Garoowe[RBC Radio]Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreeysay shaaca ka qaaday inay si dhow u eegi doonto ajaanibta ku sugan deegaannada Puntland ee shaqooyinka ka haysa.
Hadalkan ayaa waxaa jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar waxuuna sheegay in Puntland ay qorsheyneyso in la xaddido shaqaalaha ajnebiga ah ee ka shaqeeya Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar waxuu ku sheegay sababta loo kontoroolayo shaqaalaha ajnabiga ee ka shaqeeya Puntland inay tahay iyadoo ay jiraan dad badan oo xirfadlayaal Soomaali ah kuwasoo qaban kara shaqooyin badan oo ay qabtaan shaqaale ajnabi ah oo ku sugan deegaannada Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala hay’adaha caalamiga ah.
Eng. Camey ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo baarlamankaba in arintaas dhug loo yeesho, wuxuu sheegay in aysan suuta-gal ahayn in shaqaale ajinebi ah la siiyo howl ay muwadiniin qaban karaan.
Sidoo kale,waxuu ugu baaqay madaxweyne ku-xigeenku shaqaalaha maamulka in shaqadooda u noqdaan daacad oo aysan noqon kuwo ku kaca musuqmaasuq.
Wuxuu intaas raaciyay in shakhsiyaadka iyo shaqaalaha ku kaca falalka foosha xun in dowladdu uu ka qaadi doono tallaabooyin sharciga waafaqsan.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalka ka jeediyay xuska maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May oo shalay ku beegned taaso lugu qabtay magaalada Garoowe.
Halkaan hoose ka dhageyso hadalka madaxweyne ku-xigeenka/RBC Radio
Puntland waxaa ay ka mid tahah goobaha ay ka howlgallan shaqaalo ajaanib ah kuwasao howlo shaqooyin ah ka haya,waxaana intooda badan ay ka howlgallan xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalooyinka Puntland.
_____
RBC Radio