Caynaba (RBC) Dabley lagu sheegay inay ka soo jeedaan beelaha deegaanka ayaa maanta weerar ku qaaday xabsiga magaalada Caynaba halkaasoo ay ka siidaayeen rag maxaabiis ahaa oo halkaasi ku jiray.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Caynaba waxaa iska horimaad uu dhexmaray kooxdii weerartay xabsiga Caynaba iyo ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan magaaladaasi.
Iska horimaadkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday taliyihii sirdoonka Somaliland u qaabilsanaa magaalada Caynaba Axmed Caydiid. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay taliyihii xabsiga la weeraray.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay ka careysnaayeen rag xabsiga ku xirnaa oo ay qabteen ciidamada maamulka Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Caraale Duur ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxdii weerarkaasi fulisay la qabtay, sida uu yiri.
Xaalada magaalada Caynaba ayaa maanta ahayd mid kacsan iyadoo kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada maamulka Somaliland ay ku dagaalameen xabsiga oo ku yaalla magaalada dhexdeeda taasoo dadweynaha ku abuurtay qalqal iyo xabsi xoog leh.
RBC Radio