Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirada wadamada Sweden iyo Holland u fadhinaya dalka Soomaaliya Mikael Lindvell oo ah safiirka cusub ee dalka Sweden u fadhinaya dalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu 20 sano kadib noqdo safiirkii u horeeyey ee dalka Sweden uu usoo magacaabo dalka Soomaaliya.
“Waxaan ahay safiirka Sweden ee Soomaaliya muddo 20-sano kadib waxaan aad ugu faraxsanahay in aan qabto howshaasi, waxaa jira dad Swedesh ah oo asalkoodu Soomaali yahay kuwaasi oo wada dadaalo ay dib ugu dhisayaan dalkooda hooyo ee Soomaaliya” sidaas waxaa war fidiyeenada u sheegay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvell.
Danjiraha Sweden ayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey weerarkii dadka faraha badan lagu gumaaday ee maalintii Axadda lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir,wuxuuna ku celceliyey sida ay dowlada dalka Sweden uga xun tahay weerarkaas bahalnimada ahaa.
Waxaa soo badanaya dalalka aduunka ee danjirayaasha usoo magacaabaya dalka Soomaaliya tan iyo markii uu soo hagaagay amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho