Garoowe[RBC Radio]Wasaaradda deegaanka,dalxiiska iyo duurjoogta dowladda Puntland ayaa noqotay wasaaraddi ugu horreysay ee la guddoonsiyo dhismo cusub oo hab casri ah u dhisan iyo gaadiid,kaddib markii hay’adda Care international ay maanta ku wareejisay dhismaha iyo gaadiidka.
Dhismo ballaaran oo u badan xafiisyo ay wasaaraddu ku shaqeyn doonto ayey hay’addu ka dhistay duleedka magaalada caasumada ah ee Garoowe,waxaana la sheegay in xarunta cusub ee wasaaraddu ay ka dhigayso goobaha ugu casrisan ee ay wasaaraddaha dowladdu ku shaqeeyan.
Munaasabad kooban oo loo qabtay xarig-jarka xarunta wasaaradda deegaanka,waxaa ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madax ka socotay hay’adda Care oo iyadu maanta dhismaha iyo gaadiidka wasaaradda ku wareejisay.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa soo wakiishay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska inay ka guddoonto hay’adda furayaasha dhismaha wasaaradda iyo gaadidka loogu talagalay inay ku shaqeyso.
Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Anisa Cabdulqaadir oo metelaysay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa hay’adda Care ka guddoontay dhismaha cusub ee wasaaradda deegaanka loo sameeyey.
Wasiirka deegaanka Puntland Guuleed Saalax Bare iyo wasiirka haweenka Anisa Cabdulqaadir ayaa uga mahad-celiyey hay’adda Care howlaha shaqo ee dalka ka hayso, iyo dhismaha cusub ee ay maanta ku wareejisay deegaanka.
Abuukar Gacal, oo isna ah madaxa hay’adda Care international ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay qorshaha hay’adda ee dhismaha iyo gaadiidka uu yahay mid ay mudo dheer ku howlanayd.
Halkan hoose ka dhageyso hadallada wasiirrada iyo wakiilka hay’adda/RBC Radio
Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa hadda ku shaqaysa dhismaha cusub, waxaana ay sidoo kale la wareegeen gaadiidka loo qorsheeyey ee ay ku howl geli doonaan mas’uuliyiintu.
____
RBC Radio