Soomaalida: siyaasad ku saleysan saar iyo sas.
Abdihakim Abdikarim Diriye
facebook/Abdihakim Diriye
Email: diiriye303@hotmail.com
Abriil 27 2014
Qofka soomaaliga ah heerkasta oo uu joogo, aqoonyahan, siyaasi, wadaad, dhalinyaro iwm. Inta badan fahankiisa siyaasadeed ama dhaqankiisa arrimaha siyaasadu wuxuu ku dhisan yahay labadan erey ee kor ku xusan. (Saar, Sas)
Hadaba aan aragno ujeedada ereyadaan:
SAAR: Waa xanuun inta badan ka yimaada jinni qofka wareema, kaaso marka qofkii dhibanaa wax lugu akhriyo sida Qur’aan ama ducooyin kale uu qofkii hadlo iyado cidda hadleysa ay tahay jinnka ku jira oo mikrofoon ahaan u adeegsanaya afka xanuunsanaha.
SAS: Waa erey tusinaya marka qofku uu hurdada ka boodo si kedis ah oo naxdin iyo argagax wadata isagoo aan garan karin wax ku dhacay iyo cidda ka nixisey midna.
Labadan erey waxay ka siman yihiin in qofku uusan aqoon waxa haya, meesha laga hayo iyo cidda dhibka u geysatey, inuusan naftiisa xakameyn karin aysanna u cadeyn tillaabada xigta ee uu qaadan karo, mar marka qaarna uusanba garan karin isagu qofka uu yahay, waxa uu sameynayo iyo danta uu ka leeyahay, kaliya hurdo qarow iyo hadal tarsaas, sababtoo ah ama waa qof saar hayo oo cidkale ka dhex hadleyso ama waa qof sas qaba oo waxwalba ka didsan.
Soomaalidu waa dad noocooda oo kale aduunka ku yar yahay, waxay wadaagaan waxkasta oo bulsho mideyn kara, sida diin, af, dhaqan, taariikh, muuqaal, dhul iwm. Sido kale waa dad isjecel, sheeko wadaag ah, wax wada cuna, isdhexgala, isasoo jiita oo aduunka wadankey tagaan ba hal meel wada dega waxwalbana wadaaga marka laga reebo siyaasada oo iyadu ku noqotay cudur dilaa ah oo si xun ugu faafay isla markaasna aafeeyey dhaqankooda.
Soomaalida waxaa lugu tilmaamaa bulsho sal-fudud oo ma-daganayaal ah maadaama ay ahaayeen reer guuraa socoto ah, taasi waxay keentey iney siyaasadii u badelaan hayaan joogto ah oo xagga maskaxda ah, waxaa ugu darsamay burburka ay muddada dheer la noolaayeen kaasoo dabcan raad gurrucan ku reebey maanka ruuxkasta dhaawacayna duntiisa qof ahaaneed. Burburku wuxuu isdaba mariyey hab-socodkii nolosha bulshada iyo mudnaantii hawluhu kala lahaayeen.
Waxaa isku milmay dantii guud iyo tii gaarka ahayd, dalki iyo reerkii, dowladnimadii iyo siyaasiyiintii. Waxaa lumay halbeegii saxda ahaa ee lugu kala garan lahaa arrimaha mudnaanta koowaad leh iyo kuwa ka hooseeya.
Dhaqankaas wuxuu siyaasadii ka dhigey tusbax furtay oo aan meel laga qabto lahayn iyo in aragtiyada sida dharka la isaga badelo ayna dhacdo in qofku maalinta labadeeda gelin midba garab la jiro, sido kale in bulshada qeybaheeda kala duwan ay wada siyaasiyiin noqdaan. Wuxuu kaloo maskax hayaanku keeney iney taageeradu noqoto indha la’aan aan laga fiirsan siyaasada lala safanyahay dhibkeeda iyo dheefteeda, kaliya waxaa hagaya bar-garasho iyo la dhacsanaan qof ama koox isaga midab gaar ah ugu sumadan. Qofka soomaaliga ah inta badan taageeradiisa makala reebo kumana daro fikirkiisa shakhsi ahaaneed. Taageerayaashu waxay ku wardiyaan ereyada ay ku celceliyaan hogaamiyayaasha markaas garwadeenka ka ah gaariga socda. Qofkaan saar ku hayo waxaa ka dhex hadlaya hogaamiyaha uu durbaanka u tumayo kaasoo meerinaya halqabsigii lugu hadaaqi lahaa isagoo taageerayaasha ka dhiganaya mikrafoonadii dadka codka gaarsiin lahaa, kuwa kasoo horjeedana ku tilmaama cadow ama qaswade waa labada erey ee ugu horeyn loogu yeero cidda wax ka biyo diidsan.
Dhanka kale xawaaraha taageerada waxaa dhinac socda talaxtag mucaarad ah, diidmada soomaalidu waxay u badan tahay mid aan kala harin, oo aan qofka laga soo horjeedo waxba loo reebin loona tixgelin dhankiisa wanaagsan. Maadaama qof sas qaba uusan garan karin cidda wax u dhintay kaliya kalsooni darro ayuu ka qabaa waxa socda, markaad tahay soomaali mucaarad ah waxaad ka-aaminbaxsan tahay waxkasta oo ka yimaada cidda aad mucaaradeyso xataa hadii ay yihiin wax maangal ah oo mudan in la garab istaago, waxaad sido kale dhibsaneysaa qofkasta oo wanaagiisa sheega ama taageera siyaasadda aad ka boodsan tahay.
Arrintan waxaad ogaan kartaa xilliyada xamaasad jirto, sida doorasho, khilaaf siyaasadeed, xiisad isbadel ama sameyn maamul cusub, markaad aragtid qof maamul uu shalay taageersanaa maanta caayaya kaliya isbadel ku dhacay wasiir xaafadu fileysey ama inuu madaxweyne kale xafiiska fariistay, waana marka ay soo baxdo dhaqan siyaasadeedka dhabta ah ee soomaalida. Waa dhaqan saldhigiisu yahay hebel ha noolaado hebel kalena ha dhoco iyadoo aan la is weydiin muxuu ku muteystey guusha iyo kan kale muxuu galabsaday! Waxaa kadaran amaanta ruuxa dhintay ama dhuuntay, qofku markuu xilka hayo waa la caayaa maalintu ka deganaa wuxuu yeeshaa amaan iyo sumcad aan horey loo ogeyn.
Hadaan nahay Soomaali waxaa ina xukuma maalinba xiisada taagan iyo dabeysha socota, waxaan waqtiga ku luminnaa in qof xil haya la caayo ama la amaano iyadoo lugu saleynayo qoyskiisa ama deegaankiisa, dhaqankaas waa mid wada maasheeyey soomaali oo idil. Hadba sawaxankii yeeraa lugu yaacaa ama maradii la taagaa la daba kacaa. Waxyaabaha kaa qoslinaya waxaa ka mid ah arrimaha maamul goboleedyada iyo calamadooda, markaad aragtid maamullo hal gobol ama hal magaalo ku magacaaban iyo kuwa hawada uun ka jira ee aan dhulkaba joogin. Waxaa kaaga sii daran markey iyagii sii kala sarrifmaan oo ilaa heer tuulo calamo loo taagto ama maamulkii calanka lahaa magiciisii hawada ka boxo intaan la gaarin sanadguuradiisii kowaad ama uu magac kale u guuro, taas waxaa ka naxdin badan markaad aragtid dhallinyaro iyo aqoonyahanno u qiireysan calankan yar iyo saaxiibo isku nacaya ama kukala tagaya waxaan sagaaro biyo ka cabin ama qofkii su’aal ka keena calanka loo arko cadow jiritaankooda diidan!
Nin saaxiibkey ah oo u fara dhuudhuuban xafladaha ayaa ii sheegey in nin Sudani ah oo kireeya goob xafladaha lugu qabto uu u sheegey in bishii ugu yaraan sadex xafladood oo soomaali leedahay ay ka dhacdo hall-kiisa taasoo si xad dhaaf ah uga badan umadaha kale! Sudan waxaa jooga ardey jeebkoodu yaryahay, marka wadamada ay ku noolyihiin soomaalida hantida haysata iyagu ka hadal ma leh, iyagoo hadda xafladahu noqdey xiniftan siyaasadeed iyo yaan laga badin. Waxyaabaha soo kordhey waxaa ka mid ah in cidkasta oo meel loo magacaabo xaflad loo qabto, sida wasiir ku xigeen, agaasime, duq magaalo, taliye ciidan iwm.!
Saan filayo xumaan kama aha ee waa seef-la-boodnimo iyo marqaan siyaasadeed oo dadka madax maray kaasoo noqdey dhaqan dhiiga iyo lafaha dhex raacay, oo dhalinta dhalan rogey waayeelkana maskaxda dhaqay. Wadaniyada soomaalidu waxay noqotay mid caadifadeysan oo hadana isla badesha dhacdooyinka maalin laha ah. Soomaalida oo dhan waa wada wadaniyiin inta xafladaha dabaal dega la joogo marka banaanka loosoo baxana waa kala maan! Sido kale waa wadani waana dowlad jecel yahay qofka ehelkiisu nacfi ku qabo maamulka markaas jira inta kalena waa qaswadayaal, kii kalena haduu dhadhamadii waayo safka kaluu galayaa!
Markey is qabtaan madaxda Soomaalidu waxay isku dacweeyaan shisheeyaha iyaguna salaantey isla dhaafaan, sido kale markii masuul soomaali ah si heer sare ah loogu soo dhaweeyo wadan shisheeye waxaa aad u farxa taageerayaashiisa iyagoo ku faana sida loo jecel yahay saaxiibkood, hadiise la miyir qabo waxay ahayd in laga shakiyo siyaasiga ajnebigu koolkoolinayo, dhibku ma aha siyaasiyiinta kaliya ee dhammaanteen bulsho ahaaan waxaa ina haleeley jaahwareer qaangaarey, waxaan nahay umad aan ilaalin sooyaalka taariikheed ama aan wax ku qaadan isbadelka waayaha, umad aan dib u fiirin raadkii shalay iyo wixii soo maray, aqoonyahan, siyaasi iyo shiikh dhammaantood hadii dib loo dhageysto cajaladahoodii hore waxay wada noqonayaan shalay iyo maanta, malaha afkeeniyo dhagaheennu isma maqlaan!.
Tusaaleyaal:
1: 2012 Markey socotey doorashadii Xassan Shiikh kusoo baxay, dad badan oo aan ku daawaneyney waan iska weyney qof si fiican u yaqaan ninkan qofka ugu badan ayaa magiciisa maqlay saas oo ay tahay markey doorashadii dhamaatay waxaa is qabsaday sawaxan iyo sacab iyadoo dadka ay ka muuqatay farxad xad dhaaf ah, ayna isugu hambalyeynayeen Ilaahey waa na badbaadiyey iyo Soomaaliya waa cusub baa u baryey. Soomaali oo dhan daafaha dunida waxaa ka bilaamay dabaal degyo, iyadoo ay yareyd aqoonta loo lahaa masuulkan la doortay. Hase yeeshee muddo yar kadib isla dadkii dhanka kaley isu rogeen waxay bilaabeen xaflado lugu cambaareynayo madaxweyne Xassan, iyadoo labada tillaabo midna aan laga fiirsan ee ay kala ahaayeen saar iyo sas iyo socod-barad siyaasadeed. Tani waxay tusaale u tahay siyaasadeena ku saleysan xamaasad iyo laab-la-kac aan meel fog jirin.
2: Markii Kismaayo lugu doortay Axmed Madoobe ayna soo bexeen rag kale oo sheegtey madaxweynayaal, sidii caadadu ahayd waxaa bilowdey xafladihii dabaal dega siyaasiyiinta, tani waxay lahayd xiiso gooniya, maadaama ay jireen dad badan oo sheeganaya madaxnimo. Waxyaabaha yaab ka leh waxaa ka mid ahaa in hal hall lugu qabtay shan xafladood oo loo qabtay madaxweynayaal Jubooyinka ah! Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha loo hambalyeynayey qaar sawiradooda la waayey xataa Google laga baaray! Xafladahaas ma dhigin qabqablayaal ee waxaa qabtay ardey jaamacado dhigta! Nin doctor ah hadal uu hadda ka hor igu yiri baan soo xasuustay in Soomaalida ay ugu qabyaalad yaryihiin kuwa ugu jaahilsan ayna ugu qabyaalad badan yihiin kuwa ugu aqoon badan, wuxuu yiri ninka Soomaaliga ah ee PHD haysta sido kale wuxuu haysta PHD xagga qabyaalada ah! Hadalkan waxaad rumeysan markaad aragtid aqoonyahanno iyo ardey u sacabinaya hogaamiye kooxeed ay ahayd in la la takooro.
3: Shiikh Shariif markuu hogaaminayey maxkamadihii wadaadadii la safnaa waxay ku tilmaami jireen amiirul mu’miniin Ilaahey umadda usoo direy, qofkii kasoo horjeedana uu diinta neceb yahay, markuu dhanka kale maray oo dowladda madax ka noqdeyna waxay ku tilmaameen gaal weynaadey ciddii taageertana ay gaalnimo ku dhacday! iyadoo Shariif labada jeer ba uu ahaa siyaasi xukun rabey oo marba shaarkii le ekaada gashanayey kursigana hadba suu ku helo ku qaadanayey, laakiin wadaadadu aysan labada xilli midna indho furan ku fiirin.
4: Dadka hadda Alshabaab diidan waxaa ugu daran macallimiintoodii soo barbaariyey aragtida dhashay Shabaab, riwaayado horena soo jilay, kadib markii lakala leexdey ayaa biyo hoostood la iska arkey, weyna isa sannifeen iyagoo aan noo sheegin ma duruuftaa kala geysey mise kala duwanaansho diimeed baa soo kala dhexgalay, waxay kala qaadeen sas aysan soomaalida kale u qabin, diidmadani waxay u muuqataa mid ku saleysan shuufid iyo shareysi, saas darteed bey qolowalba jeceshahay in tan kale aduunka laga waayo si ay sharkeeda uga nasato.
5: 2006 Markii ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya waxaa lagala hor yimid kacdoon hubeysan koonfurta Soomaaliya gaar ahaan reer Muqdisho oo iyagu xilligaas u arkayeen Itoobiyaanka cadow gumaadaya ayna waajib tahay in lala diriro. 2014 markale ayey isla ciidamadii soo galeen isla gobolladii dadkuse malaha dadkii ma aha! Shakhsiyaadka afka isku dariwaayey xilligaas waxaa ka mid ahaa, shiikh shariif, axmed diiriye, xaad, tarzan, indhacadde iyo kuwa kale hadase weli shanqartood ma maqlin waa soomaali iyo dhaqankeede bal adba garo waxa isbadeley! Sidoo kale culimadii soomaaliyeed ee dhawaaqooda aduunku dhagaha qabsaday maanta maxaa aamusiyey ma wadaadadaan kuwii hore ahayn, ma wadankaan kii ahayn mise xilliyadaa kala fadli badan, bal adba sheeg meesha salaadu iska qaban la’dahay! Dabcan jawaabta waxaan u deynayaa akhristayaasha iga xog ogaalsan igana xeeldheer.
W/Q: Abdihakim Abdikarim Diriye
facebook/Abdihakim Diriye
Email: diiriye303@hotmail.com
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post