ah boqollaal ka mid ah waxaa lugu soo celiyey magaalada Muqdisho,waxaana ay sheegen dhibaato badan inay kala kulmaan ciidanka Kenya.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo gaaray Garbahaareey

$
0
0

9

Garbahaareey[RBC Radio]Degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo,waxaa maanta gaarya wafti uu hoggaaminayey wasiirka difaaca dalka.

Ujeedadda socdalka waftiga uu hoggaaminayey wasiirka gaashaandhigga Somalia, Maxamed Sh. Xasan Xaamud waxaa lugu sheegay inuu yahay mid lugu doonayo sidii loo xalin lahaa xiisadda ka taagan degmada Beled-xaawo.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada,waxuu sheegay in wafdiga ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culummaa’uddiinka,waxaana kulankan looga hadlay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Balad-xaawo.

Waxaa la sheegay nay suragal tahay wasiirka iyo wafdigiisa inay u gudbaan degmada Beled-xaawo oo oo dagaallo khasaare badan dhaliyay ay ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo u dhexeeyay ciidammo la sheegay inay taageersan yihiin maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa dowladda ee horay halkaas ugu sugnaa.

Socdalka wasiirka gaashaandhigga iyo wadtiga uu hoggaaminayo,waxaa ay ku soo aadeysa xilli maalintii labaad xiisado colaadeed oo u dhexeeya dhinacyadii ku dagaalamay, iyadoo ciidamadii dagaalamay ay weli ku dhex-sugan yihiin degmada, waxaana dadaallo dhexdhexaadin ah kawada degmadaas odayaal iyo waxgarad kala duwan.

Waxaa la sheegay dhinacyada dagaallamaya inay ku dirirayan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Beled-xaawo.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

RW C/weli:Waa inaan xusuusano aabayaashii xornimada dalkeena[Sawirro]

$
0
0

8

Muqdisho[RBC Radio]Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey 71 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee (SYL). Munaasabadan ballaaran waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay Garoonka kubada Cagta ee Koonis.

Muddadii ay socotay munaasabaddaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan qiiro leh oo ka tarjumeysa waxqabadka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee laga ciyaaro dalkeenna taas oo ay Jecleysteen ka qeybgalayaasha Munaasabadda. Qaar kamid ah ururada dhalinyarada gobolka Banaadir oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin halku dhigyo ka turjimaya qiimaha maalintan ayaa socod kusoo maray goobtii ay munaasabaddu ka dhacaysay.

Mid ka mid ahaa halgamayaashii ururka SYL oo goobta ka hadlay ayaa waxbadan ka sheegay taariikhda ururka iyo qaabkii ay uga qayb qaateen tageerida ururka shacabka Soomaaliyeed oo xiligaas hamuun u qabay in ay helaan xoriyad ay u taamaan

“Waxaan halkaan uga mahadceliyaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo runtii xil weyn iska saaray muujinta qiimaha ay leedahay maalintaan oo ah mid taariikhi ah una baahan dadka Soomaaliyeed ee xiligaas joogin wax badan inay ka ogaadaan” ayuu yiri Xaaji Shugri oo wax badan usoo joogay waayihii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in sanad guurada 71-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) astaan u tahay taariikhda iyo gobonimada Soomaaliya, sidoo kale Raysul wasaraha ayaa ku booriyay dhalinyarada xilligan iney ku daydaan dhalinyaradii SYL oo ummadda Soomaaliyeed uga tegay taariikh dahab ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu ay mudnaanta siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin xubinta ugu firfircoon bulshada.

14

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhex taaganahay dhalinyaro xusaysa maalinta weyn ee 15-ka May oo astaan u ah xorriyadda ummadeenna, waa maalinkii ay saddex iyo toban dhalinyaro ah fariisteen dhidibadana u taageen xorriyada maanta aynu haysano waxaana maanta laga joogaa 71 sano, hambalyo ayaan leeyahay dhalinyarada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale uga qayb galay khadka telfoonka xaflad ka dhacaysay magaalada Baladweyn, wuxuuna hambalyo ku aadan maalintaan qiimaha badan u diray dhalinyarada goblka Hiiraan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Baydhabo iyo dhacadii shacabka Turkigu ku waxyeeloobeen “anigoo Munaasabaddaan qiimaha badan ka faa’iideysanaya waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dadkii Baydhabo lagu dilay ee gacanta ka gardaran dishay waxayna taasi nagu dhiirgelinaysaa inaan u midowno cadowga Al-shabaab, waxaa kaloo isoo gaartay khabar xanuun badan oo ah shil ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo dad badan ku dhinteen waxaana munaasabaddan sharafta badan ee 15-ka May uga faa’iideysanayaa inaan tacsi u diro dawladda iyo Shacabka Turkiga”.

15-kii May sanadkii 1943-dii ayey aheyd markii 13 dhalinyaro Soomaali ah aasaaseen ururkii SYL kaddib markii ay dareemeen hagardaamooyinka Gumeeysiga, iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay horkacayeeen halgankii Gobanimo doonka ahaa sababna ay u noqdeen in sanadkii 1960-kii dalkeenu u helay madaxbanaani kana mid noqdo wadamada xorta ah ee caalamka.

2 3 4 5 6 1 7 8 9 10 11 12 13 14 15
___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Kenya oo jawaab ka bixsay warbixino digniin ah oo ka soo baxay dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska

$
0
0

Nairobi[RBC Radio]Dowladda Keny ayaa nijad jab ku sheegtay warbixino lugu sheegay xaaladda dalka inay tahay mid halis ah oo an la isku aamini karin,kaddib markii dowladdaha Marekanka iyo Ingiriiska ay u digeen muwaadinintooda Kenya ku sugan.

Hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lugu sheegay inay tahay baaqyada mid an la dhageysan karin,waxaana inta lugu daray hadalka ka soo baxay wasaaradda inaysan jirin khatar amni oo Kenya ka jirta.

Wasaaraddu waxaa ay dhaleyceysay farrimaha ka soo baxay dowladdaha Maraykanka iyo Ingiriiska ,iyadoona lugu sheegay niyad jab.

..””Waa warbixin nagu abuuri kara niyad jab kuna tilmaamo karno saaxiibno noola dhaqmaya si aan wanaagsanayn,..””‘ ayaa lagu yiri warka kasoo wasaaradda arrimaha dibbadda Kenya .

Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay inay awood u leeyihiin sugida amniga guud ee magaalooyin ku yaalla dalka,waxaana ay wasaaradda arrimaha dibadda ku baaqdey inaysan jirin wax cabsi ah.

Hoosu dhac ballaaran ayaa laga dareemaya suqyada Kenya ee ganacsiga iyo sidoo kale dalxiiska kaddib markii ay soo bateen weerarrada ka dhacaya goobo ku yaalla dalka Kenya,waxaana dalal badan oo caalamka ku yaalla ay u digeen muwaadinintoda inay ku sugnaadan Kenya.

___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Carruur lagadan rabay oo la badbaadiyey

$
0
0

WAR-HADA-SOO-DHACAY-RBC13

Cadaado[RBC Radio]Waxaa gacanta lugu dhigay ilaa 18 carruur ah oo la sheegay in la doonayey in lagado,maamulka Ximan iyo Xeeb oo qabtay koox carruurtan wadatay ayaa sida sheegay.

Ciidanka amniga u qaabilsan maamulka ayaa la sheegay inay badbaadiyeen 18 carruur ah oo la soo qafaashay, iyagoo sidoo kale xiray afar qof oo loo maleynayo inay yihiin afduubeyaasha carruurta.

Cumar Maxamed Diiriye oo maamulka ugu magacaaban wasiirka arrimaha bulshada ee maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa uu saxaafadda u sheegay inay ciidanka qabteen afar qof oo saddex dumar yihiin, kuwaas oo la rumeysan yahay inay iibsan rabeen carruurta.

..””‘Waxaan qabaney afar qof oo saddex dumar yihiin, kuwaas oo la rumeysan yahay inay iibsan rabeen carruurta oo aysan dhalin kuwaaso gaarayey ilaa 18 carruur ah,kooxdi wadeyna gacantan ku haya,..””ayuu yiri Cumar Maxamed Diiriye oo ah wasiirka arrimaha bulshada ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Kooxdan carruurta wadatay waxaa la sheegay in lugu qabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud xilligaaso oo ay sarnaayeen gaarigi ay carruurta ku wateen.

Waxaa la sheegay in carruurtu isagu jirtay wiil iyo 17 gabdhood, waxayna da’dooda u dhaxeysaa 6-jir ilaa 11-jir.

Dhinaca kale,mas’uulka maamulka u hadlayey waxaa uu xaqiijiyey qaar ka tirsan waaliddiinta carruurta la qafaashay oo ku kala sugan deeganka Buulo ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada Muqdisho inay la soo xiriiren maamulka Ximan iyo Xeeb, waxayna ku wargeliyeen inay ka maqan yihiin carruurtooda.

Sidoo kale,wasiirka waxaa uu cadeeyey in carruurta la geeyay xarun lagu daryeelo carruurta oo ay maamulaan haweenka Ximan iyo Xeeb, halka ciidanka ammaanka ay baaritaan ku hayaan afarta qof ee loo haysto afduubka carruurta.

Dhowr mar ayaa qeybo ka mid ah Soomaaliya waxaa ka dhacday in la soo qafaashey carruur ad u da’yar kuwaaso looga shakiyo in la iibin rabay,waxaana xilligaan kooxda carruurta soo xaday ee ay qabteen Ximan iyo Xeeb la sheegay in baaritan lugu wado.

___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Maamulka cusub ee degmada Xarfo oo la caleemo-saaray[Sawirro]

$
0
0

IMG_6341

Xarfo[RBC Radio]Munaasabad ka dhacdey degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa lugu caleemo-saaray guddoomiyaha cusub ee degmada iyo ku-xigeenkiisa.

Boqollaal ka mid ah shacabka degmada oo isagu jira,waxgarad,culimo,haween,dhallinyaro iyo bulshada qeybaheeda ayaa ka soo qeyb-galay munaasabada oo lugu qabtay gudaha degmada Xarfo oo dhawaan maamul loo dhisay.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Xarfo oo ka kooban 17-xubnood ayaa iyaguna munaasabada ka qeyb-galay.

Cabdifitax Dahir Cumar(Garuu) guddoomiyaha cusub ee degmada Xarfo oo xafladdii caleemo-sarka ka hadlay waxuu sheegay in muddada uu joogo xafiiska uu ku dedaalayo sidii uu ku horumarin lahaa degmada Xarfo.

..””Waxaan u baahanahay inad noqotan garbaheena,waayo annago kaliya waxba ma qaban karno,waxaan ballan-qaadaya dhinaceena inan idin muujino dadaal ku aadan sidii an ugu shaqeyn lahayn degmada Xarfo oo muujisa hormarka ay garten,shacabka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaan faraya inay noqdan kuwa nagarabtaagan si an uwada guuleysanno,..”‘ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee degmada Xarfo Cabdifitax Dahir Cumar(Garuu).

IMG_6369

Ku-xigeenka degmada Xarfo,Cabdullaahi Cabdisalaan ayaa isna dhankiisa sheegay inay diyaar la yihiin tala-wadag iyo wax wada qabsi,waxuuna dhankiisa shacabka degmada ugu baaqay inay muujiyan wada-shaqeyn joogta ah.

..”‘Waxaan u baahanahay waa inan hormar gaarna taas waxaa ay ku imaan karta annago is kaashana oo isgarab istaagna,haddii ad doonaysan inan wada guuleysano an wada shaqeyno,..””ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka degmada Xarfo.

Culimo,nabadoona iyo haween iyaguna dhankooda munaasabada ka hadlay,waxaa ay rabbi ugu baryeen maamulka cusub ee degmada inay ku guuleystan shaqooyinka horyaalla iyagoona ugu baaqay inay la yimaadan howl karnimo.

Mas’uuliyinta ugu sareysa Xarfo waxaa laga dhigay dhallinyaro,waxaana inta badan degmooyinka gobolka loo dhibay dhallinyaro qorshahaas oo la sheegay inuu qeyb ka ahaa ballan-qaadki madaxweyne Gaas u u sameeyey dhallinyarada Puntland.

Degmada Xarfo oo an horay u yeelan gole deegaan ayaa lugu guuleystay in loo sameeyo gole deegaanka markii ugu horreeysay kuwaaso maamul cusub si cod ah ku soo dortay.

IMG_6372 IMG_6373 IMG_6321 IMG_6335 IMG_6337 IMG_6340 IMG_6358 IMG_6369 IMG_6368 IMG_6370 IMG_6364 IMG_6360 IMG_6365 IMG_6375 IMG_6376 IMG_6377 IMG_6342 IMG_6341 IMG_6330 IMG_6334 IMG_6327 IMG_6378 IMG_6385 IMG_6389 IMG_6392

___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Sharciga Isgaarsiinta Soomaaliya oo la meel-mariyey[Dhageyso]

$
0
0

golaha_wasiir-740x493

Muqdisho[RBC Radio]Muran badan oo muddooyinkii danbe ka tagna habka lugu maareynayo sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa xilligaan la soo gaba-gabeeyey kaddib markii ay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya cod u qaaden sharci lugu hagi doonno.

Wasiirradu waxaa ay doodo kulul ka yeeshen xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo muddo dheer soo jiitamaayey, xeerkan ayaa ah mid kala hagaaya shirkadaha isgaarsiinta sidoo kale taabo gelinaya wadashaqeynta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ee sida gaarka ah loo lee yahay.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerkan waxaana u codeeyey 19 Wadsiir 2 wasiirna waa ka aamuseen mana jirin cid ka hortiim.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka sida weyn ugu hormarey dhanka isgaarsiinta marka loo eego dalalka kale ee gobolka, waxaana taas horseedey iyada oo tartan furan uu ka dhexjirey shirkadaha isgaarsiinta isla markaana uu jirin sharci isgaarsiineed oo ay u noqdaan, maqnaanshaha dowlad dhexe oo xoogleh ayaana sahley in Isgaarsiintu noqoto mid shirkad kastaa oo dhaqaale u heli karta ay geli karto. Ma cadda sida sharcigan cusub uu Soomaaliya uga dhaqan gelaayo maadaama Dowladda Soomaaliya ee haysata sharciyaddii dowladnimo maamulkeedu aanu dalka wada gaarin.

Sharcigan cusub ayaa kala hagaya shirkadaha iyo macaamiisheeda, waxaana uu meesha ka saarayaa nidaamka ah in aan shirkadna shirkad kale wici karin, taas oo dadka ku khasabta in ay qaataan teleefano ka badan hal telefoon.

Dhanka kale sharcigan ayaa dhigaaya in la diiwaan geliyo dadka isticmaala telefoonada iyo lanbarkooda marka sharcigan Baarlamaanka uu meelmariyo, waxaana uu dhigayaa lahaanshaha lanbarka qofka ulana wareegi karo shirkadii uu doono.

Sharcigan ayaa qeexaya in shirkadaha Isgaarsiinta laga qaado canshuur iyada oo lanbarka 252 ay dowladdu maamuli doonto.

Halkan ka dhageyso shirka oo laga warbinayo/RBC Radio

Dooda wasiirrada ayaa dhacdey kaddib markii ay shalay oo Khaamis ahaayd isagu yimaaden hsirkoodi toddobad la ahaa arrimaha kale ee ay ugu hadleen waxaa ka mid ahaayd,Amniga iyo Tacsi loo direy dalka Turkiga musiibadii magaalada Soma ee dalkaasi.

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii V-aad) W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii V-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 16 2014

{Amisom iyo annaga maxaan ku} dhamaysan doonaa?! Dowladaha waaweyn ee Maraykanka, Ingiriiska, Talytaaniga… maxay innaga soo dooneen? Waxaan filayaa dad badan oo ay ugu horeeyaan xubno ka mid ah siyaasiyiinta dalka hoggaankiisa haysa inaysan dhab ahaan ka jawaabi Karin weydiimahaas!}

maqaalNin ka mid ahaa sarkiishii dowladda Kenya ee maamulaayay shirkii Mbagathi, waxaan u malayniyaa magaciisa inuu ahaa Ochieng, ayaa igu yiri “..labadii sano ee uu shirka Soomaalida ka socday Nairobi waxaan baranay waxa ay dadkaan yihiin, annagu Seminar bay inoo ahayd, waagii hore waxaan idin qabnay dad baxar ah oo aan la fahmi Karin,(Sophisticated) laakiin hadda waan idin baranay!…haddiise aan ku weydiiyo ma dadkaan meesha fadhiya (Ergedii shirka fadhiday) baa Soomaaliya caqligeedii ah mise dad kale idin ka maqan?!!….”

Seminar!…waxaan iyada shaki ku jirin in layna daraasadayniyay intii shirar laynooga yeerayay, laakiin waxaad moodaa dalalka deriska ah inay wax badan ka barteen sidaan u fekerno, dhaqankeena, iyo guud ahaan nolosheena, waxaana intaas oo dhan ka daran oo runtii iyagana u shaqaysay fahamkooda waxa qabyaaladdu dhaqankeena ka tahay……

Ochieng hadalkiisa bal ila faallee, aynu isku dayno inaan macnayno,aynu miiska soo saarno xaaladeena siyaasadeed ee guud ahaan dalkeena ku suganyahay, marka aad xarxariiqdo sida ay tahay dabeecadda siyaasadeed ee dalkeena dib u jaleec oo ila macnee hadalka ninkaas Kenyan-ka ah…

Waxaa ii muuqda in dowladaha waaweeyn ee danayniya Soomaliya deegaanka ay ku taal ama hantida iyo khayraadka dhex jiifa si ay taas u gaaraan iyago waliba waji inoo hayn ay marka hore rabaan inay inoo garba duubaan dalalka aan jaarka nahay, sida Itoobiya iyo Kenya, si ay taas u fududaatana inta hubkii laynaga dhigay baa layna yiri iyagaa amaankiina sugaya!……waxaa la dhex keenay guryaheenii, iyagoo inoo arka inaan cadowgoodii nahay, taasina waxay wax ka bedelaysaa tuhunkii ay ka qabeen muuqaalkeena, ama cabsidii ay araggenna ka qabi jireen!!…waxaa la siiyay awood si aan iyaga ugu dacwoon talo kastana u weydiino… taasina waxay siisay niyad ah inay iyaga innaga adagyihiin, innaga caqli badanyihiin, innaga…

Bal adigu dhab u fiiri waxa laynagu hayo, DULLI!… sanadkii 1992kii ayaa waxaan safaaradda Maraykanka ee Nairobi ku taal ugu imid koox mucaarad ah oo ka soo horjeedda dowladdii Daniel Arap Moi oo uu hor kacayay Oginga Odinga, oo markaas u dacwoonaya Smith Hempstone oo waqtigaas ahaa dan-jiraha halkaas u jooga Maraykanka, waxay u dhiibeen waraaq dacwad ah oo ay ku eedeyniyaan madax-weynaha dalka inuu hor taaganyahay in dalka laga dhaqan geliyo axzaabta faraha badan!…….inkastoo aan liqi waayay arrintaas, hadana, mindhaa waxaa isku qanciyay inaan badan kala socon mucaaradka iyo safiirka Maraykanka!!…

Annaga, waxaa hadda layna gaarsiiyay inaan qaadano waxyaabo aan iskala weynaan jirnay sida; inaan iyaga u kala dhuumano, inaan iyaga isku dacweyno, sax iyo khaladna waxay inoo sheegaan aan ku dhaqanno!… waa laynoo gediyay!….macnaha intaan lagadnay baa laynoo rogay….waxaadna moodaa in xikmaddu tahay ku taba barta, waan idin bajinaynaa…guryahooda baan idin dhex geynaynaa….

Siyaasadda noocaan ah waxay wax weyn ka bedeshay qorshihii hore ee dalalka Afrikaanka ah, siiba kuwa deriska ah, sida hadda muuqatana waa gabagabo tijaabooyinkii iyo barashadii ay dalalka deriska ah innaga rabeen, tusaale ahaan dowladda Kenya oo shacabkeedu bartay macaamilka Soomaalida iyo ganacsigooda waxy ku fekeraysay in la siiyo dadkeeda fursadaha mashaariicda dib-u-dhiska dalka Soomaaliya, sidaasoo kale Uganda ay ka fekeraysay inay xiriir sokeeye la yeelato Soomaaliya marka ay dowlad noqoto oo dadkeeda xirfadlayaasha ah (Professionals-ka) ay Soomaaliya shaqo ka raadsadaan…..hasa ahaatee hadda arrintaas wax weyn baa iska bedelay???!!…..waxaa muuqda dareen ah in dalka khariidadiisii la bedelayo…

{Intay Kaalinta SHacabka maqantahay wax kasta ha laga saxiixo, hadhowna sharci ha noqoto!}

DHibaatada dalka ku dhacday waxaa ugu muhiimsan inaysan jirin kaalin ay dad-weynaha ku leeyihiin arrimaha siyaasadeed ee dalka ka socda, waxaana la oran karaa waa arrin si ula kac ah oo qorshaysan loogu talo galay oo ay ka dambeeyaan waxa loogu yeero Beesha Caalamka, si arrin kasta go’aanka ay iyaga rabaan loogu dhameeyo, waxaanse xasuusinayaa dad sidaas u fekeraya, wax kasta oo xad gudub ku qaranimada dalka inaysan sharci noqon doonin, isla markaasna ay Barlamanka iyo xukuumaddu ay yihiin dad iyaga isa soo doortay oo aysan meesha ku imaan dad-weyne.!….

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

DEG DEG:Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay Nairobi

$
0
0

300x187xraxanreeb_degdeg3421-300x187.jpg.pagespeed.ic.BV76H0brD8

Nairobi[RBC Radio]Labo qarax oo is xigay ayaa goordhaweyd ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,waxaana markiiba soo baxeysa khasaare hor-dhac ah oo ay qaraxyadu gesteen.

Qaraxa hore waxaa uu ka dhacay bas nooca ah dadweynuhu adegsadaan,waxaana markiiba haddana la maqlay qarxa kale oo ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Nairobi oo lugu magacaabo Gikomba market.

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya qaraxyadan waxaa ay sheegayan inay ku dhinteen 4 ruux,waxaana jira tiro inta ka badan oo dhaawacyo ah walow an wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha inuu intaasi ka badan yaay.

Saraakisha caafimaadka ayaa dhankooda sheegaya inuu khasaaruhu ka badnaankaro inta maadamaa baska qaraxa uu ka dhacay iyo suuquba ay ahaayeen kuwo mashqul ah,waxaana baska qaraxa uu ka dhacay uu la ahaa 14 kursi,waxaana la filaya dadka saaran inay tirada dhanaayen.

Hay’adda Red Cross ee Lanqeyrta Cas ayaa dhankeeda sheegtay inay tobon qof oo dhaawac ah geeyen isbitaalo ku yaalla magaalada Nairobi

Madaxweynaha Kenya,Uhuru Kenyatta oo isna talefishanka si toos ah uga hadlay waxaa uu ka tacsiyeeyey dhibaatada ka dhalatay qaraxyada ka dhacay magaalada Nairobi ee caasumada Kenya.

Qaraxyadan waxaa ay ku soo aadaya xilli dhawaan hadal uu bixiyey hoggaamiya Al-shabaab Axmed Godane uu sheegay inay weerarro ka geysan doonan dalka Kenya gaar ahaana magaalooyinka waa weyn,waxuuna ugu hanjabay inay ciidankooda ka saaran Soomaaliya.

Waxii ku soo kordha kala soco Raxanreeb Online

____
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay haddii ay ku cadaato inuu qaladaad galay inuu is-casilayo[Dhageyso]

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya,Xassan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya,Xassan Sheekh

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la doodo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan ugu baaqay inuu is-casilo.

Xassan Sheekh,waxaa uu inta ku daray in ay qorshaha ugu jirto inuu ka gar boxo xildhibaanada federaalka ah ee dhowaan u soo jeediyey baaqa is casilaada.

Xildhibaannada ayuu u sheegay inuu doonayo sidii ay u fiirin lahaayeen halka ay wax ka qaldanyihiin,waxuuna sheegay haddii ay wax ku cadaadan inuu aqbalayo baaqado ah in madaxweynuhu is-casilo.

..””Warqada qoraalka ah ee aniga dhowaan la isoo gudbiyey waxaan diyaar u ahay waxa ay qabaan ee warqadaas ku qoran in aan kala fariisto oo kala doodo, waxa khaldan in aan wada fiirino haday anigu igu baaqatayna aan aqbalo…”‘” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhinaca kale,madaxweynaha waxaa uu ka hadlay is qabqabsiga oo u ku sheegay inuu dibudhac ku keenayo hormarka dalka lala damacsanyahay,waxaana uu inta raaciyey inaysan xilligaan ku wanagsaneyn dalka in lala yimaado arrimo dhalin karo is qab qabsi jiitama,maadaama uu sheegay dalku horay inuu u socdo oo wixii khaldan la saxo iyadoo aan shaqadu istaagayn.

..”‘Waxaan idin sheegaya dimuqraadiyada, xorriyada hadalka iyo fikirka kala duwan waan soo dhowaynaynaa waana u dulqaadanaynaa, cidii su’aal noo qabtaa madaxda dalka meel walba ayey wax nagu weydiin karaan,..””ayuu raaciyey madaxweynaha hadalkiisa.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka madaxweynaha


Hadalka madaxweynaha waxaa uu ku soo aadaya xilli ilaa 130 mudane oo ka tirsan baarlamaanka ay usoo jeediyen inuu is-casilo kuwaaso xilligaan madaxweynaha jawaab ka dhowraya,kaddib markii ay u gudbiyeen warqad baaq ah.

___
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Waddada isku xiraysa Galdogob iyo Gaalkacyo oo qeyb ka mid ah maanta xariga laga jaray[Sawirro]

$
0
0

IMG_6400

Galdogob[RBC Radio]Waxaa meel wanagsan mareysa dhismaha waddo la doonayo inay isku xirto qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug,waxaana jidkaan uu noqon doonno wajigiisa hore mid jey ah waxaana xilliga uu soo dhammaado la saari doonna laami.

Degmada Galdogob oo jidkaan dheer laga soo bilaabay,qorsha waxaa uu yahay inuu tago deegaan xeebedka Garacad,waxuuna jidku mari doonna deegaannada kale oo ay ka mid tahay degmada Gaalkacyo.

Manaasabad ka dhacdey duledka Galdogob ayaa maanta xariga looga jaray 18-KMG oo ka mid ah jidka,waxaana xariga ka jaray wasiirka howlaha guud iyo guriyeyntaPuntland,Cadirishiid Maxamed Xirsi oo qeyb ka ah dhowr wasiir oo ka qeyb-galay xalfada.

Wasiirka warfaafinta,Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran),wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi(Karaash) iyo wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Puntland,Cadirishiid Maxamed Xirsi ayaa ka qeyb-galay munaasabada qeyb ka mid ah jidka xariga looga jarayey.

Goddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac,guddoomiyaha degmada Galdogob Xassan Faarax Maxamed(Ayaxle),odayaal,ganacsato,dhallinyaro iyo haween ayaa iyaguna goob-joog u ahaa xarig jarka.

Ugu herreeyn si qoto dheer,waxaa ugu hadlay halka uu marayo dhismaha waddada dheer ee isku xiraysa qeybo ka mid ah gobolka guddoomiyaha guddiga gacanta ku haya dhismaha waddadan,C/qaadir Khaliif Xaashi waxuuna sheegay inay dadaal ugu jiran sidii loo dhameystiri lahaa jidkaan oo gaaraya ilaa Garacad,waxuuna inta ku daray in loobahan yahay shacabka iyo dowladdaba inay ka qeyb-qaatan dhismaha jidka,waxuu si gaar ah ugu mahad-celiyey madaxweynaha Puntland oo u sheegay inuu ka qeyb-qaatay dhismaha waddada,isagoona sidoo kale dadkii ka qeyb-qaatay dhismaha waddada dhinacooda u mahad-celiyey.

Gorad Guufe oo madax ka ah hay’adda dhiseysa waddada oo lugu magacaabo Is-xilqaan waxuu sheegay inay dadaal markasta ugu jiraan sidii ay waddada u noqon lahayd mid u faa’ideysa shacabka Soomaaliyed gaar ahaana kuwa adegsanaya jidka,waxuuna sheegay inay hay’adda ku deeqeyso dhismaha 2-KM taaso ka dhigaysa waddado inay gaarto 20-KMG oo jey ah.

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac(Tigay) ayaa isna sheegay in muhiimad weyn ay uleedahay hirgalinya waddadaan shacabka gobolka Mudug iyo guud ahaanba Soomaalida kale,waxuuna ugu baaqey dadka Soomaaliyed gaar ahaana kuwa reer Puntland inay ka qeyb-qaatan dhismaha waddada,guddoomiyaha waxaa uu sidoo kale ugu deeqay dhismaha waddada lacag gaaraysa 1000$ doollar.

Guddoomiyaha degmada Galdogob,Xassan Faarax Maxamed(Ayaxle) waxuu uu ka sheegay munaasabada in looga bahan yahay shacabka degmada iyo gobolkuba inay bixyaan canshuurta si loogu dhiso wadaddaan oo muhiimad weyn leh,isagoona sheegay 500$ doollar inuu ku bixinayo dhismaha wadadda.

IMG_6414

Cadirishiid Maxamed Xirsi,wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Puntland oo munaasabada soo xiray,waxaa uu dhankiisa sheegay inay dowladdu diyaar la tahay ka qeyb-qaadashada dhismahan oo u horay madaxweynuhu door ugu laha,waxuuna tilmaamay xukuumadda jirta in lugu dheynaaso “wax wada qabsi”waxuuna kaga dhawaaqay munaasabada in isaga iyo labada wasiir ee warfaafinta iyo arrimaha gudaha ay ugu deeqayan dhismaha waddada bil mishaar keed oo ah 3000$ doollar.

Odayaashi,ganacsatada iyo qeybaha bulshada ee ka soo qeyb-galay waxaa ay dhankooda ku baaqeyn in si wada jirta ah jidka dhismihiisa loo dhameystiro iyagoona yabooh lacageed ku dhawaaqay.

Dhaqaalo markiiba laga arruuriyey ka soo qeyb-galashaaya munaasabada ayaa waxaa ku dhawaaqay,wasiir Cadirishiid waxuuna sheegay inay gaarayso lacagta la aruuriyey 54250,000$ doollar(Konton iyo afar kun  iyo labo boqol iyo konton doollar).

Qorsha lugu doonayo in lugu dhiso jidkaan ayaa lugu sheegay inuu waxbadan ka badali doonno isku socodka qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug.

IMG_6395 IMG_6393 IMG_6394 IMG_6396 IMG_6397 IMG_6398 IMG_6399 IMG_6400 IMG_6401 IMG_6402 IMG_6404 IMG_6405 IMG_6406 IMG_6407 IMG_6408 IMG_6409 IMG_6410 IMG_6411 IMG_6413 IMG_6414 IMG_6415 IMG_6418 IMG_6421 IMG_6425 IMG_6426 IMG_6428 IMG_6429 IMG_6436 IMG_6437 IMG_6440 IMG_6444 IMG_6447 IMG_6449 IMG_6450 IMG_6454 IMG_6458 IMG_6463 IMG_6464 IMG_6480 IMG_6490 IMG_6491 IMG_6492 IMG_6493 IMG_6494 IMG_6499 IMG_6501 IMG_6502 IMG_6503 IMG_6504 IMG_6505 IMG_6506 IMG_6507 IMG_6509 IMG_6510 IMG_6512 IMG_6518 IMG_6517 IMG_6513 IMG_6514 IMG_6520

____
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: Parliament rejects Turkish-owned company contract

$
0
0

Mogadishu (RBC) Members Somalia’s Federal Parliament today rejected a eight-months-old contract with the Turkish-owned company Favori following a weeks of tough debate on the effectiveness of the contract, RBC Radio reports.

The company manages the Mogadishu’s Aden Adulle International Airport providing handling and management services.

In a voting session attended by 139 Members of the Parliament, 120 opposed the agreement and called for review while 13 abstained. Two others rejected the contract as total.

Speaker Mohamed Osman Jawari has said the contract will be returned to the ministry of transportation to review it.

“By this voting session, the contract between Favori company and the ministry of transportation is invalid and must be reviewed.” the Speaker added.

Favori L.L.C is a privately owned Turkish company and has signed the contract with the government October last year.

The contract gives Favori to manage the Aden Abdulle International Airport for 25 years, which is one of the several factors the parliamentarians attributed to its criticism.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Maxkamadda Ciidamadda Puntland oo xukuntay Ciidamo ka tirsan Badda Puntland (Sawirro + Video)

$
0
0

7Boosaaso(RBC Radio) Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukuno ku riday Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland kuwaas oo gadood iyo amar diido ka sameeyey xarunta Taliska u ah ee Boosaaso.

Maxakamadeynta ciidanka oo ka dhacday Xabsiga weyn ee Boosaaso ayaa,waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka ee gobolada Bari,Karkaar,Hayland iyo Garadafuu Cabdifitaax Xaaji Aadan,Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Cabdirixmaan Cali Xuseen(Muslim),Saraakiil iyo Xeer ilaalin.

Taliyaha Ciidamada badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo qudhiisu maxkamada hortagay ayaa ka codsaday Xeer ilaalinta iyo Guddoomiyahaba in loo khafiifiyo danbiga ay galeen Ciidanku maadaama muddo usoo shaqeeyeen Ciidanka badda Puntland.

1Ciidamada lagu soo eedeeyey iney gadood iyo amar diido ciidan sameeyeen isla markaana muddo la weereegeen Xerada ayaa maxkamada ka codsaday in la cafiyo denbiga ay galeena dib ugu noqon doonin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka ee gobolada Bari,Karkaar,Hayland iyo Garadafuu Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in markii ay arkeen Xeerka ciqaabta ciidanka maxkamadu ku xukuntay dhammaan 13-ka eedeeysane mid 5-sano oo xarig ah,waxayna maxkamadu cafis u fidisay 5-Sarkaal oo kiiskan lagu soo eedeeyey.

Cabdifitaax Xaaji Aadan

Guddoomiye  Cabdifitaax Xaaji Aadan

…”’Dhammaantood lagu soo eedeeyey qodobka 158-159 ee Xeerka Ciqaabta ciidamada qalabka sida,maxkamadu markey dhageysatay Maxkamada Xeer ilaalinta,31.5.2014 ay gadood ciidan ka sameeyeen xerada booliska badda Puntland Maxkamadu waxay ku xukuntay 13-eedeysane oo maxkamada hortaagan min 5-sano oo xarig ciidan ah….”’ayuu yiri.

Magacyada Ciidamada la xukumay maanta ayaa waxaa kamid ah:

1. Dable Maxamed Jaamac Warsame ,Ina Siciido Jaamac 29 jir ah.
2. Dable Cabdinuur Cumar Maxamed,Ina Faadumo Faarax 30 jir ah.
3. Dable Faarax Dhahar Maxamed,Ina Nimco Gaacshe 27 jir ah.
4. Dable Cadaad Warfaa Col-ujood,Ina Nadiifo Diiriye 35 Jir ah.
5. Dable Abshir Maxamed Ducaale,Ina Xaliimo Yaasiin 23 jir ah.
6. Dable Siciid Cilmi Xasan,Ina Aamina Xuseen 27 jir ah.
7. Dable Cabdirisaaq Maxamuud Cabdi ,Ina Saynab Siciid 27 jir ah.
8. Dable Cabdikariin Nuux Maxamed, Ina Caasho Axmed 27 jir ah.
9. Dable Bashiir Maxamed Cismaan oo maqane ah.
10. Dable Maxamed Burhaan Ibraahim,Ina Xaawo Muuse 22 jir ah.
11. Dable Maxamed Abshir Cali,Ina Asli aadan 27 jir ah.
12. Dable Siciid Abshir Ciise ,Ina Hodan Cabdi 26 jir ah.

6Sidoo kale waxay maxkamadu u xukuntay dowladda Puntland iney la wareegto 14-qori oo ay ku hawlgalayeen Ciidamadan,waxaana xusid mudan in maxkamadu xoriyadooda dib ugu soo celisay Saraakiisha kala ah :

01. Muumin Cali Shire.
02. Faarax Cabdullaahi Maxamed.
03. Maxamed Diraac Cali.
04. Axmed Cali baashe.
05. Ayuub Yaasiin Xaashi.

Qaar kamid ah Saraakiisha la xukumay ayaa rafcaan ka qaatay xukunkooda muddo 30-beri.

Dhanka kale maxkamada ciidamada Puntland ayaa dib u dhigtay kiiska laba gaari oo xamuul raran ahaa oo lagu gubay 7.8.2013 deegaanka Yalho ayna ku eedeysanyihiin 15-qof ,waxaana maxkamada joogay 3-eedeysane.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa booliska ku amartay in si degdeg ah lagu soo qabto 12-qof ee maqan kuwaas oo lagu sheegayo deegaanada Ceel-daahir(Ex-Ceel-doofaar) iyo Af-urur.

2 3 4 5 9 10 11 12 13 14

____________

RBC Radio/Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post


Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii VI-aad). W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii VI-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maajo 17 2014

{Qarammada Midoobay, dowlad kasta waa ka xubin, Soomaaliyana dadka Soomaaliyeed baa iska leh, sida dad kasta dalkooda u leeyihiin!}

maqaalIfafaalaha muuqdaa qaranimmada Soomaaliya shaki baa la geliyay, walina waxaa si xawli ah u socda dhaqan dumin looga dan leeyahay in dadka lagu oggoleysiiyo wax kasta oo Qaranimadooda lid ku ah, waxaa ka mid ah waxyaabaha hadda dhegahooda la maqashiisiiyo madax-weynaha runta ah ee dalka waa Nicholas Kay!. .Allaylahay isagana waa isu ekeysiiyaa…

Ciidammada AMISOM Quruxdii ay ku yimaadeen ee ahayd inay ammaanka sugayaan waxaa ka soke maray fool xumada xaqiiqda ay u socdeen oo ah in lagu cabburiyo dadka Soomaaliyeed, la yaab ma lahayn in waajibaadkii askariga Soomaaliyeed lahaa iyaga la siiyo, la yaab ma lahayn in mushaarka Dablaha ciidamada AMISOM uu ka bilowdo $1050 halka kan Soomaaliga ah ee dhinaciisa ka dagaalamayay loo qoray $100-$150, maxaa yeelay sida muuqata waxa lagu tala galay ayaa ka duwanaa waxa laynoo sheegayo!….

Waxaa laynoo sheegay in ciidmmada AMISOM ay ammaanka suayaan lana dagaalamayaan Al-shabaab si dowladdu cagaha u dhigato, laakiin waxay noqdeen taba-barayaashii Al-shabaab!….waxaa laynoo sheegay in askar Soomaaliyeed la soo taba-barayo si ay gacan uga geystaan hawl galada amaanka lagu sugaayo laakiin inta hub la siiyay baa iyagoo gaajaysan oo aan wax dar-yeel ah haysan suuqa lagu sii daayay! Bal micnee adiga maxaa loola jeedaana….ma wax qarsoon baa jira?… waa ka xumahay! Waxa Beesha Caalamka loogu yeero inay intaas ka xariifsanyihiin baan moodayay!…

Hay’adaha aan dowliga ahayn (NGO), Xuquuqda Aadanaha (Human Rights) Xuquuqda Haweenka (Women Rights) Xuquuqda Dadka Laga Badanyahay ( Minority Rights) Xoriyadda Saxaafadda (Press Freedom)…Xuquuqda…yaa dhamayn kara, waa dad xoog is biday oo si ay u helaan sabab ay wax ku dilaan magacyadaas iyo kuwo la mid ah oo xiisado horseedi kara ku adeegta! Beesha Caalamka!.. hadda ogow dal kasta dastuurkiisa waxyaabahaas waa cadeeyay hadana waxa Beesha Caalamka la yiraahdo waxay u isticmaaleen sababo ay ku burburiyaan…waana sababihii asalka ahaa ee lagu burburiyay qarankii Soomaaliyeed walina iyagii baa laynagu wadaa!……

Marka caqliga iyo laga soo tago farsamooyinka xayladaysan ee laynagu kala dilay dhexdeenna haddan nahay Soomaali, marka laga soo tago sida loo dhaqan-dooriyay dhalin-yaradii ahayd laf-dhabrkii mujtamaca iyo horumarka dalka,(Qaad iyo Maan-dooriyeyaal kale), bal u fiirso maxaa ka socda degmooyink dalka eek u yaala xuddudaha dalalka deriska inala ah, ciidamo Itoobiyaan ah baa soo galay ciidamo Itoobiyaan ah baa ka baxay! Diyaarad Kenyaan ah baa duqaysay, diyaarad markab ka soo kacday baa duqaysay…. Dad baab’a , duunyo baab’aday, wax ku dhintay lama yaqaan, cid dishay lama yaqaan…. Waxa u dambeeya ee laguu sheegayana waxaa weeye in la beegsaday ARGAGIXISO!….

Marka aad adiga oo ah qof bini aadam ah, Muslim ah, Soomaali ah, xil-kas ah, wadankiissa iyo dadkiisaba jecel, waliba miyir qaba aad isku daydo inaad qiimayso arrintaas waxaad garowsanaysaa in dalkii laynaga qabsaday! Waxaad garowsanaysaa in dadkeenii la dulaystay loona duleyniyo sababo dhaqaale iyo kuwo diineedba!…

Ceebta ugu weyn waxay tahay in dowladda dhan(waa sida loogu yeero e’) ee meesha joogta, madax-weynaheeda, Ra’iisal wazaaraheeda, Af-hayeenka barlamankeeda, waziirradeeda, iyo xil-dhibaanadeeda ay gacmaha ka saarteen indhaha meel-ka-dhacyadaas khatarta ku ah jiritaankeena iyo qaranimadeenaba….

SHarafta aan lahayn iyo qaranimadii aan duminay waxaa lagu helay markii hore hawl adag, ilaa iyo maantadan dad baa sabteeda loo handadaa, loo xiraa, ama loo dilaa, sharafta ilmaha dhasho uu Eebbe ku karaameeyay in wan qalo waxaa ka horeysay in Eebe uu Bini –aadamka ku karaameeyay fadli uu dheeraysiiyay in badan oo uunkiisa ka mid ah, laakiin waxaa intaas oo dhan ka duwan in Guumeysigu sharafta qofka bini aadamka ah uu leeyahay uu ku garto marka dhiigiisa la daadsho!!… Waana….

{Dalkii in lagu soo noqdo baa Hiil u noqonaysa badbaadinta Qaranimadeenii}

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Soomaaliland oo weerartay Saax-dheer iyagoo Cali Khaliif Galaydh ka baadi goobaya

$
0
0

galaydh-400x220

Laas-caanood[RBC Radio]Ciidamo ka tirsa maamulka Soomaaliland ayaa weerar ku qaadey deegaanka Saax-dheer oo 75-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaaladda Laas-caanood,horay waxaa halka ugu sugnaa xildhibaan Cali Khaliif Galaydh balse waxaa la xaqiijiyey inuu baxsadey markii ay ciidanka Soomaaliland soo galeen.

Ujeeddada ay ciidamadu u weerarren deegaanka waxaa lugu sheegay inay doonayan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Cali Khaliif Galaydh oo maalmihi ugu danbeysay booqasho ku marayey deegaanno ka tirsan gobolka.

Xilliga ay gudaha u galeen ciidanka Soomaaliland tuulada Saax-dheer waxaa la sheegay inay iska caabin an badnen ay kala kulmeen qar ka mid ah dadka deegaanka oo isku dayey inay iska difaacan ciidanka Soomaaliland inay gudaha usoo galaan  deegaanka,balse rasaas ay is weydarsaden kaddib waxaa u suragashey inay gudaha u galaan Saax-dheer ciidankii weerarka soo qaaday.

Ilaa hadda waxaana la ogeyn meel uu aaday xildhibaan Galaydh dadka deegaanka oo saxaafadda la hadlay waxaa ay sheegen inuu uga baxay dhinaca Bari xilli ay isku muuqdeen gawaarida Somaliland iyo kuwiisa, waxaase halkaas ku sugan Garaad Jaamac Garaad Cali, iyadoo goobjooguhu uu intaas ku daray inay galeen gurigii uu deggenaa.

Ciidanka ka tirsan Soomaaliland ee gudaha u galay guriga Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa la sheegay inay weydiyeen Cali Khaliif Galaydh halka uu u kacay,balse ma jirto faah-faahin inta dheer oo laga hayo.

Sidoo kale,wararka ka imaanaya deegaanka waxaa ay sheegayan in ciidamo ka tirsan kuwi qabsadey Saax-dheer inay qar kood u kaceen jidkii uu qaaday Cali Khaliif Galaydh,halka kuwa kalana la sheegay inay wali ku suganyihiin tulaada,waxaana ay Saax-dheer saaran tahay soohdinta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya ay la leeyihiin gobolka Sool.

Soomaaliland ayaa muddooyinkii danbe waxaa ay si kaddis ah ku imaanayen deegaanno ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag iyagoona deegaanno horleh tagayey.

____
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Raysul wasaaraha Soomaaliya oo Agaasimeyaal u furay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda[Sawirro]

$
0
0

3

Muqdisho[RBC Radio]Raysul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta Siminaar ugu furay Kuliyada Booliiska Jeneraal Kaahiye 80 kamid Agaasimayaasha Wasaaradaha.

Siminaarkaan bixintiisa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, AMISOM iyo Machadka Tababarada ee Uganda, waxaana u jeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaha.

Sarkaal sare oo ku hadlayey magaca AMISOM ayaa sheegay ujeedka Siminaarkaan yahay sidii aqoonta Agaasimayaasha Wasaaradaha Dowladda kor loogu qaadi lahaa, “Maahan markii ugu horreysay ee AMISOM tababar siiso shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradaha iyo laamaha kale ee dawladda, kani ma noqon doono midkii ugu danbeeyay ee wuxuu sii xoojin doonaa naguna dhiirigelin doonaa inaan gacan siino walaalaheena Soomaaliyeed, ujeedka aan siminaarkaan maanta u qabanay waa in kor loogu qaado aqoonta Agaasimayaasha Wasaaradaha si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo” ayuu yiri Sarkaalku.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Eng Luqmaan oo furitaanka Siminaarka ka hadlay ayaa ugu mahadceliyey AMISOM iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysatay, kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha, wuxuuna geesta kale sheegay in Siminaarkan wax badan uu kusoo kordhin doono aqoonta iyo kartida Shaqaalaha ka faa’iideysanaya.

2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo gabagebedii Munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee dawladda in kor loo qaado, wuxuuna uga mahadceliyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo AMISOM sida ay xilka iskaga saarayaan aqoonta shaqaalaha Dawladda .

“Tababarkaan maanta loo furayo hawl-wadeenada sare ee maamulka dawladda, wuxuu ku fadhiyaa qiimo aad u weyn waxaana kasoo kabanaynaa labaatan iyo dhawr sano oo bur-bur ah, tababarkaan wuxuu muhiim u yahay bilowga Soomaaliya Cusub oo ku dhisan shaqo iyo fekrad lagu horumaro, adduunka maanta waa shaqo iyo shaqaale” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiwali

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya kordhin doonto fursadaha shaqo ee bixiso dawladda isla markaana la gaarsiin doono guud ahaan dalka si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay.

Ugu danbaytii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa booqday goob lagu tababarayey qaar kamid ah Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna kula dar daarmay in ay si wanaagsan tababarka u qaataan loogana fadhiyo sugida amaanka dalka.

1 2 3 4 5 6
___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: Somaliland forces attack a town where former Somali PM stayed

$
0
0

Las’anod (RBC) Forces loyal to the breakaway administration of Somaliland attacked Sah-dher town, near Las’anod town, the capital of Sool region on the north of Somalia, RBC Radio reports.

According to residents, the town was stayed by former Somalia Interim Prime Minister Dr Ali Khalif Galeyr who is now a Member of Somalia’s Federal Parliament.

There is no any clashes reported but locals confirmed Dr Galer left the town before the forces from Somaliland entered the town.

Speaking to the local media, MP Galeyr condemned the attack as he said he was visiting his home region.

“I came here to attend the upcoming Khatumo three conference in the region.” he added.

Meanwhile, a spokesman for Somaliland administration claimed that their forces were still searching for Dr Ali Khalif Galeyr and that their motive was to arrest him.

Sool and Sanag regions on the north of Somali Republic are both claimed by the three contestant administrations of Somaliland, Puntland and Khatumo.

The region has been expereincing a high tension since March after Somaliland President visited the coastal town of Lasqoray and soon that followed by a surprise attack on Taleh town by the Somaliland forces.

Khatumo and Puntland administrations are part of Somalia’s Federal Government while Hargeysa seeks secession from Somalia since 1991.

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Hanka dowladda C/weli iyo Camey loo baqay iyo habacsanaanta soo baxday. W/Q Awil Abdi Farah

$
0
0

Hanka dowladda C/weli iyo Camey loo baqay iyo habacsanaanta soo baxday.
Awil Abdi Farah
awilabdi67@hotmail.com
Maajo 17 2014

maqaal108/01/2014 waxaa doorasho taariikh ah ka dhacday dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland taas oo maskaxda caalamka xasuus ku reebtay noqotayna mid aan inta badan ka dhicin wadamada horumaray afrikana iskaba daah. Dowladaas waxaa nasiib u helay in ay hogaamiyaan Gaas iyo Camey oo ah labo aqoon yahan oo caalamka wax badan ka yaqaan kana soo shaqeeyay, meelaha ugu sareeya aduunka meelo ka mid ah.

Proff: Abdiweli Maxamed Cali Gaas waa Proff: barre jaamacadeed dalka Maraykanka. Eng:Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camey waa eng: khabiir ah kana soo shaqeeyay Maraykanka qoon iyo waayo aragtinimo badana leh.

Gaas iyo Camey doorasho ka hor iyo kaddiba waxay balanqaadeen arrimo aad iyo aad xasaasi u ah dadkuna baahi wayn u qabay sida gobolada maqan oo muddo badanba gacanta Somaliland ku jiray soo celin tooda, waxaa ka mid ahaa balanqaadyada Gaas iyo Camey gobolada maqan faataxo laguma qabsan faataxana lagu soo celinmaayo. Intaas kaddib waxaa durba cabsiwayni soo wajahday maamulka Somaliland oo muddo badanba wax uga jawaaba waayay hanjabaado badan oo ay hawa soo marin jireen, waxayna bilaabeen walalayaal aynu nabad ku wada noolaano.

Balan qaadyadaasi waxay sare u qaadeen mar labaad hankii dowlada Puntland loo qabay iyo madaxda cusub waxayna muujisay kalsooni badan iyo taageero xoogan, waxayna walwalgal iyo halbahaar ku aburtay maamulka soomaalilaad. Muddo yar kaddib waxaa si is miidaamin ah Lasqoray cagaha soo dhigay madaxwaynaha maamulka Somaliland, isaga oo tijaabinaya bal jawaabta ay ka bixiso Puntland imaatinkiisa.

Dowlada Gaas iyo Camey jawaabtii ay ka bixisay imaatinkii Siilaanyo waxay noqotay mid ka macaan doolshaha, waxayna meesha ka saartay aragtidii maamulka Somaliland uu ka qabay dowladda cusub iyo madaxdeenada. Somalilandna waxay ugu muuqatay in ay hooskooda ka dideen, waxayna ku xijiyeen in ay Taleex la wareegaan iyo intas hoostimaada.

Buuhoodle oo ah difaaca dowlada Puntland kuwa ugu waa wayn mid ka mid ah,waxaa lagu soo dhaweeyay sawiiradii S/land ugu sareeyay welina waxay ku sugan yihiin Buuhoodle oo ay lacag ku qaybinayaan si ay saamayn ugu yeeshaan shacabka Buuhoodle. Waxaa intaas ka sii daran in madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland uu difaaco joogitaanka, S/land ay ku joogto uuna yiraaho waa xaq joogitaanku.

Intaas kaddib waxaa u dhabawday riyaddii Siilaanyo oo ahayd in uu mar uun Buuhoodle dhagax dhigo iskuna soo sawiro, caalamka u sheego in uu soo xirtay xuduudii ingiriiska.

Mar labaad jawaabta dowlada cusub waxay noqotay in ay ku difaacdo joogitaanka S/land gobolada Puntland.
Fursahada dowlada cusub ay heshay.

1: dadka oo ku hanwayn rabitaana u haya.
2: Wakhtiga oo raba ah dadkuna waxay sugayeen isbedal.
3: Waxay la kulmeen meel wax laga bilaabi karo yacni dowlad dhamaystiran siiba institution dowliga ah.

Habacsanaanta soo baxday ahna mid wax wayn ka badashay rajadii iyo hankii waynaa ee loo qabay dowlada cusub.

Lasqoray: Imaatinkii Lasqoray madaxwaynaha Somaliland
Xabsigii: Xabsigii caalamku isku halaynayay oo la Jabsaday.
Saraakiishii UN: ka oo Airport ka Galkacyo lagu laayay.
Qabsashadii: Talex oo aysan somailand abid ku riyoon.
Buuhoodle: Buuhoodle oo ah difaacyada ugu wayn Puntland mid ka mid ah.

Xabsiga Boosaaso oo la jabsaday waxay khatar galinaysaa in maxaabiis danbe Puntland lagu aamini waayo

Gabagabada maqaalka

Amaantu kuma caawiso iyo in sacab laguu tumo.
Runta baa ku caawisa yayba kaa farxine.
Dhaliishuna way ku toosisaa, adba mucaaradnimo u qaadatide.

Puntland waxay u baahan tahay maamul awood iyo karti leh iyo shacab wadaniyad leh oo garab istaaga dowladooda taasina waa mid aynu horumar ku gaari karno.

Intaas kaddib mudo kooban baa intaasi dhacday waana mid dhabar jab ku ah dowlada puntland. Waxaa wax laga xumaaddo ah Madaxwayne ku xegeenka Puntland Eng: Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay in uu difaaco, imaatinka Maamulka Somaliland ay Buuhoodle ku joogto uuna ku tilmaamo, muwaadin gurigiisii jooga.

NB: wasir xaglatoosiye dadkii taangiga lagu laayay ma magdhaw bay u qaadanayaan ambulance dug ah.

Maqaalkan waxaa qoray aniga oo ah Awil Abdi Farah A wixii su,aalo ama xog dheeraad ah waxad la soo xiriirikartaan qoraha maqaalka:
E-mail: awilabdi67@hotmail.com Tlf Nr +4551713330:

_______________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 19654 articles
Browse latest View live