Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 19675 articles
Browse latest View live

Dowladda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb-gashay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

$
0
0

3

Abu Dhabi [RBC Radio]Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa ka furmay shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha badaha,waxaana shirka ka qeyb-gashay dowladda faderaalka Soomaaliya oo wafti u dirsatay.

Shirkan waxaa la sheegay in looga hadlayo dhibaatooyinka badaha,waxaana hoggaaminayey waftiga dowladda Soomaaliya matalayey Agaasimaha guud ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur),waxuuna sheegay shirka inuu yahay mid muhiimad weyb uga fadhiya Soomaaliya,maadaama uu sheegay arrimaha badda iyo dhibaatooyinka ka dhasha looga hadlayey.

Waxaa uu socday shirka muddo saddex cisho ah,waxaana ka qeyb-galay 21 agaasimeyaal guud oo kala matalayay wasaaradaha gaadiidka badda ee waddamada Afrika iyo Carabta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur),waxaa uu tilmaamay in agaasimeyaasha shirka isugu yimid ay go’aamiyeen in waddamada gobolka ay la wareegaan maamulka badahooda, isla markaana ay ka madax-bannaanaadaan hay’adda badaha caalamka ee maamula badaha.

1

Dhagaxtuur ayaa hadalkiisa kus oo qaaday in ay sidoo kale agaasimeyaashu isku raaceen in Muqdisho laga hirgeliyo xarun ay ku wadaagaan waddamada Afrika iyo Carabta warbixinnada ku saabsan dhibaatooyinka lagu hayo badaha, maadaama ay maraakiibta shisheeye qaarkood wasaqeeyaan badaha, isla markaana ay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in ay jiraan xarumo hore oo shaqadaas qabta oo ku yaalla dalal ay ka mid yihiin Tanzania iyo Jabuuti.

Waxaa la sheegay inuu shirkan hordhac u yahay shir heer wasiirro ah oo la filayo in bisha soo socota ee May lagu qabto magaalada London ee xarunta dalka Britain.

1 2 3 4 5

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


SOMALIA: Ethiopian forces detain two Somali officials

$
0
0

Ethiopian troops ride on a military truck in Somali's capital MogadishuLuq (RBC) Ethiopian forces serving under the African Union Mission in Somalia have detained two Somali officials in the town of Luq following internal dispute, RBC Radio reports.

The Ethiopian forces arrested Mr Diyad Abdi Kalil, a bother of the Governor of Gedo region and other officer who was identified as a military officer.

According to regional official, the Ethiopian forces also stormed the district court building and forced to halt the court’s operation.

The arrest of the two officials came days after Ethiopia paramilitary group detained nine individuals including members of the diaspora, a journalist and elders in the Somali border.

The detained individuals were transferred to police custody in Jigjiga where they are currently held for the second week without any trail.

RBCRadio

Use Facebook to Comment on this Post

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo farrin u diray xildhibaannada baarlamaanka

$
0
0

xtimthumb.php,qsrc=http,P3A,P2F,P2Fwww.raxanreeb.com,P2Fwp-content,P2Fuploads,P2F2014,P2F01,P2FProf.Maxamed-Sheekh-Cismaan-Jawaari.jpg,aq=90,aw=660,ah=350,azc=1.pagespeed.ic

Muqdisho[RBC Radio]Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay la yimaadan howl-karnimo,waxuuna sheegay xilligaan howlo badan inay horyaallan xildhibaannada.

Guddoomiyaha,waxaa uu shaaca ka qaatay in xildhibaannada looga fadhiyo in dalka uu gaaro meesha la higsanayo oo ah in dalkan ay ka dhacdo doorasho marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Sidoo kale,howlaha la doonayo inay meel-mariyan baarlamaanku waxaa uu ku sheegay guddoomiye Jawaari inay qeyb ka yihiin federaaleynta, sameynta xeerarka asxaabta siyaasadda iyo dhisidda guddiyada madaxa-bannaan ee dastuurka.

…””Waxaan raba inan farrin ugu diro xildhibaannada baarlamaanka,waxaan leeyahay la imaada shaqo hufan,maadaama an doonayno in arrimaha yaryar aan dhameynno oo aan u jeesanno sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka federaalka, asxaabta siyaasadda waddanka, doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sameynta guddigii madaxa-bannaan ee dastuurka,.””ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari.

Docda kale,waxaa ay maanta xildhibaannnadu soo gaba-gabeeyen su’aalo weydiinta wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya iyo Amniga Qaranka, kuwaasoo hor-tagayay baarlamaanka Soomaaliya saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Muddo ku siman 270-daqiiqo ayey ku qaadatay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax inuu kaga jawaabo su’aalo ay weydiiyen xildhibaannada baarlamaanka,waxaana inta badana ay ahaayen su’aalaha ay xildhibaannadu weydinayen wasiirku sameynta maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxaa la sheegay in maalinta Sabtida ah ee bilwoga toddobadka danbe in baarlamaanku uu hor iman doonno raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed,waxaana uu ka warbixin doonna howlaha ay xukuumaddu qabatay iyo qorshaha xilligaan ay doonayso.

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Guddi Heer Baarlamaan ah oo Heshiiska Shirkadda Favori Loogu Dhiibay Maamulka Garoonka ku Tilmaamay mid aan Laga Fiirsan

$
0
0

Baarlamaanka-FederaalkaMuqdisho (RBC) Guddiga gaadiidka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta warbixin horgeeyay fadhiga baarlamaanka ayaa dhaliilay heshiiska shirkadda Favori ee dalka Turkiga laga leeyahay loogu dhiibay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay inay soo eegeen heshiiska lala saxiixday shirkada Favori kaasoo uu saxiixay wasiirkii hore ee warfaafinta iyo gaadiidka ee xukuumadii hore, isla markaana heshiiska uu si cad u khilaafsan yahay dastuurka federaalka.

“Waxaa muuqata in heshiiskaasi aanu ahayn mid laga fiirsaday, waxaana uu xadgudub ku yahay qodobada 50-aad,126-aad,1-aad iyo 99-aad ee dastuurka federaalka ee Jamhruuriyada” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaan Dhuubow oo sii hadlay ayaa golaha u soo jeediyey in xukuumadda loo yeero lana weydiiyo nuxurka heshiiskan si looga saxo wixii khaladaad ah ee ku jira.

Dhowaan ayaa Golaha Baarlamaanka waxa uu diiday in shirkad Turki ah loo dhiibo maamulka dekedda magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay in shaqaalaha muruqmaalka ee Soomaaliyeed ee ka xamaasha dekedaasi ay meesha ka baxayaan, ayna ku bedeleyso shirkadaasi shaqaale Turkiga laga keenay.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA: Parliamentary committee to review Turkish company contract

$
0
0

Baarlamaanka-FederaalkaMogadishu (RBC) Somalia Parliamentary Sub-Committee has called today to review a contract signed by the former minister of transportation which permitted Favori, the Turkish-owned company to manage the Aden Abdulle Airport, RBC Radio reports.

According to chairperson of Parliamentary Sub-Committee for Transportation Osman Aden Dhubow, the contract seems to be in complete violation to the country’s Provisional Constitution whereby the authority of the managing the airport became a private task instead of a governmental.

“The agreement as stated clearly violates the Provisional Constitution of Somalia Federal Republic.” he said whole calling the hpuse of the People to launch a wider review.

Parliament will also summon the Transportation Minister to inquiry on the nature of the contract.

On the other hand, Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed will face he parliament on Saturday May 3rd to present his four month-old government’s program.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Bayaan kasoo baxay Beesha Nuux Jibraahiil kaasoo ku aadan golaha deegaan-ka ee dagmadda Xarfo

$
0
0

Bismilaahi Raxmaani Raxiim, 30/04/2013

Bayaan kasoo baxay Beesha Nuux Jibraahiil kaasoo ku aadan golaha deegaan-ka ee dagmadda Xarfo:-

baaqDhamaan Cuqaasha, Dhalinyardda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda beesha Nuux Jibraahiil ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waxay la socdeen, ishana ku hayeen isku-daygii lagu dhisayay gollaha deegaanka ee dagmadda Xarfo.

Beeshu waxay wax kasoo dhistay naf iyo maalbana la daba taagnayd jiritaan ka Puntland guud ahaan, iyo gaar ahaan kan gobolka Mudug. Waxayna u aragtaa inay danteeda iyo danta dadka kaleba tahay wanaaga iyo horumarka Puntland iyo Mudugba. Waxaa jirtay gacan bidixayn in mudo ah kasocotay xagga dawladda Puntland iyo kan maamulka gobolka mudugba, intaasoo dhan waxaa nooga muhiim sanaa danta guud ee dawladda iyo gobolka.

Beeshu waxay taageersanayd isla markaasna hami weyn u haysay dhisidda Council-ka dagmadda Xarfo, waxay kaloo ku rajo weynayd in cadaalad iyo sinaan wax lagu dhisi doono, laakiin waxaa layaab noqday iyo wax aan la aqbali karin sida dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo gudiga loosoo xilsaaray dhisidda golaha deegaanka ay arintaas u maamuleen.

Sidaas darteed beeshu waxay soo saartay qodobo dhowr ah:-

1. Waxaa xusid iyo baraarujin mudan in beesha Nuux Jibraahiil ay dagantahay inta ugu badan deegaanadda iyo tuulooyinka hoos yimaada dagmadda Xarfo, taas oo gudiga dhisaya Council-ka Xarfo uusan qadarin.

2. Waxay beeshu diiday sidii loo qaybiyay gollaha deegaan ka ee dagmada Xarfo, waxayna u aragtaa inuu ku dhisanyahay cadaaladd daro.

3. Beeshu waxay ugu baaqaysaa beelaha kale ee daga isla deegaan ka inaysan ka qayb qaadan xumaanta iyo cadaaladd daradda ay wado dawladda Puntland iyo maamulka gobolka Mudug.

4. Masuuliyadda bur burka golaha deegaan ka iyo waxii ka yimaadaba waxaa qaadaya dawladda Puntland iyo maamulka gobolka Mudug.

Wabilaahi Tawfiiq.

Afhayeenka Qurba Joogta Beesha
Saleebaan Suldaan Mohamuud Cilmi:
Tell 1206 861 4648
Tell 1612 203 5369

Use Facebook to Comment on this Post

John Kerry oo la sheegay Addis Ababa inuu kula shiri doonno madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

president-hassan

Addis Ababa[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu la shiri doonno xog-hayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry.

John Kerry,xilligaan waxaa uu ku suganyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,waxaana la sheegay inuu halka kula shiri doonno wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Itoobiya, Ugandha iyo Kenya.

Madaxda ka tirsan Itoobiya ayaa la sheegay Kerry inay ku soo dhaweeyen magaalada Addis Ababa oo u xalay soo gaaray.

Waxaa la sheegay John Kerry inuu booqon doonno dalal ka tirsan Afrika,halka sidoo kale uu Addis Ababa uu kula shirayo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalal ka tirsan Afrika oo u kala hadli doonno xaaladda dagaallada ka socda wadanka Sudaanta koonfureed sidii loo xakameyn lahaa.

Kulan la qorsheeyey saacado badan inuu qaato ayuu John Kerry la qaadan doonna madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh,waxaana la sheegay inay ka wada-hadlli doonan dadaallada looga soo horjeeda kooxda Al shabaab oo ay dowladda Maraykanka gacanta kasiiso xukuumada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Warar an wali la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya inuu xog-hayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry booqon doonno magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Booqashada uu ku marayo Afrika,John Kerry waxaa lugu sheegay inay tahay mid lugu xoojinayo xiriirka Marekanka iyo qaaradda.

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Raysul wasaaraha Soomaaliya oo u hambaleeyay shaqaalaha Soomaaliyeed

$
0
0
Raysul wasaare Cwali Sheekh Axmed

Raysul wasaare C/wali Sheekh Axmed

Muqdisho[RBC Radio]Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha u diraya dhamaan shaqaalaha aduunka gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay maanta in ay farxad u tahay dhamaan shaqaalaha aduunka kadib markii loo asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan,

“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa dhamaan shaqaalaha dowalda iyo kuwa sida gaarka ah u shaqaysta oo isugu jira Rag iyo Dumar, kuwaas oo badankoodu si hagar la’aan ah u shaqeeya laga bilaabo arroorti ilaa qorrax dhicii, si ay u hor mariyaan Dalkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kale xusay in Shaqaalaha Dowlada iyo kuwa gaarka ah ay qayb ka yihiin kor u qaadida horumarka dalka iyo abuurida fursado dhalinyarada looga soo leexinayo xag jirnimada. Waxaana dowladda ka go’an ilaalinta xuquuda shaqaalaha, waxayna dowaladu fududaynaysaa xiriir fiican oo dhex mara ururada u dooda xuquuqda shaqaalaha

“Ilaa iyo intii xukuumadaan cusub la yagleelay waxaa ka go’an in ay ficil ahaan u fuliso sidii ay u abuuri lahayd shaqooyin, loona hormarin lahaa xuquuqda shaqaalaha, taas oo sababi karta soo jiidashada maalgaliyayaal shisheeye, sitaas loo helana waxaan xoojinaynaa nabad galyada oo fure u ah in laga miro dhaliyo horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha”

“Qorshaheena shaqo abuurista waa mid cad kaas oo ku salaysan is badalka siyaasadeed oo u dagan xukuumadda, iyo balan qaadkeena soo celinta sharciga iyo kala danbaynta, dib u dhiska dalka iyo dib u soo noolaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur buray dagaaladii sokeeye, iyo kor u qaadida wax soo saarka Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga, iyo dar dar galinta Ganacsiga”

“Si’aan uga gun gaarno ilaalinta xuquuqda shaqaalaha waxaan heshiis la galnay bishii March Hay’ada Caalamiga ah ee Shaqaalaha Aduunka,(ILO) waxaan aaminsanahay inaan horumarino shaqo nadiif ah oo la socoto ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, si looga hortago gaajada islamarkaana ay suurta gal u noqoto in aan dib u soo celino xasiloonida dalka. waxaana diyaar u nahay inaan fulino qodobadii aan ku heshiina (ILO)

“Waxaa siyaasada dowladda ka mid ah in xuquuq ahaan ay siman yihiin shaqaaluhu oo aysan jirin kala sarayn dhanka shaqada ah, marka laga reebo aqoonta iyo xirfada uu qofku leeyahay. Si aan meesha uga saarno carruurta la shaqaalaysiinayo, waxaa xukuumaddu qaadatay siyaasadda looga hortagayo shaqaalaysiinta caruurta,”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa in ay sii socdaan weerarada lagu hayo shaqaalaha iyo goobahooda shaqo.

“Waxaan ku dadaalaynaa inaan samayno wada shaqayn dhex marta Ururada Shaqaalaha, Rugta Ganacsiga, iyo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, anagoo waafajinayna qaanuunka caalimaga ah, si loo muujiyo wada shaqayn lagu ilaalinayo xuquuda shaqaalaha, loogana hortago tacadiyada loo gaysto shaqaalaha” ayuu yiri RW Cabdiwali Dowlada Soomaaliya oo dhanka kalana sheegay in xukuumaddu diyaarinayso jawi ay ku dhiirri galinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay, laguna abuurayo shaqooyin ku salaysan kobcinta dhaqaalaha taas oo sahli karta in dadku helaan shaqo joogta ah.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaarahaa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la qaybsado shaqaalaha Caalamaka dabbaal degayada iyo midnimada ay muujinayaan. Wuxuuna sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay inuu ogaado qof walba oo shaqaale Soomaali ah in xasiloonidu ay fure u tahay horumarka shaqada iyo shaqaalaha, si looga miro dhaliyana waa in dhalinyaradu ka waantoobaan ku biirida kooxaha xag jirka ah oo halis ku ah nolosha bani’adamka.

HAMBALYO! HAMBALYO! HAMBALYO!
____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Bannaanbaxyo roob-doon ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

$
0
0

snapshot_018

Gaalkacyo[RBC Radio]Dibad-bax roob doon ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Dadweyne aad u tira badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada iyo dowladda dhexe ee Puntland ayaa dibad-baxaas kasoo qayb galay.

Culimaa’uddiinka oo iyagu qeeyb ka ahaa qaban qaabinta dibad baxa ayaa muxaadarooyin diini ah oo ay dadka wanaagga ugu sheegayeen jeediyey.

Culimadu waxay ku dheeraadeen sida ay isugu xiran yihiin qaadashada awaamiirta alle iyo in la helo naxariistiisa oo ay kamid yihiin roobabku.

DSC00155

Roob-doontan ayaa maanta ka dhacday labo goob oo kale duwan waxaa dadka qaar isagu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee magaalada Gaalkacyo ee Cawaale sidoo kale dad qaar ayaa ubaxay dhinac bari ee magaalada.

Dadka isagu soo baxay garoonka ciyaaraha waxaa kala qayb-galay guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) iyo ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo,Yacquub Maxamed Cabdalla.

Duleedka barri ayaa sidoo kale waxaa ku sugna boqollaal dad ah oo ay waheliyeen culimo iyo duqa degmada Gaalkacyo C/casiis Jaamac Guulleed iyo ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Muqdug,Farxaan Cali.

Mas’uuliyinta gobolka iyo kuwa degmada ayaa siwada jir ah shacabka ugu sheegay inay muhiim tahay in shacabku isku soo baxay oo rabbigoda weydiistan inuu soo qaboojiyo.

Banaan baxa roob-doonta ah ee maanta magaalada Gaalkacyo ka dhacay ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro darani ay ka jiraan deegaano badan oo ka tirsan gobollada dalka oo idil.

DSC00153 DSC00155 DSC00158 DSC00170 DSC00173 DSC00178 DSC00181 snapshot_002 snapshot_003 snapshot_004 snapshot_005 snapshot_006 snapshot_007 snapshot_008 snapshot_009 snapshot_010 snapshot_011 snapshot_012 snapshot_013 snapshot_014 snapshot_015 snapshot_016 snapshot_017 snapshot_018 snapshot_019 snapshot_020 snapshot_021 snapshot_022 snapshot_023 snapshot_024 snapshot_025 snapshot_026 snapshot_027 snapshot_028 snapshot_029 snapshot_030 snapshot_031

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

SOMALIA:Prime Minister“I’m leading a pro-worker government”

$
0
0

Mogadishu[RBC Radio]His Excellency Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed, speaking on International Workers’ Day, said:

“I want to take this opportunity on International Workers’ Day to salute all our hardworking men and women of Somalia, who toil daily and relentlessly from sunrise to sunset for the progress of our great nation.

“Across the world, workers are celebrating this day as a reminder that Workers Rights are indeed Human Rights. We believe in equal treatment of all workers and equal rights for all the working men and women of Somalia.

“The struggles of workers around the world have indeed come a long way, since this day was designated International Workers’ Day in 1904. Here in Somalia, the struggle of the workers has its own proud and brave history, especially the young workers who fought for the independence of our country through the Somali Youth League (SYL).

“The Somali worker is not only an important part of our history but key to the future of our nation. That is why we are leaving no stone unturned towards the enhancement of the welfare of all workers in both the private and public sectors, and in facilitating better relations with trade unions and employers.

“Since the advent of my government we have been working to create an environment of peace, stability and security as these are the key ingredients to economic success and in which every Somali can better achieve his or her dreams. The promotion of decent work for all women and men is central to achieving lasting peace and sustainable development in Somalia.

“I’m leading a pro-worker government. The Federal Government is working to provide an environment that will reward enterprises and the creation of a labour-intensive, knowledge-based economy, which offers its people full employment.

“In less than six months in office this government has taken tangible actions in support of those who work hard. Our job creation programme is clearly underpinned by political reforms, a commitment to the rule of law, an invigorated focus on higher education and training to ensure that we actively promote skills development, infrastructure rehabilitation, resuscitation of our manufacturing potential and increasing our agricultural productivity.

“To concretely achieve our goal of job creation, we signed the Decent Work Programme for Somalia with the ILO in March this year. We believe that the promotion of decent jobs, accompanied by adequate social protection, is a vehicle towards eradicating extreme and pervasive poverty, ensuring food security, restoring stability, reducing inequalities and social exclusion.

“Now that our trade union federation and employers’ organisation are recognised by the global labour movement and international employers’ organisation, I encourage the International Trade Union Confederation, the African regional organisation of International Trade Union Confederation (ITUC-Africa) and International Organisation of Employers to work with and empower their Somali members to build strong, independent and credible social partners.

“In order to rid Somalia of the scourge of child labour, we will adopt a child labour policy, develop national action plan on child labour and produce the statutory instrument to designate hazardous forms of child labour. Somalia has ratified the ILO convention on worst forms of child labour.

“As the head of the government I reaffirm today the government’s political will to discontinue and prevent any attack on workers and their organizations, to put an end to impunity and provide adequate space for the full enjoyment of trade union rights and other human rights, including the right to freedom of association. There must be no interference in the internal affairs of trade unions in line with genuine application of international labour standards.

“We urge the ILO to maximise its partnerships Somalia to bring more support and resources to the badly-affected labour market. We need the ILO to provide timely guidance and advice on key employment-related matters.

“Together with the workers and all Somalis, we believe we are on the path to stability, economic recovery, improving the quality of education, health care and sanitation to achieve a better life for all. In particular, we are committed to finding more and better quality jobs for our people because we believe that decent work is the foundation of the fight against poverty, radicalising the youth and inequality in our society.

“Therefore on this important day of solidarity with workers of the world, we join all the progressive forces in the world, in the continued fight for decent work and a better and more prosperous Somalia.”

ENDS

Use Facebook to Comment on this Post

Cali Xaaji: Madaxweyne Gaas lama sinna Wasiir, Somalilandna lama aynaan kulmin.

$
0
0

Cali-Xaaji-Warsame

Ethopia (RBC RADIO) Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo Safarka uu Itoobiya ku joogo ku wehliya Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in aysan shir wadaagin Puntland iyo Somaliland uuna yahay hadalkaasi mid Diblimaasiyada ka fog.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland lama Sinna Wasiir waa Masuul dhan hadii la kulmayana shaaca ayaa laga qaadi lahaa, waxaan cadaynayaa anigoo ka mid ah Wasiirada Safarka k wehliya Madaxweynaha in aysan waxba ka jirin Shirkaasi ay sheegatay Somaliland, waa hadal layska yiri wax macno ahna aan ku fadhiyin, sidaana waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame.

Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa Waraysiga ay la yeelatay radio Daljir ku Muujiyay in Puntland ay aad uga xumaatay sheegashada Somaliland ee ah In Madaxwaynihi dhamaa uu la kulmay Wasiiro ka Darajo hooseeya, taasoo Wasiirku uu ku tilmaamay hadal meel loo waayay oo been abuur ah.

Wasiirka Arimaha Dibada ee maamulka Somaliland ayaa Soolaabashadiisa kadib sheegtay in ay la kulmeen Madaxweyne Cabdi wali kalana hadleen arimo quseeya dhanka xuduudaha Somaliland iyo Puntland u dhexeeya.

RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Gaari dab-damis ah oo lagu Wareejiyey Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka Badda Puntland (Sawirro)

$
0
0

vlcsnap-2014-05-01-21h34m40s15Boosaaso(RBC Radio) Wasaaradda dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Puntland ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyey gaari nooca lagu dagaalamo dabka.

Gaarigan dab-damiska ah ayaa Wasaaradda dekedaha,gaadiidka badda Puntland waxa ugu deeqday Shirkadda Somali Energy Company oo ka hawlgasha dalka.

Munsaasabadii lagula kala wareegayey gaarigan oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekedaha ,Agaasimaha guud ee dekedaha,guddoomiyaha gobolka kan degmada,Issimo,ganacsato iyo marti sharaf kale.

vlcsnap-2014-05-01-21h29m20s137Cali Maxamed Cismaan oo ku hadlaayey magaca Shirkadda Somali Energy Company ayaa sheegay in gaariga dab-damiska ugu talageen Wasaaradda isla markaana ay ka go’antahay in laga hortago khatar kasta oo dekeda ka dhacda.

Wuxuu intaas ku daray Ganacsade Cali Maxamed Cismaan in Shirkadoodu ku mideysan yihiin ilaa 6-shirkadood oo keenta Shidaalka.

vlcsnap-2014-05-01-21h30m02s48Agaasimaha guud ee dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcadbadeeda Cabdimajiid Samatar Jaafaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ugu horeyn uga mahadcelinayo ganacsatada gaariga u keentay.

Wuxuuna xusay in ganacsatada kale ee Puntland u sheegayo iney ku daydaan Shirkadda Somali Energy si qudhoodu uga qeybqaataan horumarka dekeda magaaladda Boosaaso oo ah Isha dhaqaale ee Puntland.

vlcsnap-2014-05-01-21h32m31s0 Wasiirka Dekedaha,gaadiidka badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Cabdillaahi Jaamac Saalax oo isna dhankiisa hadal jeediyey ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta Shirkadda Somali Energy gaariga dab-damiska ay ku wareejiyeen Wasaaradda.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo kamid ah Issimida Puntland ayaa dhankiisa soo dhaweeyey talaabada ay qaaday Shirkadda Somali Energy isla markaana ku baaq ugu daray ganacsatada kale in iyana ka qeybqaataan horumarinta dekeda Boosaaso.

Mudane Faarax Xaaji Mire oo kamid ah mas’uuliyiinta ugu sarsareysa Shirkadda Isgaarsiinta GOLIS ayaa dhankiisa sheegay in ganacsatada Puntland ka go’antahay ka qeybqaadahada arrimaha bulshada.

vlcsnap-2014-05-01-21h35m19s147 vlcsnap-2014-05-01-21h35m45s153 vlcsnap-2014-05-01-21h20m35s5 vlcsnap-2014-05-01-21h21m39s133 vlcsnap-2014-05-01-21h22m22s50 vlcsnap-2014-05-01-21h30m37s146 vlcsnap-2014-05-01-21h30m55s63 vlcsnap-2014-05-01-21h31m22s76 vlcsnap-2014-05-01-21h31m35s205 vlcsnap-2014-05-01-21h32m15s95 vlcsnap-2014-05-01-21h33m44s222 vlcsnap-2014-05-01-21h33m57s98 vlcsnap-2014-05-01-21h34m09s210 vlcsnap-2014-05-01-21h35m02s227

_____________

RBC Radio/Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Xuska Shaqaalaha Aduunka oo Garoowe ka dhacay (Sawirro).

$
0
0

xus

Garoowe (RBC RADIO) Munaasabadan oo ahayd midwayn laguna qabtay Xarunta Baarlamaanka Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo ka qayb galay ayaa sheegay iyadoo mudnaanta la siinayo Shaqaalaha iyo Shacabka Puntland in cidkasta oo Soomali ah oo reer Puntland ah laga hormariyo dadka Ajaaniibta ah ee Puntland kusoo  qulqulaya mudnaantana la siiyo muwaadinka Soomaaliyeed taasi oo dhiiri gelin wayn u ahayd Shaqaalaha Dowladda.

Madaxweynaha ayaa Tuug ku tilmaamay Qof kasta oo Shaqaale ah oo Waqtigiisa qayb ka mid ah aan shaqada soo xaadirin, wuxuuna booriyay Dar dar gelinta shaqooyinka horyaala Shaqaalaha Puntland, Dowladiisuna wuxuu ku sheegay mid u taagan taageerida iyo usoo dhicinta Xuquuqdooda Shaqaalaheeda.

Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Puntland Mudane C/Raxmaan sheekh Axmed wuxuu sheegay in ay urur mideeya u Samaynayaan Shaqaalaha Puntland, ayna mar dhaw sidoo kale qabanayaan Barnaamij bandhig ah oo Dadka lagu dhiiri gelinayao laysagana imaanayo Magaalooyinka caluula, Laasqoray,Buuhoodle iyo Towfiiq, wuxuu kaloo sheegay in cayaaraha Gobolada la qaban doono dhawaan Kooxuhuna ay diyaar garow ku jiraan.

Gudoomiyaha baarlamaanka Wasiirka Ganacsiga Wasiirka dastuurka iyo masuuliyiin kale oo Madasha ka hadlay waxay fariin dhiirigelin iyo Salaan isugu jirta ay u hibeeyeen Shaqaalaha Puntland iyo caalamkaba.

 

vlcsnap-2014-05-01-12h33m40s35vlcsnap-2014-05-01-12h33m47s106vlcsnap-2014-05-01-12h34m09s71vlcsnap-2014-05-01-12h34m17s151vlcsnap-2014-05-01-12h34m26s243vlcsnap-2014-05-01-12h34m37s95vlcsnap-2014-05-01-12h35m28s92vlcsnap-2014-05-01-12h35m54s96vlcsnap-2014-05-01-12h36m02s181vlcsnap-2014-05-01-12h36m10s3vlcsnap-2014-05-01-12h38m46s24vlcsnap-2014-05-01-12h38m52s85vlcsnap-2014-05-01-12h39m00s171vlcsnap-2014-05-01-12h39m08s251vlcsnap-2014-05-01-12h39m16s72vlcsnap-2014-05-01-12h39m25s165vlcsnap-2014-05-01-12h39m41s68

RBC RADIO

Xafiiska Garoowe.

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Munaasabad loogu dabbaaldegayay maalinta shaqaalaha adduunka oo lagu qabtay Muqdisho[Sawirro]

$
0
0

13

Muqdisho[RBC Radio]Munaasabad la xiriirtay xuska maalinta loo asteeyey in caalamka laga xuso maalinta shaqaalaha adduunka ayaa maanta ka dhacday magaalada caasumada ah ee Muqdisho,waxaan ka qeyb-galay munaasabada madaxda dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabada ka qeyb-galay,waxaana ku waheliyey Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Xildhibaanno, ururrada ka shaqeeya arrimaha shaqaalaha iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Xuska maalinta shaqaalaha ee Muqdisho ka dhacay,waxaa soo agaasintahay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay Hobollada Qaranka ee Waaberi ay halkaasi ku soo bandhigeen suugaan ay kaga hadlayeen qiimaha maalinta shaqaalaha Adduunka ay u leedahay Shaqaalaha Soomaaliyeed.

12

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ku dadaalli doonto sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqaalaha, isagoo xusay in ay wadaan qorsheyaal ku aadan sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna munaasabadda lagu weyneynayay maalinta shaqaalaha Adduunka hadal ka jeediyay, ayaa ugu horeyn hambaylo munaasabadda 1-da May awgeed u diray dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Dowladda oo uu Madaxweynuhu xusay in ay ku shaqeeyaan marxalad adag, ayna u dhabar adeegeen inay Qarankooda iyo bulshadooda u adeegaan.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta la qaybsado shaqaalaha Caalamaka dabbaal degyada iyo midnimada ay muujinayaan, maadaama uu ka soo qeyb galay xuska maalinta shaqaalaha Adduunka ee 1-da May, isago shaqaalaha ku booriyay inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan, dowladduna ay isha ku hayso xaaladda ay ku shaqeynayaan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12 13 14

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Madxaweyne Xassan Sheekh oo si guud uga hadlay xaaladda dalka iyo Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya[Dhageyso]

$
0
0

8

Muqdisho[RBC Radio]Xassan Sheekh Maxamuud,madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay si kooban uga hadlay xaaladda dalka uu ku jira oo u dhinac walba uu ka eegay.

Shir jaraa’id oo u saxaafadda maanta Muqdisho u uga qabtay ayuu madaxweynaha ku soo qaaday marxalado kala duwan oo uu dalka waqtigan ku suganyahay, iyadoo ugu horreyn uu hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dowladda munaasibadda maalinta Shaqaalaha adduunka Awgeed ee 1-da May.

Hadalka uu madaxweynaha jeediyey waxaa uu qaatay,muddo ku siman hal saac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bilaabay arrimaha ammanka, dib u dhiska ciidamada, la dagaallanka argagixisada, siyaasadda dibedda iyo xiriirka caalamka ee Soomaaliya kala dhaxeeya, hasa yeeshee Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay arrinta amniga dalka iyo la dagaallanka kooxaha nabad diidka ah, isagoo xusay in dowladda ay ku guuleysatay in dib ay u hanato magaalooyin badan.

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay dhibaatooyin hadda ka taagan gobollada dalka qaar sida Galgaduud iyo Bakool oo la xiriirra xaalado bini’aadanimo, waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka jawaabeyso baahida deegaanadaasi ka taagan, islamarkaana dowladda dirtay gargaar deg deg, si dadka loo badbaadiyo.

Madaxweynaha, ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo hadal qaaday dhibaatada Bulshada Soomaalida iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ay kula kulmaan dalka Kenya, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in dowladda Kenya ay uga fadhiyaan sidii ay jawaab uga bixin lahayd xadguduyada ay ku kaceen ciidamadeeda.

“Waxaa socda wadahadal u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda qaxootiga adduunka, kaasoo ku saabsan sidii qaxootiga Soomaaliyeed ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen iyagoo aan la qasbin, lana raacayo shuruucda caalamiga ah ee u degsan qaxootiga,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay u diyaar garowday sidii Ummadda Soomaaliyeed ay wadatashi uga la yeelan lahayd Mustaqbalka sannadka 2016-ka dalka uu hiigsanayo, dowladduna ay ku faa’iiday shirarkii ay ku qabatay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo haddalkiisa uu aad u dheeraa, ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha Bulshada, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo hirgalinta nidaamka dowliga ah, waxa uuna xusay Madaxweynuhu in arrimahaasi oo dhan ay dowladda ka sameeysay isbaddello muuqda, waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyey in ay u istaagaan sidii ay arrimahaasi gacan uga geysan lahayd.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli ay wali dowaladdiso oo arrimo badan laga dhowrayo ay horyaallan caqabado amnigu ka mid yahay.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post


Koonfurka Afrika oo lugu dilay labo muwaadin oo Soomaali ah

$
0
0

Dil-Somali-Koonfur-Afrika-1-300x225

Johannesburg[RBC Radio]Dalka Koonfurka Afrika oo ka mid ah dalalka sida joogtada ah loogu dilo Soomaalida ayaa kooxo dalkaa u dhashey waxaa ay dileen labo qof oo Soomaali ah.

Dadka ay dileen burcad koonfur Afrikanka waxaa la sheegay inay ahaayeen ganacsato dukaamo ku leh dalkaasi.

Waxaa la sheegay kooxda dilka geysatay inay weerar ku soo qaaden xarumaha ganacsi ee labada muwaadin oo Soomaali ah halkaaso oo ay ku dileen.

Dilkan ayaa ka dhacay magaalada Johannesburg,waxaana magaalada ay ka mid tahay goobaha dilalka ugu badan loogu geysto Soomaalida,maadaama la sheegay ganacsi xoogleh inay Soomaalidu ku leeyihiin.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Shaafici Xasan Nuur iyo C/risaaq Cabdullaahi Xasan.

Wararka aan helayno waxay intaasi ku darayaan in kooxaha muwaadiniintaasi dilay ay dhac ugeysteen dukaankii ay dhalinyaradaasi ku ganacsanayeen.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo Soomaali ku ganacsaneysay dalka Koonfur Afrika la boobo ama la dilo iyadoo arrintaan oo kale hore dalkaasi meelo ka mid ah uga dhacday.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Guddoomiyaha degmada Xarfo oo la doortay[Dhageyso]

$
0
0

300x187xraxanreeb_degdeg3421-300x187.jpg.pagespeed.ic.BV76H0brD8

Xarfo[RBC Radio]Doorasho galinkii danbe ee shalay ka dhacday degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa lugu doortay guddoomiyaha cusub ee degmada,kaddib markii dhawaan degmada loo dhisay gole deegaan.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo maalmahan ku sugna degmada Xarfo,maamulka gobolka iyo odayaal ayaa ka qeyb-galay doorashada oo hab cod ah u dhacday.

Labo musharax ayaa xilka u tar tamayey guddoomiye nimo ee degmada,waxaana ay xildhibaannada codkooda siiyeen Mudane Cabdifataax Daahir Guure (Ina kala Gure) kaaso oo ay u dorteen inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada.

Xubanaha ka socday dowladda waxaa ka mid ahaa ee doorashada ka qeyb-galay:wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Puntlabd Axmed Cilmi Cismaan Garaash,wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi,wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule Indha-guran,guddoomiye ku-xigeenka labaad e gobolka Mudug iyo Mas’uuliyiin kale.

Doorshada kaddib waxaa saxaafadda la hadlay Cabdixakiin Macalin oo ka mid ah nabadoonada degmada Xarfo,waxuuna dhankiisa sheegay in doorashada ay u dhacday siwanagsan oo muuqata,waxuuna si kooban ugu wabixiyey sida ay doorashada u dhacday.

Musharraxa laabad ee tartanka guddoomiyaha degmada Xarfo looga guuleystay waxaa uu ahaa,Bashiir Macalin Daahir hadal uu isna jeediyey waxaa uu ku soo qaaday inuu ku qanacsan yahay natiijada Doorashadda,isla markaana uu la shaqaynayo maamulka cusub.

Cabdifataax Guure, oo ay xildhibaannada golaha deegaanka Xarfo u doorten guddoomiyaha cusub ee degmada Xarfo ayaa ah nin dhallinyaro ah oo la sheegay inuu dhowr jaamacaddo ka soo baxay.

Sidoo kale,guddoomiyaha cusub ee degmada waxaa qoraa dhowr buug oo ka hadlayo xaaladda dalka wax ka qoray,waxaana la xasuusta buugi uu ka qoray burcad badeeda.

Hadal uu jeediyey gusha kaddib guddoomiyaha degmada Xarfo,Cabdifataax Guure waxaa uu sheegay inuu la imaan doonno shaqo ay ku dheehan tahay howl-karnimo.

Halkan hoose ka dhageyso hadallada,Cabdixakiim Macalin,Bashiir Macalim Daahir iyo Cabdifataax Daahir Cumar

Dhinaca kale,mid ka mid ah beela dega degmada ayaa doorashada guddoomiyaha degmada Xarfo ka soo horjeesatay,waxaana xilligaan socda waan waanta arrintaasi loogu jiro.

Waa markii ugu horeeysay oo ay gole deegaan yeelatay Xarfo kuwaaso soo dorta guddoomiyaha degmada.

_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Madaxweyne Axmed Madoobe oo shirar xasaasi ah la qaatay laamaha ammaanka iyo taliye cusub oo la magacaabay

$
0
0

Axmed Madoobe

Kismaayo[RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Ku-meel-gaadhka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la kulmay labadii maalin ee ugu danbeeyey mas’uuliyiintiisa sare ee ammaanka kaddib markii rag hubeeysani Kismaayo ku dileen askar ka tirsan maamulka.

Madaxda ayaa ka shiray sidii loola tacaali lahaa falalka ka dhanka ah ammaanka sida dilalka qorsheysan ee dhowaanahan ku soo batay magaalada Kismaayo.

Afar askari oo ka tirsan ciidanka maamulka ayaa toddobadkan gudihiisa lagu dilay magaalada, mana jirto cid ilaa hadda loo qabtay dilalka.

Shirar laba maalmood qaatay oo madaxweynaha maamulka Jubba la yeeshay saraakiisha ciidamada ayaa waxaa kasoo baxay in la magacaabo taliye cusub oo wax ka badala amniga magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Kornayl Gaboobe u magacaabay taliyaha nabad-sugida maamulka Jubba wuxuuna badalay Axmed Ibraahim Niiniile oo xilkan si kumeel gaar usii hayay.

Dhanka kale,waxaa la sameeyay ciidamo Boolis ah oo tiradoodu dhan tahay dhowr boqol kuwaas oo loogu talagalay inay wax ka qabtaan falalka amni darada ah ee magaalada ka dhaca.

Madaxweynaha ayaa hadal uu shirka ka jeediyey,waxaa uu ku sheegay inay xilligaan ka go’antahay isbadal lugu sameeyo amniga guud ee magaalada Kismaayo iyo guud ahaana deegaannada maamulka Jubba.

Duullan ka dhan ah Al-shabaab ayaa sidoo kale,la sheegay dhawaan inuu ka bilaaban doonno deegaannada Jubbooyinka,waxaana la sheegay in guud ahaanba deegaannada laga saari doonno Al-shabaab.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaanahanba ay Kismaayo ka dhacayeen falal dilal ah oo loo geysanayey waxgarad,shacab iyo askar ka tirsan ciidanka.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland oo booqasho ku tagay degmada Burtinle

$
0
0
Dr.Saadiq Eenow

Dr.Saadiq Eenow

Burtinle[RBC Radio]Degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal waxaa booqasho ku tagay wafti ballaaran oo u hoggaaminayo wasiirka caafimaadka dowladda Puntland,waxaana la sheegay inay u kurgalayeen xaaladda caafimaad ee degmada.

Maamulka degmada iyo bulshada qeybaheeda ayaa soo dhaweeyey waftiga ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxa ey kormeereen xarumaha caafimaad ee dagmada sida Isbitaalka ,MCH-yada dagmada Xarunta TB iyo goobo kale.14

Dr.Saadiq Eenow,wasiirka caafimaadka dowladda Puntland ayaa mar uu hadlayey inta uu ku guda jiray booqashada uu shalay ku tagay Burtinle waxaa uu sheegay iney qeyb ka tahay dadaal ay ugu jiraan inay ku tagaan dhammaanba deegaannada Puntland.

…””’Wasaaradda qorshaheeda waxaa kow ka ah inay tagto dhammaanba deegaannada Puntland si ay ugu korgasho xaaladda caafimaad ee ka jirta magaaloyinka iyo deegaannada kale ee Puntland,Burtinle waxaa ay qeyb ka ahaayd deegaannada inan tagno noo qorsheysneyd,..””‘ayuu yiri wasiirka caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow.

Sidoo kale,wasiirku waxaa uu sheegay in la hormarin doonna xarumaha caafimaadka ee degmada Burtinle waxaana maamulka degmada iyo saraakisha caafimadaka ay usoo bandhigeen baahiya caafimaad ee ka jira degmada iyo deegaannada hoos taga.

Booqashada uu shalay ku tagay Burtinle wasiirka caafimaadka iyo waftigiisa waxaa ay ka dhigaysa socdalkii ugu horreeyey ee ay ku gaaray deegaannada koonfurta Nugaal ku yaalla,waxaana la sheegay wasiirku inuu tagi doonno deegaanno kale.

___
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Madaxweyne Xasan Sheekh: Kenya qunsul uma soo magacaaban Kismaayo[Dhageyso]

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud

Muqdisho[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay ka hadalay qunsul dowladda Kenya la sheegay inay geysay Kismaayo,waxuuna sheegay inaysan arrinta jirin.

Xassan Sheekh Maxamuud oo hadalkan ku soo qaaday shir jaraa’id oo u wariyaasha ugu qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay inaysan dowladda Kenya qunsul u soo magacaaban magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee Jubba.

..””Waxaan idin sheegaya dowladda Kenya waxay si rasmi ah noogu sheegtay inaysan qunsul u magacaaban meel ka mid ah Soomaaliya,..”” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kalo uu madaxweynaha hadalkiisa ku soo qaaday inay qorsheynayan sidii ay dabagal ugu sameyn lahaayeen arrinta la xiriirta magacaabista qunsulka Kenya ee Kismaayo, Hillary Kyengo, ilaa haddana aysan ka war qabin jiritaanka qunsul dowladda Kenya ay u soo dirtay Kismaayo.

Sidoo kale,waxuu hadalkiisa ku daray inay wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo shakhsiga loo magacaabay xilka qunsulka iyo dukumeentiyada la sheegay inuu dalka la yimid.

…”””Arrinta muhiimka ah ee la doonayo inad ogaatan waxaa ay tahay dowladda Kenya waxay noo sheegtay inuusan jirin qunsul ay u soo magacowday meel ka mid ah Soomaaliya – aan ka ahayn safiirka ay Soomaaliya u soo magacowday, kaas oo fadhiggiisu yahay Muqdisho,..””‘ayuu yiri madaxweynuhu.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka madaxweynaha/RBC Radio

Hadalka madaxweynaha waxaa uu yimid kaddib markii dhawaan magaalada Kismaayo u tagay wafti uu horkacayo dibloomaasi Kiinyaan ah oo la sheegay inuu yahay qunsulka cusub ee Kenya u qaabilsan Kismaayo, Hillary Kyengo.

Hillary Kyengo oo Kismaayo Talaadadi gaaray,waxaa uu shirar la qaatay madaxda maamulka Jubba oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka, Axmed Madoobe.

Madaxweynaha,waxaan la hadlay Siilaanyo iyo Gaas

Xassan Sheekh Maxamuud,madaxweynaha dalka waxaa kalo qeyb ka ahaa shirkiisa jaraa’id su’aal laga weydiiyey doorka ay dowladda ku lahayd dajinta xiisadi dhawaan ka tagneed degmada Taleex ee gobolka Sool,wuxuuna sheegay madaxweynaha in dagaalkaasi joojintiisa ay dowladda Soomaaliya kaalin weyn ka qaadatay.

Madaxweynaha ayaa Sheegay inuu la hadlay maamullada labada madaxweyne ee Somaliland iyo Puntland ciiidamada Somaliland dib ugu baxeen Degmada Taleex.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka madaxweynaha/RBC Radio

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalkii Taleex uu ahaa mid ay ka xumaayeen,islamarkaana ay ka bixiyeen Jawaabtii ugu habooneyd.

Hadal qaatay hal saac oo u shalay siiyey madaxweynaha wariyaasha Muqdisho ayuu si guud u dul maray xaaladda dalka iyo arrimaha dibadda ee dowladda inkasto uu markale ku celiyey wali dowladdisu inay dadaal ku jirto.

____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Viewing all 19675 articles
Browse latest View live