Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 19672 articles
Browse latest View live

Puntland uma baahna Gadood Siyasadeed. W/Q Mohamed A Dayib Gure

$
0
0

Puntland uma baahna Gadood Siyasadeed
Mohamed A Dayib Gure
ambdayib@gmail.com
Maajo 05 2014

Mohamed A Dayib Gure

Mohamed A Dayib Gure

In badan baynu maqli jirnay ciidan baa gadooday, dadkuna is waydiin jireen taloow ma mushuur bey wayeen mase garaamki cidanka baa mesha kabaxey mase gadood kale baa jira.

Ayamahan danbe waxaa so baxey gadood siyasadeed oo la mid ah taas aan horey usoo sheegnay, waxaan ayaamihii danbe maqlaynay dhawaaqyo kala duwan oo toos loogu werarayo Xukumada talada hada heysa ee uu garwadeenka kayahey Dr.Abdiwali Maxamed Ali Gaas.

Waxaan ushegayaa saxibada dhawaqa bilaabey, in aysan jirin garowshiiyo wakhtigaan laydinku garaabo ,mana ahan garasho ay garan karaan shacabka nabada iyo midnimada jecel ee reer puntland

in lagu kiciyo damac siyasadeed oo dhicis ah.
Bal aan iswaydinee, goormaa wax la dhalilaa ama la tosiyaa mar hadiiba uu jirin wakhti wax lagu qiimeyo oo ku filan intii xukumadu xafiska jogtey.

Puntland waa degaan leh Nadaam maamul, Astaan degaan ,Ciidan iyo xuduud waxeyna u bahantahey midnimo wada jir ah oo dhaliya xasilooni amni iyo degenaan horusocod oo ku dhaliya siyaasad fur furan oo leh soo jiidasho horumar waxna kula qeybsato qeyrkeeda kale.

Puntland waxey u bahantahey midnimo,Midnimadana waxaa ka dhasha Nabad iyo Wada tashi.  Nabaduna waa sheyga 1aad oo kaba nolosha Insaanka uuna ku gaari karo dhamaan qodobadaan oo dhan.  Hadii aan nabad laheyn macnaheedu waa waxa kale oo dhan oo meesha kabaxa.

Hadaba sida aynu ognahey wakhti xadirkaan dalku wuxuu ku sugan yahey xaalad adag oo kala ah:

Xaalad Amni oo u bahan wada jir
Daruufo dhaqaale oo adag
Xaalad siyasadeed oo fejignaan dheeri ah ubahan
Roob la’aan looga baqayo in uu keeno Abaaro iyo barakac xoolo dhaqato.

Sidaa darteed, shacabka Puntland waxaa la gudboon in ay wajahaan isku duubni si looga baxo darufaha adag ee ku xeendaban wakhti xadirkan deganadeena.

Mamulka hada jooga waa in uu garwadeen ka noqdaa isku duubnida shacabkiisa, hormuudna ka ahaada si loo helo jawi abuura in dowlada iyo dadkeedu meel uwada jiheystaan meeshana looga saaro guracnaanta iyo damaca dhiciska ah, tasoo saldhig u ah in aysan marna dhicin daqad dadka looga soo dhaco oo umada been loogu sheego.

Isku soo wada duubo,saxibadey waxaan ushegayaa in aan ley arkin in aan difaacayo Xukuumada ama si gaar ah Madaxweynaha Hada jooga xafiska lakin waxaan ilaalinaya Danta iyo sharafka Dadkeena iyo Degaankena waayo taas baa ASAL ah iyada ayaan wax kunahey,kunoqoney kuna ahaan doona Insha Allah.

Ugu danbeyntii, aynu wakhti siino saxiibkeena hada talada haya Dr.Abdwiwali oo runtii aan ogahey in uu yahey nin daacad ah, dal iyo dad jecel aadna uga damqada dadka taagta daran xiligii aan ogaa ,hase ahaate waa bani’adam wax way ka khaldamayaan, wixii ka khaldamay oo ilduuf ahaan usababsadey waxaan ka rajeynaynaa in garowshiyo ulahaado ,gadaalna ka saxo taasina waxey dhab iyo dhiranaan unoqon doonta Isbadelkii uu Dorashada ku galey iyadoo hodhac u ahaan doonta tubta cadaalada iyo sinaanta dadka reer Puntland ay ku gaari karaan Horumarka ay higsanayaan.

Waad mahadsantihiin.

Mohamed A Dayib Gure
Garowe
ambdayib@gmail.com

__________________________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post


Degmada Garsoor & Damaca Baraxleey! W/Q Ahmed A.Takar

$
0
0

Degmada Garsoor & Damaca Baraxleey!
Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com
Maajo 05 2014

Ugu horeyn si dadka qaarkii u fahmo
Garsoor = xaafad ka tirsan Gaalkacyo.
Baraxleey = xaafad ka tirsan Gaalkacyo.

maqaalMaalmahaan waxaa Meediyaha laga maqlayey dhallinyaro xaafadeed reer Garsoor ah oo mansab iyo manfaco u doontay xaafada kale ee deriska la ah ee Baraxleey.

La ye mid kamid ah ayaa wasiir laga dhigay La ye Gurigiisa xaafada Garsoor ayaa lagu weeraray
La ye kuwo kale ayaa kabaha idladay oo dhabaha Baraxleey sii haya La ye oo Laye ….

Haadaan afkii laga qafiley qabarna hooseeyo doqon baa halkii lagu khatali qoorta soo dhigane maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qalidoono.

Gablan talo adduuneey maxay galaba meel joogtay , Bulshadii reer Garsoor ee isla han-weynaa kuna hamiyayey in maamul aysan iyagu hormuud ka aheyn amase hogaan iyaga u gaar maahee aysan meel kale wax ku darsan , a waxay mareysaa in maanta Baraxleey looga gacan haatiyo
oo Horgale & Hoosgale ay doc-faruuraan sida ku dhaxday Beelo badan oo maanta ceeb iyo caro la hagoogtay.

Bulshada reer Garsoor meesha ay kubadda kusoo ciyaarayaan iyo meesha ay kasoo kalluumeysanayaanba qof waliba ra,yigiisa waa u xor laakiinse dhulka ,dhaqanka iyo dhiigga bulshada reer Garsoor
kubbad hadba dhinac loo laado wey ka weyn yihiin.

Dabkii baxaya ayaa wax lagu darsadaa , ninkaad kabaha ka tolaneysana kabihiisa ayaa horta la eegaa! Maamulka Galmudug ee Cabdi qeybddid anigu halkaan ku dhaliilo maayo , laakiinse ma uusan aha maamul caalamku aqoonsan yahay , nidaamka federaalku aqoonsan yahay amase isagu dhexdiisa is aqoonsan.

Shirkii guud ee ugu dambeeyey ee Bulshada reer garsoor ay Galdogob ku qabsatay go,aamadii kasoo baxay haddii aan dib u xasuusano waxaa ugu waaweynaa labo qodob:

-In Bulshadu dhexdeeda is nabad geliso dadka iyo degaanka deriskaana ay nabad kula noolaato.
-In maamulka ay wax ka dhisteen kana midka yihiin ee Puntland ay wax la qabsadaan.

Waxaan qormadeyda kusoo gaba-gabeynayaa wixii saluug iyo sad bursi ah ee Puntland laga tirsanayo si mug leh miiska wadahadalka haloo soo saaro oo halaga wadahadlo. Haddii taas la waayana wallaalayaaloow Taladaada & Taliyahaagaba yaan cid kale kuu meerin !
Nin isaguba qatana quud yaan loo daba fariisan !

Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com

____________________________

__________________________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Bahdilka Qarankii Soomaaliya lagu hayo iyo Bah`sanaanta Hogaamiyayaasha Soomaaliya!! W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud

$
0
0

Bahdilka Qarankii Soomaaliya lagu hayo iyo Bah`sanaanta Hogaamiyayaasha Soomaaliya!!
Cabdinuur Faarax Maxamuud
Guuleed72@hotmail.com
Maajo 05 2014

Bismillahi Assallaamu calleykum

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Qaran jabka ku dhacaay ummadda Soomaaliyeed wuxuu Saameeyey dhammaan sharaftii iyo karamadii an lahaan jiray wuxuu saameeyey dhamaan dhulkii umadda Soomaaliyed ay ku faani jirtay marna loo bixiyey libaaxii Africa.

Qaran kastaa wuxuu leeyahay Arrimo lama taabtaana si kastoo khilaaf u dhex maro umadaas hadana waxaa jira wax yaalo laga midaysan yahay kuwaas oo shaqsi kastaaa ay waajib ku tahay inuu difaaco.

Waxaana ka mida Arrimahaas muqadiskaa ilalinta Xuduudaha qarankaaga ilaalinta Calankaaga Ilaalinta mawaadiin kasta oo ka mida qaranka `aad ka soo jeedo Ilaalinta Magaca iyo sharatta dalkaaga ama siyaasi ahow ama shacbi ahow waa muqadaas ku saaraan inaad ilaaliso arrimahaas hadii kale waxaad lamid tahay Xayawaanka aan xuduuda lahayn.

Mar hadii qarankaagu bur,buro xaqiiqdii waxaad dhaxlaysaa karaamo daro kaaga timaata billa`aadamka waayo billa, Aadamku wuxuu ku wada socdaa inaadan adigu si gaara ugu bah-neeyn ee la, isku waada bahan yahay laakiin mar hadii Billa ,aadamku` kuu”Arko inaad u baahan tahay waxaa xaqiiqaa inay kaaga imaanayso ilhaamo iyo sharaf daro wayn.

Hadii aan u dhaadhaco dulucda Ujeedadayda qoraalkaan waxaa Calool xumaa in Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ayka dhoohan yihiin wax yaala dhacaya ee lagu samaynaayo umadda ay magacoodda wataan laguna bahdilayo caalamka ayaguna ay hadba meel Sawiro la galayaan dadka Soomaaliya lugooyadda iyo Bahdilka ku haya waana damiir xumo .

Markaad fiiriso waxyaala ay samaynayaan Dalalka Ethiopia iyo Kenya waxaa ku soo baxaysaa inaan Soomaaliya ahayn qaraan jira xataa magac ,ahaan uu dhintay qaranimadii Soomaalidda waayo bal arimahaan soo socda u fiirso.

Dawladda Kenya wixii ka horeyeey 2004 xaaladda Soomaaliya yaraha way ka gaabsan jirtay waxayna rajo ka qabtay hadii ay Soomaaliya faro galiso inay eedi doonto oo Soomaalidu aysan aqbalayn faro galin ilaa xad garsiisaan

Laakiin Kenya waxay ogaatay Dadka Soomaalidda inaysan qadiyaad wayn lahayn ee ay ku shaqeeyaan hadbaa in midla Caleemo saaro laguna soo diro shacabkiisa kadibna ayku gaarto danta ay ka ledahay..

Keenya waxay hadba tilaabo soo qaado waxay gaartay inay Shacabigii Soomalaiyeed ee Dalkeeda magaan Galayada waydiistay ay ula dhaqanto qaab ilhaama ayada ,oo isku daraysa xaraag dhac iyo boobka hantitoota waxaana taas u fududeeyey hogaamiyayaasha Soomaalida magac kasaa hawatee Keenya waxay gaartay bahdilkii ugu daraa kadib markii ay xataa ka xishoonwayday diblamaasiyiintii Soomaaliyeed

Keenya waxay ku tilaabsatay inay xabsiga dhigto magacii qaranka Soomaaliya kaas oo” ahaa Diblamaasigii Qaranka Soomaaliya wakiilka ka ,ahaa, waa Qunsulkii Soomaaliya u fadhiyey dalkeeda taasina waa bahdil aan loo aaba dayiin waxaana laga doonaya shacbiga Soomaaliyeed inuu ogaado inana cidna xushmaad u ahayn ilaa ay ayagu is xushmeeyaan.

Isla markaas Keenya waxay Qunsul u dirsatay Qayb kamida Dhulka Soomaliyeed ayada oo aan cidna kala tashaan ayey diyaaraad soo saartay Nin ay ku sheegtay inuu Qunsul uga yahay Kismaayo (Su, aasha) aan Soomaalidda waydiinayo maxaa sidaan inoo galay miyeynaan ahayn umadd xataa in yar oo damiir ku jiro? Miyeeynaan xataa Afka ka hadli karayn?

Dhanka kale Ethiopia waxaa Toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay shirkii madaxda Africa halkaas oo lagu marti qaaday dhamaan Madaxda Africa Soomaliya intee Madaxwayne `ayaa inoo ka qayb galay shirkaas?.

Markaad si dhaba u, eegto xaalka Soomaaliya ku jirto waxaad Ogaanaysaa inaan xataa Soomaaliya dal, ahaan loo aqoonsanayn waayo Madaxwaynihii Qaranka ayaa Muqdishu joogay.

waxaana shirkaas lagu marti qaaday Hogaamiyayaasha Mamulladda Soomaalidda waxaay taasi ku cadaynaysaainaan xataa Africaanka dariska inala `ahi aysan xushmo inoo hayan.

Waayo dal madaxwayne leh oo dhinaca laga boobayo kuwa ku faanaya inay shirar ka qayb galena aysaan ogayn ujeeda loogu yeeray waa bahdil iyo bah,sanaanta Hogaamiyayaasha Soomaalida

Waxaan ku soo koobayaa shacabiga Soomaaliyeed inay difaacaan sharafta dalkooda Soomaalidu waxay dhahdaa Caad,quureed lama qaato) Ninka manta Gobol Soomaaliyeed Xukuma ee isku arkaa inuu sharaf ku leeyahay kala qaybinta qarankii Soomaaliyeed taas waa Cadquureed iyo qaraan jab wayn.

Waa inay ilaaliyaan hogaamiyayaasha Soomaalida madax banaanida qaranka Soomaaliya waa in la ilaaliyaa karaamadda iyo magaca calaanka qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed waana in danta guud ee muqadaskaa isku qadiyaad laga noqodo khilaafku waa jiraya laakiin qaranimadda waa inaan la, iibsaan

W/Q Cabdinuur Faarax Maxamuud
Email-Guuleed72@hotmail.com

__________________________

Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Tartanka Inter City basketball oo Dar Es Salaam ka furmaya iyo Garoowe oo ka qeyb-galaysa

$
0
0

22

Dar Es Salaam[RBC Radio]Waxaa lugu wada maalinta berri ah in magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania uu ka furmo tartanka kubadda koleyga ah,kaaso ay ka qeyb-gali doonan magaaloyinka ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika.

Tartankan oo loogu yeero East and Central Africa Inter City basketball,sannadkan waxaa ka qeyb-galaysa koox matalaysa magaalada caasumada ah ee Garoowe,waxaana ay maanta ka degeen magaalada Dar Es Salaam.

Dhalinyaro la sheegay inay ad u sareyso xirfadooda oo laga keenay waqooyiga AMERIKA ayaa tartanka Puntland uga qeyb-galaya iyagoo wata magaca magaalada Garoowe oo xarun uu ah dowladda Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyed Cabdirishiid Xassan Xirsi(Bakin) oo isaguu dadaal u galey inay tartankan ka qeyb-gasho koox Puntland ka socota ayaa saxaafadda u sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay heer wanagsan gaari karaan dhallinyara ku ciyaaraysa magaca Puntland,waxuuna int aku daray inay muddo isku diyaarinayeen ka qeyb-galka tartankan.

20140503_092438

Sidoo kale Bakin,waxuu farrin u diray shacabka Soomaaliyed isagoona sheegay in loo bahan yahay in laga wada qeyb-qaato dadaalka lugu doonayo in kooxda matalasa Garoowe ay uga qeyb-gali lahayd tartanka.

…”””Sannadkan waxaan qabna rajadi ugu weyneyd,balse waxaa loo bahan yahay in loowada istaago sidii gacan looga geysan lahaa ka qeyb-galka dhallinyaradan tartanka magaaloyinka bariga iyo bartamaha Afrika,waxaan ka codsanayna Soomaalida inay ka qeyb-galan dhirigalinta dhallinyaradaan,…””ayuu yiri Bakin isagoo ka hadlayey diyaar garowga xilligaan ay ku jiraan dhallinyarada sannadkan Garoowe matali doonta.

Tartankan waxaa sannadkii hore Puntland uga qeeb gashay magaalada Gaalkacyo waxay ku guuleesatay magaalada ugu wanasgan tartanka Inter City Game oo sannad walba laqabto,waxaana xilli ciyaaredkan lagu raja ween yahay in ay ku guuleesato magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

1 22 20140503_085602 20140503_091250 20140503_092438 20140503_102115 20140503_110313 20140503_110421

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Qaramada Midoobay oo ka hadashey qaraxyada iyo weerarrada ka dhaca Muqdisho

$
0
0

AM PLASSNIK BEIM UN-SICHERHEITSRAT IN NEW YORK

Muqdisho[RBC Radio]War ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag looga hadlay xaaladda u muuqanaysa inuusan amni jiren ee ka taagan magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxaana ay si kulul u cambaareyen qaraxyada iyo weeararrada ay gestay kooxda Al-shabaab.

Qaramada Midoobay warka ka soo baxay,waxaa looga hadlay dilalkii ugu dambeyay ee xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo geystay bishii April ee lasoo dhaafay, iyagoo sheegay inay qeyb ka tahay amni darada Muqdisho.

Waxaa kalo ay sheegen Qaramada Midoobay inaysan wax samaeyn ah ku yeelan doonin howlaha ay ka wadaan Muqdisho weerarrada iyo qaraxyada ka dhacaya,waxaana ay si cad u sheegen inay sii wadi doonan taageerada ay siinayan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

…”””Qorshaheena waxaa uu yahay oo an doonayna inan idin soo gudbino,annago ka xun waxa ka dhacaya Muqdisho,haddana xubnaha golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqeen inay sii wadayaan taageerada nabadda iyo dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya…”‘”sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka golaha ammaanka.

Sidoo kale,Qaramada Midoobay warkan ka soo baxay oo ay uga hadlayeen xaaladda amni ee Muqdisho,waxaa ay ku sheegen in weerarada kala duwan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ay caqabad ka noqon karaan nabada caalamiga iyo guud ahaan amaanka gobolka.

Golaha ammaanka ayaa shacabka Somaliyeed iyo dowladda Federalka ah uga tacsiyeeyay geerida dadkii qaraxaasi uu haleelay isla markaana u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay soo kabasho deg deg ah,waxaana ay inta ku dareem in aan laga harin kuwa gabood falada geeysta, kuwa abaabula iyo kuwa qarash gareeya, lana hor keeno cadaaladda.

Golaha ammaanka , ayaa sheegay in waajibaadkooda caalamiga ah, iyo Qaraarada Qaramada Mdioobay ee ka yaalla Arimaha Soomaaliya uu farayo- inay garab istaagaan lana shaqeeyaan dowladda Somalia.

Warkan ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxaa uu imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan weerarro ay geesayan Al-shabaab,waxaana jira in mas’uuliyin ka tirsan dowladda iyo boqollaal shacab ah ay ku dhintaan,dowladda ay marwalba sheegta inay ku dadaallayan sugida amniga Muqdisho.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: Kenya opposition want KDF to withdraw from Somalia mission

$
0
0

Nairobi (RBC) The Orange Democratic Movement, the biggest opposition party in Kenya called on Monday the Kenyan Defense Forces [KDF] to withdraw from the African Union Mission in Somalia [AMISOM] following the deadly attacks that rocked several Kenyan towns, local media reported.

The opposition group since Kenya government launched its war on terror and sent its troops to intervene Somalia, the number of casualties of the Kenyan civilians risen up and the bomb attacks in the big cities including Nairobi and Mombasa became countless.

The ODM acting leader Anyang Nyong’o told reporters that it was the duty of the current Kenyan Government to set up a road map for a secure Kenya and a stable Somalia.

“Troops must withdrawal from Somalia” he added.

He questioned what sense would the Kenyans have while their troops are operating in Somalia and the big Kenyan cities are bombed and that civilians are killed and wounded inside Kenya.

The hard comments from ODM leader came after deadly explosions targeted Mombasa and Nairobi killing more than 10 civilians among them children.

According to Kenyan media, such comments were even emerging from the ordinary Kenyans who see intervening Somalia by Kenya was a big fault that Kenya should take its price now.

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: Heavy gun-battle in Beledhawa town kills four

$
0
0

Beledahawa (RBC) At least four people died and a dozen more were wounded after heavy gun-battle broke out in Beledhawa, a town in Southwestern Somalia region of Gedo on the Somalia-Kenyan border, RBC Radio reports.

According to residents, the battle erupted on Monday morning between soldiers loyal to the Gedo regional administration of the Federal Government of Somalia and rival soldiers loyal to the Kismayo-based interim administration of Jubba led by Ahmed Madobe.

The forces loyal to Jubba interim Administration were deployed recently on the outskirts of Beledhawa from Dolow, as the Gedo governor ordered to move from the area.

Hundreds of the towns residents begun to flee from their homes and crossed the border to Kenya side to seek shelter from the ongoing fighting in Beledhawa.

There were no immediate comments from both sides but locals confirmed that the rival forces were getting heavy reinforcements as the battle continued until Mid-day on Monday.

The Ethiopian forces serving under the African Union peacekeeping mission [known as AMISOM] were reportedky vacated the town early on MMonday before the fighting erupted.

The AMISOM Spokesman in Mogadishu could not be reached for comment on the fighting in Beledahawa and the withdrawal of the Ethiopian contingent.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Amiin Caamir af lagaadeeyey Madaxda Puntland

$
0
0

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Faraxaniiste Amiin Bogiisa uu ku soo daabacay

Waxgaradk iyo Shacabka Degmada Galdogob.

Madaxwayne soo dhawoow, Madaxwayne soo dhawoow.
Madaxwayne: Degmadu Dad-keedu waxay qabteen waxii dowlad qaban lahayd ee waxaan kaa rabnaa taageero Dhaqaale.

Guddomiye Max’ed Yuusuf Tigay
Yuusuf Tigay

Billaahi Calykum Madaxweyne Miyaana kuu sheegin Degmadaan Galdogob in ay tashatay una dhaqaaqday dhanka horumarka, una baahan-tahay in tilaabooyin lagaqaado Cunaqabatayn ah: kala dir Golaha Deegaan-ka. Si looga joojiyo Mashaariicda GPLG-ga. Waayo degmo Gole Deegaan hel looma diidi-karee. Waxaa uga haboon, Mashaariicda GPLG-ga Baran iyo Qandala. Marna dhaaf dhuuntaad noogashaye, Degmada aan wax ka dhadhaminee.

 

Wasiirka Howlaha Guud, C\rashiid Ina Dib’usocoy.

rashiid Ina Dib'usocoyMadaxweyne Waxaad ogtahay in aan siyaasadda Puntland waxbadan ku jiray, ilaa aan ka noqday Guddoomiye Baarlamaan, Dad-ka Reer Puntland layga warami-maayo, waan is naqaan, hadii aadan mashquulin iyagaa ku mashquulin. Golaha Deegaan-ku waxbadan buu qabtay. Noogamase muuqdo Guddomiyahaan lashaqayn lahayn. Golahu waa kala dirid. Isma naqaanee walle waynu isbaran. Adeer Ma ilowday Gaari-gii aad kirada iigu diiday hay’addii Maag iyo Beertii Adeerkay oo baliga weyn kutiil oo aad gubtay.

 

Madaxweyne Gaas.

gaas2014Anaga qorshaha 1aad, 2aad, 3aad waa Caddaaladda, waana in degmooyin-ka horumarka sameeyay loo hakiyaa kuwa gaabis-kaa. Tankale Runbaan idiin sheegayaaye waxaan Maamuladii hore uga duwan-nahay, waxaan ku darnay Xukuumadda Beello aan ka mid ahaan jirin Puntland. Waana ognahay wax qabadka Maamulada degmada Galdogob iyo Jariiban. Balse gole dhisan, Xubno laguma darikaro, waana meelaha kaliya oo ku haboon in la kordhiyo Golaha Deegaan-ka. Sidaa daraadeed waanu kala dirnay Golihii Deegaanka labadaas Degmo.
Wagarey Wagar, war Caddaaladii Gaas macaynkaas baynoqotay.

Use Facebook to Comment on this Post


Ilaa 130 Mudane oo Baarlamaanka Soomaaliya Ka mid ah oo Maanta Shaaciyey Mooshin Ku Baaqaya in Madaxweyne Xasan Shiikh uu Iscasilo

$
0
0

Baarlamaanka-SoomaaliyaMuqdisho (RBC) Illaa 130 mudane oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday mooshin ay xilka uga qaadayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Mudanayaasha oo maantta ku shiay mid ka mid ah hoteelada Muqdisho ayaa soo jeediyay in madaxweynuhu uu iska casilo madaxtinimada, si bay yiraahdeen loo badbaadiyo dadka iyo dalka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah afhayeenka xildhibaanada keenay mooshinkan ayaa saxaafada u waramay, wuxuuna sheegay in codsi ay u dureen madaxweynaha ayna u sheegeen inuu hogaaminta dalka ku guul dareystay sidaasi darteedna uu iska casilo kursiga.

“Talo si hoose iyo si kore waan ugu sheegnay, markaanu aragnay in taladii dalka ay gashay gacanta koox yar oo wadankii oo dhan masiirkiisa gacanta ku heysata.” ayuu yii xildhibaan Cosoble.

Mar la weydiiyey waxa ay yeelayaan haddii uu madaxweynuhu yeeli wayo baaqa iscasilaada ee ay maanta soo jeediyeen, wuxuu sheegay in mooshinka ay geynayaan baarlamaanka, ayna madaxweynaha xilka kaga qaadayaan si waafaqsan dastuurka.

“Madaxweynaha awalba baarlamaan baa doortay haddana barlamaanka ka qaadi kara, waana wado sharci ah.” ayuu sii raaciyey.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in sababta mooshinkan ay hadda u keeneen ay tahay markay arkeen xaalada dalka ku jiro in dhibaatada dadka heysata ay sii baaheyso oo kaliya, dawladana aysan awood u lahayn inay wax ka qabato.

Mooshinkan laga keenayo madaxweyne Xasan Sheekh waa midkii ugu horeeyay ee noociisa ah, waxaana uu imaanayaa xili xukuumada cusub iyo raysal wasaaraha hadda jooga ay shaqeynayaan mudo shan bilood ah kadib markii khilaaf madaxda dawlada dhexdeeda loo tuuray raysal wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumadiisii.

 

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: Lawmakers call President Mohamud to resign

$
0
0

Baarlamaanka-SoomaaliyaMogadishu (RBC) More than 100 Somali lawmakers on Monday signed a statement which called President Hassan Sheikh Mohamud to resign or face parliamentary vote of no confidence, RBC Radio reports.

In a meeting in Mogadishu today, parliamentarians released a press statement which they have noted down 14 points to shed the light the failure of president Mohamud’s leadership.

The statement touched down the ongoing clan-based conflicts in some of the country’s regions of Hiran, Middle Shabelle and Lower Shabelle which they said was the result of poor leadership and bad governance.

The lawmakers called the President to resign immediately or he will face a parliamentary vote of no confidence.

“We can not accept to see as this serious matter is going on.” MP Abdukadir Osoble said.

He said some parliamentarians went to th president’s office to advise him to resign before they tabled this motion.

MP Abdullahi Jama also said that parliament is the legislative agency that holds all government officials accountable, and hold the power to sack the president.

“We need to save the nation and the people. The country is in crisis, we want say please Mr President you know all these things, please go.” MP Jama added.

Monday’s motion against President Mohamud is the first one from the lawmakers since President Mohamud took leadership in September 2012.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Maxay Xildhibaanada ku soo Eedeeyeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud? (Qoraalka oo Dhan)

$
0
0

madaxwenaMuqdisho (RBC) Tiro xildhibaano gaaraya 130 mudane oo ka mid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray qoraal ku baaqaya in madaxweyne Xasan Shikh Maxamuud uu iska casilo xilka madaxtinimada.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waxqabad la’aan iyo maamul xumo. Haddaba waxaa goordhow Raxanreeb soo gaaray qoraalka xildhibaanadan ay soo saareen oo dhameystiran, wuxuuna u qornaa sidatan:-

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

05/05/2014

Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya

OG: Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ( Jawaari )

Guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliya

OG: Ambassador Nicolas Kay
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Ujeeddo: BAAQ SOO JEEDIN IS-CASILAAD.

Mudane Madaxweyne,

Annagoo ah Xildhibaannada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, kana ambaqaadayna waajibaadka guud ee naga saaran ilaalinta danta Qaranka, dabagalka iyo qiimaynta waajib gudashada hay’adaha Dowladda oo uu ugu horreeyo Xafiiska Madaxwaynaha, waxaan dib u eegis ku samaynnay ballanqaadkii aad ka hor jeedisay Golaha Shacabka markii aad murashax u ahayd hoggaaminta talada dalka, si aan u hubinno waxa ka fulay lixda tiir ee aad Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigtay oo aad heshiiska kula gashay wakiillada Shacabka oo Xildhibaanada ahna kugu doorteen, waxaana la filayay haddii aad ka dhabayn lahayd siyaasadda ku qotanta 6da tiir, in laga gudbi karay duruufaha adag ee dalku ku suganyahay lagana soo kabsan lahaa dib u dhacyada soo jiitamaayey tan iyo markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay 1991kii, ee xagga siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, dowlad wanaagga, horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta, hase yeeshee sida muuqata hoggaan kaagu waa ku guul daraystay in uu fuliyo koley ku tahay tiir qura! haddii aan xusno tiirarku waxay ahaayeen:

1.Xasillinta dalka, sarraynta sharciga iyo dawlad wanaagga.
2.Soo noolaynta adeegyada bulshada.
3.Nabadaynta iyo dib u hashiisiinta.
4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.
5.Midnimada iyo wadajirka ummadda.
6.Abuuridda xiriir caalami ah;

Lixdaan tiir fulintooda muhiim bay u ahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed, oo kugu aaminay ballan qaadkaas.

Haddaba markii aan aragnay in hoggaankaagu ku guuldaraystay ;

1. Samaynta qorshe cad oo meel mar noqon kara laguna xasilin karo dalka oo maamullo loogu dhiso ummadda Soomaaliyeed si loo hirgeliyo federaalaynta Dalka, kuna salaysan caddaalad iyo maamul wanaag.

2. Soo noolaynta adeegyada bulshada oo ay ugu horreeyaan tacliinta, caafimaadka, biyaha iyo korontada.

3. Sugidda nabadgelyada, dib u dhiska ciidamo qaran oo si hufan lagu soo xulay, oo yeelan kara karti iyo awood uu ku soo celiyo kala dambayntii iyo sugidda amniga qaranka, taasoo la’aanteeda madaxbanaanida, midnimada iyo karaamada dalka mugdi gelin karta, iyadoo waliba ay weheliso in colaad beeleedyo hor leh ka soo cusboonaadeen gobollada dalka qaarkood sida: Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo weliba meelo kale taasoo loo aanaynayo hoggaan xumida iyo karti darrada hoggaankaaga iyo dadkii aad u xilsaartay howlaha fulinta, oo sida lagu soo xulayna su’aalo badan ka jiraan.

4. In hoggaankaagu ka gaabiyay in uu curiyo fikir siyaasadeed oo lagula xaajoon karo mucaaradka hubaysan (Alshabaab), iyadoo waayo aragnimada lagu bartay in colaadaha noocaan ah aan lagu dhammayn karin xal militari oo kaliya, balse lagama maarmaan ay tahay in lagu garab wado wada xaajood iyo wada hadal siyaasadeed.

5. In hoggaankaagu ku guuldaraystay habsami u hagidda siyaasadda dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa, oo si aan daah furnayn Shirkado shisheeye gacanta loogu geliyey kaabayaasha halbowlaha dhaqalaha Dalka sida Dekedda, Airporka iyo kuwa kale, taasoo horseedi karta in la hakiyo kaalmadii loogu yaboohay dalka heshiiskii Compact ee shirkii ka dhacay BRUSSELS.

6. In Hoggaankaagu ka gaabiyay ilaalinta midnimada qaranka oo wada hadalkii lala galay Somaliland sida uu u socday u muuqday mid fududeynaya in dalku kala go’o.

7. In aqoonsigii diblomaasiyadeed ee ka dhashay doorashadii looga gudbay kumeelgaarka oo howsha badan la geliyay, xilligii KMG lagu jiray hadda la moodo in uu sii lumaayo ilaa heer diblomaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya si bareer ah loo xiro oo la dafiro aqoonsigiisa diblomaasi, taasoo ay sii dheertahay in Mudane Madaxwayne Adigoo ku sugan Nairobi, Shacabka Soomaaliyeed la raafayay, oo codsigaaga waxba aysan kasoo qaadin madaxda Kenya, ficil iyo qawlna aadan ku muujin arrimaha lagu bahdalayo karaamada iyo sharafta Soomaalinnimo.

8. In qaabka loo agaasimay maaraynta degaanada lagala wareegay Alshabaab ay u keentay bulshadii ku nooleed deegaannadaas culays nabadgelyo iyo ciriiri nololeed, iyadoo magaalooyinkaas ay go’doomiyeen Alshabaab , taasoo fursad u siisay kooxda Alshabaab inay dib isu soo abaabulaan, Shacbiyadna ay helaan waana arrin hoggaan xumi ku dhacday oo laga taxadiri karay .

9. Hoggaankaagu wuxuu ku guul darraystay in dibu-habayn lagu sameeyo garsoorka oo weliba la baalmaray talooyinkii wax kuoolka ahaa ee kasoo baxay shirweynihii qaran ee arrimaha garsoorka ku saabsanaa oo Muqdisho lagu qabatay bishii April 2013kii. Mudane Madaxweyne, waxaad ka baaqsatay fulinta qod.109,faqraddiisa 2aad ee Dasuurka JFS ee tilmaamaya asaasidda Maxkamadda Dastuuriga ah, taasoo loo fasirtay inaad raadinayso qiil aad uga gabbato in lagula xisaabtamo.

10. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay samaynta Guddiyada Madaxa bannaan, sida ku cad qod.111 ee Dastuurka JFS, gaar ahaanna dhismaha Guddiga la Dagaallanka Musuq-Maasuqa ee ku tilmaaman qod.111C, taasoo keentay in si bareer ah loo boobo hantida qaranka.

11. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay inuu dib-u-heshiisiin dhab ah dhexdhigo beelaha Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka ah iyo Maamullada Gobollada iyo inuu abuuro Guddiga Runta iyo Dibu-heshiisiinta, sida ku cad qod.111i ee Dastuurka JFS.

12. Hoggaankaagu wuxuu ku fashilmay Amniga Qaranka oo sida cad uu kuu farayo qod.126aad ee Dastuurka JFS, ayadoo si joogto ah loo beegsado xarumaha halbowlaha u ah Dawladda sida Maxkamadda Sare, Madaxtooyada, Xarunta Qaramada Midoobay iyo meelo kale, si joogto ahna loo laayo xildhibaannada Baarlamaanka FS, Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, haba yaraateena aysan jirin dad loo soo qabtay dambiyadaas ama kuwo xil gudasho la’aan lagu eryey.

13. Hoggaankaagu wuxuu raalli ku noqday in qaadashada jinsiyadda Soomaalinnimo oo ah arrin xasaasi ah loo maro qaab sharci darro ah, ayadoo la baal maray dhabbaha uu tilmaamayo qod.8aad ee Dastuurka JFS.

14. In Hoggaankaagu aanu u muuqanin mid gaarsiin kara dalka doorasho xor ah Marka lagaaro August 2016ka, taasoo Madaxwaynoow aan filayno in aad nala qirsantahay!

HADABA, SABABAHA KOR KU XUSAN DARTOOD , WAXAAN MUDANE MADAXWEYNE KUUGU BAAQAYNAA OO KUUGU NASIIXAYNAYNAA INAAD ISKA CASISHO XILKA MADAXWEYNENIMO MAADAAMA AAD KARTI U YEELAN WAYDAY INAAD SI SAX AH U HOGGAAMISO DALKA.

________________
Qoraalkan waxaa na soo gaarsiiyay xildhibaanada.  Qeybta ay ku qoran yihiin macyada xildhibaanada weli nama soo gaarin.

Use Facebook to Comment on this Post

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ku Baaqay in deg deg Loo Joojiyo Dagaalka Degmada Beledxaawo Una Hanjabay Dhinacyada ku Lugta Leh

$
0
0

C.weli-Sh-axmedMuqdisho (RBC) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ku tilmamay dagaalada ka dhacay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kuwa nasiib daro ah, isla markaan xukuumaddu ay si adag ula xisaabtamayso cidii ka danbaysay dagaalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaarayn dusha uga tuuray kooxaha caadaystay in shacabka dhaxdiisa ku dhex dagaalamaan, iyadoo xiligaan shacab iyo dowladdaba heegan loogu jiro sidii kooxaha nabad diidka ah dalka looga sifayn lahaa.

“Waan ka xunahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka ku nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Xukuumaddu baaritaan ku samayn doono cidii ka danbeysay dagaalka lagulana xisaabtami doono cid waliba oo dagaalkaas lug ku yeelata.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Afhayeen Cusub kadib iscasilaadii Afhayeenkii Hore

$
0
0

DSCF90841Muqdisho (RBC) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa magacaabay afhayeenka cusub ee gobolka Banaadir kadib markii uu shaqada iska casilay afhayeenkii hore Cabdibaasid C/raxmaan oo xilkaasi hayey mudo bil iyo maalmo ah kaliya.

Mungaab ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu afhayeenka cusub ee maamulka gobolka Banaadir ugu magacaabay Axmed Cismaan Muxyidiin Showqi oo sida la sheegay ay aad isugu fiicnaayeen guddoomiye Mungaab.

Wareegtada lagu magacaabay afhayeenka cusub ayaa si rasmi ah u soo baxday maalinimadii shalay ee Isniinta, waxaana ay ka dambeysay kadib markii warqada iscailaada afhayeenkii hore Cabdibaasid C/raxmaan uu aqbalay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Afhayeenkii hore ee gobolka Banaadir Cabdibaasid ayaan illaa hadda si muuqata u fasirin sababaha uu xilka uga tegey kadib markii uu hayey mudo yar iyadoo la magacaabay 17-kii Maarso ee sanadkan, hase yeeshee warar dad ay isku dhiw yihii laga heley ayaa sheegaya in uu ku qanci waayey qaabka shaqada maamulka gobolka Banaadi ee uu afhayeenka u yahay.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in sababo xagga amniga ah uu Cabdibaasid uga tanaasulay xilka, kadib markii ay soo bexeen hanjabaado loo jeediyey isaga, oo weliba uga imaanayey dad ay ehelo ahaayeen oo qaarkood ku jira kooxaha dawlada dagaalka kula jira.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: PM calls immediate ceasefire for warring sides in Beledhawa

$
0
0

C.weli-Sh-axmedMogadishu (RBC) Somali Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed has called the warring sides in Beledhawa town of Somalia’s Southwest region of Gedo to immediately cease the fighting and allow the local people to live in peace, RBC Radio reports.

In a statement released on Monday night, Prime Minister Abdiweli said his government will conduct full investigation into the both sides involving the fresh fight in Beledhawa which killed at least four people on Monday.

“The government will take legal step against those who involved the fight.” the Prime Minister’s statement read.

“Somali people suffered enough and it is time to renounce violence and start new life of peace and prosperity.” the statement added.

According to residents, the fighting erupted early on Monday in the border town after forces loyal to the Gedo regional administration under the government and others loyal to the Kismayo-based Interim Administration of Jubba clashed for the control of the town.

Hundreds of civilians were reportedly fled towards the Kenyan border as the fight intensified.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Madaxweynaha Marekanka iyo madaxweynaha Jabuuti oo arrimaha Soomaaliya kawada-hadlay[Dhageyso]

$
0
0
Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Obama

Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Obama

Washington[RBC Radio]Madaxweyne dalka Marekanka,Barack Obama ayaa aqalka cad ee Washington ku qaabiley madaxweynaha Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Sidoo kale,boqollaal shacabka reer Jabuuti ah ayaa iyguna ku hor banaanbaxay aqalka cad ee Marekanka,waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidanyihiin,madaxweynaha muddada dheer soo talinayey ee Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in isaga iyo Barack Obama ay ka wada-hadleen arrimaha aminga, horumarinta, iyo xaaladda guud ee Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle,waxaa uu tilmaamay in dhiggisa dalka Marekanka ay isku raaceen in la tayeeyo ciidamada dowlada Soomaaliya, kaddib kulan saacado qaatay oo ay wada yeesheen.

Madaxweynaha Jabuuti,waxaa uu inta ku daray in markii Obama uu u gudbiyay qorshaha ku aadan dhismaha ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaga jawaabay in arrintaasi ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana ay socdaan tababarro la siinayo ciidamada dowlada.

Wuxuu sidoo kale sheegay Ismaaciil Cumar Geele, inay muhiim tahay in laga fikiro in ciidamada AMISOM aysan kusii sugnaan doonin dalka Soomaaliya, laakiin la garab qabto ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Obama horumarrada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ka sameeyeen howl-gallada ka dhanka ah a Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Qar ka mid ah shacabka Jabuuti oo mudaharaadayey inta uu shirka labada madaxweyne socday

Qar ka mid ah shacabka Jabuuti oo mudaharaadayey inta uu shirka labada madaxweyne socday

Isagoo wareysi siinayay idaacadda Codka Mareykanka ayuu sheegay madaxweyne Geelle in baahida ugu weyn ee loo qabo in Soomaaliya ay guuleysato ay ku xiran tahay in la qalabeeyo lana xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay uga adkaadaan kooxaha argagixisada ah.

Dhanka kale,wuxuu madaxweynaha Jabuuti ka hadlay rajada uu ka qabo dalka Soomaaliya sannado kaddib, isagoo sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal barwaaqeysan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa wuxuu carabka siweyn ugu adkeeyay in muhiim ay tahay dhismaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, maadaama ciidanka Soomaalida ay yihiin kuwa la doonay in dalkooda ay dhisaan.

Inta uu socday kulanka dhexmarayey madaxweyne Geelle iyo Obama,waxaa aqalka cad ee uu shirka ka dhacay ku hor banaanbaxayey boqollaal shacabka Jabuuti ee Marekanka ku nool,waxaa ay dhammaantod sheegayen inay ka soo orjeedan hab-maamulka madaxweyne Ismaacil oo ay ku dhaliilen inuu yahay kaligi taliye.

Halkan hoose ka dhageyso warreysi ay VOA-da la yeelatay madaxweyne Geelle iyo dadka banaanbaxa dhigayey


Shirka madaxweynaha Marekanka iyo madaxweynaha Jabuuti,waxaa uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyey oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Marekanku sii sheegtay.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Gaalkacyo oo Xalay Roobsatay iyo Ku-xigeenka Duqa Gaalkacyo oo Kormeer Shaqo Sameeyay[Sawirro]

$
0
0

6

Gaalkacyo[RBC Radio]Waxaa Habeenkii Xalay ahaa ay Raxmada Eebe ay ka Hoortay Magaalada Gaalkacyoo, ee Gobolka Mudug, iyadoona Roobka lugu diirsaday.

Raxmada Eebe ayaa Biyo dhigtay Wadooyinka Degmada Gaalkacyo, waxaana Shacabku ay aad ugu Farxeen Raxmada Eebe Xili Maalmihii ugu dambeeyay Jawiga Caasimada Gobolka Mudug uu ahaa Mid Kulul.

Ku-simaha Duqa Degmada Galkacyo ahna Ku-xigeenka Duqa Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa Isla Xalay Kormeero ku tagay Goobo Muhiim ah oo ku Yaal Magaalada Gaalkacyo, isagoona Booqday Biyo Booliyo Maalmihii ugu Dambeeyay lugu Hawlanaa Furistooda iyo Sida ay Biyuhu ugali lahaayeen.

Ku Simaha Duqa Mudane Yacquub Maxamed ayaa Tagay Meelo ka mid ah xaafdaha Garsoor , Israac & Hormar Halkaas oo uu Kormeer rasmi ah ku Tagay Goobaha Buhu Fadhiyaan iyo Biyo Booliyada Magaalada kuwooda ugu waawayn Waxaana Socdaalkaan Kuxigeenka Duqa Gaalkacyo ku Wehelinayay Saraakiil ka Tirsan Dawlada Hoose Degmada & Xildhibaanada Golaha Deegaanka Xubno ka mid ah.

13

Yacquub ayaa intuu uu ku Marayay Kormeerka xaafdaha Kala Duwan ee Degmada Gaalkacyo ayuu Warbixino ka dhegystay Shacabka & Waliba Saraakiisha Arimaha Bulshada u Qaabilsan Degmada Waxaana uu ku dhiiro galiyay sii wadida Hawlaha Bulshada Gaalkacyo loogu adeegayo.

” waxaa Idin ku dhiiro galinayaa Hawsha aad umada u Haysaan waana tan aan Xiligaan aan u jeclaystay inaan Iidn kal soo qaybgalo Maadaama aad Shaqaynaysaan Roobkii oo Da’aya waxaana idiin balanqaadayaa Inaan aniga & Duqa Xildhibaanada Golaha Deegaankuba Shaqada idin la qaybsano” Ayuu Yiri Ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Mar uu Bulshada Fariin u dirayay ayuu ugu Baaqay inay Hawlaha Socda ee Magaalada Wax looga Badalayo ka qaybgalaan, waxaana uu inatasi raaciyay Inay Gaalkacyo Waddaii Hormarka Cagta Saartay.

” Bulshadu Hadii ay arki Jireen Sacado kooban oo Maalinta laga Shaqeeyo Waxaan ugu Bishaaraynayanaa aniga & Duqa iyo waliba Xildhibaanaduba Waxaan Diyaar u nahay inaan Shaqayno 24 Saac waxaana ku rajo waynahay in aad idinkuna nala shaqaynaysaan Sida Gaalkacyo ula Tartanto Magaalooyinka Kale ee Puntland & guud ahaanba Dalka,, Ayuu yiri Yacquub oo hadalkiisa sii wata.

Waa Markii ugu Horaysay Inta la ogyahay oo Maamulka Degmada Gaalkacyo ay Xili Habeen ah ka qaybgalaan Olale Socda kaas oo Biyaha Magaalada Meelihii ay mari Jireen lugu Furayo, Waxaana Docda Kale Shacabka Hareeraha Wadada Isticmaalaya ay ku hadaqayeen in ay soo dhawaynayaan Shaqada Socota.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 151 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

Waxaa na soo garsiiyey warbixintan :Xafiiska Xariirka Dadwaynaha & Warfaafinta ee Degmada Gaalkacyo

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta U Fariisanaya Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2014

$
0
0

Baarlamaanka-FederaalkaMuqdisho (RBC) Xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale isugu imaanaya kulan si ay uga doodaan ansixinta miisaaniyada sanadka 2014 ee ay soo gudbisay xukuumada raysal wasaare C/weli Sheekh Axmed taasoo hortaalla golaha.

Xildhibaanada ayaa shalay oo ahayd Talaado waxay isugu yimaadeen kulan la doonayey in miisaaniyada cod loogu qaado hase yeeshee kulanka shalay ayaa furmi waayey kadib markii la waayey tirada uu ku furayo kulanka golaha [quorum] taasoo keentay in shir guddoonka uu ku dhawaaqo in kulanka shalay uu baaqday.

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in markale mudanayaasha isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka si miisaaniyad sanadeedka 2014 cod loogu qaado.

Miisaaniyadan aan weli la ansixin ayaa caqabad ku ah hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada waxaana tan iyo horaantii bihii Abriil hakad ku jira adeegyadii wasaaradaha heli jireen oo la joojiyey sababo la xiiira miisaaniyadii saddexda bilood oo ka dhamaatay xukuumadda iyo miisaaniyada cusub oo aan helin ansixinta baarlamaanka.

Waxay u badan tahay in haddii kulanka baarlamaanka uu maanta furmo in miisaaniyada la meelmariyo, sida Raxanreeb ay ka soo xigatay qaar ka mid ah xildhibaanada saaka shirka tagaya.

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Qaar Ka mid ah Deegaanadii Biyo La’aanta Ka Jirtay oo Roobkii Guga u Curtay

$
0
0

roobab-ka-curtay-dalkaDhuusamareeb (RBC) Wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah deegaanadii ay beryahan ka jireen biyo la’aanta oo dadka iyo duunyada saameeyay ayaa sheegaya in roobkii xilliga GGuga uu hadda ka curtay deegaanadaasi.

Deegaanada miyiga Ceelbuur oo ka mid ahaa meelihii ugu darnaa ee ay dadku ugu dhinteen haraadka usbuucyadii lasoo dhaafay ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka da’ay roob xoog leh oo biyo fiican dhigay, kaasoo dadka ay aad ugu farxeen.

Deegaano ka mid ah Hiiraa ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in biyo dadku heleen kadib markii roobabku ay u da’ayeen mudo saacado ah, halka meelaha qaarna uu roobku ka da’ayey in ka badan 24 saac.

Wararka naga soo gaaraya gobollada Bay iyo Bakool ayaa sidoo kale sheegaya in roobab aan badneyn ay ka da’een, waxaase weli jira xaalado adag oo xagga nolosha ah oo dadka heysta maadaama xoolihii dadku dhaqanayeen ay ku le’deen harraadkii iyo baad la’aantii ay soo mareen bilihii la soo dhaafay gaar ahaan lo’da iyo ariga oo aad u nugul.

Gobollada labada Shabeelle ayaa sidoo kale roobabku ka da’ayeen maalmihii lasoo dhaafay, waxaana hadda jirta cabsi kale oo laga qabo in waddooyinka aadka u liita ee dadka iyo gaadiidka ku safraan inay saameyn ku yeeshaan roobabka taasoo dhibaato ku ah isu socodka gobollada.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Mareykanka oo dowladda Soomaaliya ku taageeray hirgalinta keyd hub

$
0
0
James P. McAnulty

James P. McAnulty

Muqdisho[RBC Radio]Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda faderaalka Soomaaliya xarunta ay ku leedahay Muqdisho ayaa dhawaan waxaa laga hirgaliyey laba xarumood oo loogu talagalay keydka iyo dayactirka hubka,tallaabada ayaa waxaa soo dhaweysay dowladda Marekanka oo sheegtay inay tahay mid looga bixikaro dayaca hubka dowladda.

Warbixino dhowr mar soo baxay waxaa lugu dhaliilay dowladda Soomaaliya hubka la siiyo inay u gacan galaan kooxaha nabadda diidan ee ay Al-shabaabku ka mid yihiin,waxaana jirtay in horay loo sheegay arrinta inay kentay jiritaan la’aanta keyd hub oo aysan dowladdu lahayn.

Dowladda  Mareykanka waxaa ay dhinaceeda sheegtay inay xukuumadda Muqdisho ka taageeri doonto kobcinta keydka iyo goobaha loogu talagalay in lgu dayactiro.

…”””Waxaan doonayna qorshahana noogu jira mashruu lugu doonayo in siddeed xarumood oo keyd hub ah looga hirgeliyo Muqdisho,waxaana dowladda ugu hambalyeenayna hirgalinta keydka hubka,..””‘ayuu yiri James P. McAnulty oo ah wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Mashruuca waxaa gacanta ku heysa koox lagu magacaabo MAG oo dhiseysa xarumaha keydka hubka, waxaana la rajeynayaa in lixda keyd ee kale lagu hirgeliyo saddexda illaa lixda bilood ee soo aaddan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya.

Soomaaliya kama jirin waxii kadanbeeyey dowladdi dhexe ee burburtay xarun lagu keydiyo hubka,waxaana in muddo ahba ay beesha caalamka walaac ka muujinaysay in hubka dowladda ay gasho gacan aan loogu talagalin.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Congress-ka Maraykanka oo Ansixiyay Sharciga Xawaaladdaha

$
0
0
Congress-ka Maraykanka oo meelmariyey sharciga xawaaladdaha

Congress-ka Maraykanka oo meelmariyey sharciga xawaaladdaha

Washington[RBC Radio]Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa soo dhaweysay sharci ay ansixiyeen Congress-ka Maraykanka,waxaana ay meel mariyeen sharciga horumarinta xawaaladdaha, kaasi oo u sahli doono dadka cusub ee Maraykanka inay lacago u diraan eheladooda dibedda joogta.

Dalka Mareykanka oo ka mid ah dalalka ay Soomaalidu ku badanyihiin ayaa dhib badan waxaa uu ka heystay dirada lacagaha oo an la sharciyeen dadka cusub inay dibadda wax u diran,balse xilligaan Congress-ka Maraykanka ayaa ansixiyey sharciga xawaaladdaha.

Waxaa la sheegay inuu noqon doonno sharcigaan mid la martsiiyo aqalka Senate-ka, si ay u meel-mariyaan, waxaana haddii ay meel mariyaan saxiixi doona madaxweyne Barack Obama.

Muhiimada uu sharcigan Soomaalida u leeyahay waxaa lugu sheegay inay tahay mid u khafiifinaya shuruucda lagu maamullo shirkaddaha xawaaladdaha, wuxuuna horseedi donaa in bangiyada Maraykanka ay dib u bilaabaan addeegii ay joojiyeen ee ay siin jireen shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Mallaayin doollar ayaa la sheegay sannad walba dadka ku nool gudaha Soomaaliya inay ka helaan eheladooda ku nool dibadda,waxaana jirta dadka dibadda ku nool caqabado inay kaga yimaadan dirista lacagaha.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 19672 articles
Browse latest View live