Muqdisho[RBC Radio]Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Taageerada Nabadaynta, Judy Cheng-Hopkins, ayaa maanta soo gunaanadday booqasho shan maalmood qaadatay oo ay ku tagtay Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqday in 7 milyan oo doolarka Maraykanah ka lagu taageero hawlaha nabadaynta goobaha dhowaan la xoreeyay ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
“Waxaa naga go’an inaan 10 milyan oo doolar oo ka imanaya Hanaanka Gurmadka Degdegga ah ee Sanduuqa Nabadaynta Qaramada Midoobay si degdeg ah ubixino,” ayay tiri Kaaliyaha Xoghayaha Guud Cheng-Hopkins. “Soomaaliya waxaa weli ka jira dhibaatooyin gudaha ah, welina waxaa ka jiirta dhibaatada Al-Shabaab iyo kooxaha kale, laakiin waxaa meelo dalka ka mid ah ka jira fursado ku filan oo ah inaan hadda maalgashano nabadaynta si ay nabaddu u waarto.”
Maalintii 19kii bishii Maarso, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ku dhawaaqay in 3 milyan oo doolar oo ka imanaya Sanduuqa Nabadaynta loo qoondeeyay si loogu taageero dadaallada xasilinta ee goobaha dhowaan la xoreeyay. Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya oo la kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa iminka ku hawlan dhammeystirka mashruuca ugu horeeya si lacagtan loo soo daayo. Lacagta ay ku dhawaaqday Kaaliyaha Xoghayaha Guud Cheng-Hopkins waa mid dheeraad ah, waxaana la filayaa in arrimaha ay xoojinayso ka midyihiin tayada maamullada degaanada, fududeysana dadaalka dibuheshiisiinta heerka deegaanka, laguna maalgeliyo mashaariicda hawlaha guud ee kaabayaasha, oo ka shaqeeyaan dhallinyarada iyo kooxaha kale ee tabaaleysan.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud Cheng-Hopkins waxay sheegtay in Sanduuqa Nabadaynta uu maalgelinayo baahida nabadaynta Soomaaliya iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda gobollada, ururrada bulshada iyo deeqbixiyeyaasha.
“Hal mashruuc oo aan maskaxda ku hayno ayaa ah waxa aan u qaban karno dagaalyahanada ka soo goosta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka kale, sidii aan dhallinyaradan bulshada dib ugu biirin lahayn anagoo barayna xirfad una fidinayna fursad nololeed si aysan dib ugu noqonin falalkii ay ku kacayeen oo ah sababta ka dambeysa xasillooni darrada ka jirta Soomaaliya,” ayay tiri.
Iyagoo la hadlaya Kaaliya Xoghayaha Guud Cheng-Hopkins, ururrada haweenka magaalada Muqdisho waxay caddeeyeen inay doonayaan inay kaalin mug leh ka cayaaraan horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, sida hanaanka dib u eegidda dastuurka. Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxay carrabka ku adkeysa in Qaramada Midoobay ay rumeysantahay in haweenka laga awoodsiiyo xagga siyaasadda iyo xagga dhaqaalahaba si loo siiyo kalsooni ay ku cayaaraan kaalinta ay ku leeyihiin bulshada, waxay kaloo sheegtay in waaxda ay madaxda u tahay ay doonayso inay taageerto wadatashi ballaaran oo laga yeesho hanaanka qaran ee dastuurka, doorashada iyo kuwa kale.
Intii booqashada ku joogtay dalka oo ay tagtay magoolooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo Xudur, Kaaliyaha Xoghayaha Guud Cheng-Hopkins waxay la kulantay Ra’iisal Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, madaxda maamullada gobollada iyo degmooyinka, ururrada bulshada, ururrada haweenka, dhallinyarada iyo odeyaasha dhaqanka. Arrimmaha ugu waaweyn ee ay kala hadashay waxaa ka mid ahaa baahida loo qabo in la dejiyo mashaariicda hawlaha guud si dadka Soomaaliyeed loogu keeno tusaalooyin muuqda oo nabadda ah; baahida loo qabo in la tababaro hawlwadeenada dowladaha hoose iyo kaalinta ay ururrada bulshada rayidku ku leeyihiin hanaanka nabadaynta.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bishii December 2013 ku dhawaaqay in Soomaaliya ay mudantahay inay hesho deeqda ku jirta Sanduuqa Nabadaynta. Sanduuqa waxaa asaasay sannadkii 2006dii ka dib markii Golaha Loo Dhanyahay iyo Golaha Amaanku codsadeen in la taageero dadaallada nabadaynta dalalka ka soo baxaya colaadda ama xasaradaha siyaasadda.
___
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post