Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh oo Cambaareeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii xalay ka dhacay wadanka Maraykanka war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu dhaleeceeyey qaraxyadii is xig xigay ee lagu qaaday goob ay ka socdeen ciiraha Orodada Maaratoonka.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyada labada ah ee ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka ay soo maleegeen kooxo argagixiso ah sida lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Tacsi u diray ehelada dakii ku waxyeeloobay qaraxyada lagu qaaday magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

“waa laga guuleysan doonaa kooxaha argagixisada ah ee rabshadaha u adeegsaday sidii ay ujeedkooga u gaari lahaayeen” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay madaxweynaha madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cambaareynta madaxweynaha ayaa imaaneysa xili ay xalay ka dheceen magaalada Boston ee dalka Mareykanka laba qarax oo geystay dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo aysan hay’adaha sirdoonka MAreykanku sheegin cidda sida rasmiga ah uga masuulka ahayd.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles