Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

HRW oo Weerarada Al Shabaab Ku Tilmaantay “Dembiyo Dagaal”

$
0
0

Leslie Lefkow, agaasime ku xigeenka HRW ee Afrika.

Nairobi (RBC) Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa si kulul u cambaareyay weeraradii lagu qaaday xarunta maxkamadaha ee magaalada Muqdisho iyo shaqaale samafal maalinimadii Axaddii kaasoo geystay dhimashada dad ka badan 30 ruux iyo dhaawaca illaa 58 kale oo rayid ah.

Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay Human Rights Watch ayay ku sheegtay in weerarada cusub ee kooxda Al Shabaab ay qaadeyso ay yihiin dembiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadanimada iyo xeerarka dagaalka oo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada meelmariyey.

“Weerarada Al Shabaab ay ku qaadeen maxkamada iyo shaqaalaha samafalka waxay muujinayaan sida aysan u qadarineyn nolosha bani’aadamka.” sidaasi waxaa war saxaafadeedka ku yiri Leslie Lefkow oo ah agaasime ku xigeenka waaxda Afrika ee hay’adda Human Rights Watch.

Human Rights Watch waxay sheegtay in sharciyada dagaalka ay dhowrayaan dhammaan xarumaha rayidka, maxkamaduhunakama reebana siday sheegtay hay’adda.

“Shuruucda dagaalka oo Soomaaliyana ay ka mid tahay meelaha laga hirgaliyey ayaa sheegaya in goobaha rayidka iyo dadka rayidka ahba ay ka reeban yihiin in si toos ah loo weeraro, Xarumaha dawlada, maxkamadaha iyo goobaha kale ee aan loo adeegsanin ujeedooyinka militari waxaana loo arkaa inay yihiin goobo rayid ah.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

“Sidoo kale shaqaalaha samafalka waa rayid iyaguna” ayey sheegtay Leslie Lefkow.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Human Rights Watch waxay sheegtay in shakhsiyaadka fuliya weerarada goobaha rayidka iyo kuwa soo amra ayaa lagula xisaabtamayaa gelitaanka dembiyadaasi dagaal.

Afhayeenka Al Shabaab oo sheegta weerarada lagu qaado goobaha rayidka.

Weerarada dadka badan ku dhinteen ee Axadii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegatay kooxda Al Shabaab. Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa idaacadaha ka qirtay inay iyaga fuliyeen weerarkaasi.

Dadka ku dhintay weerarkii maxkamadda waxaa ku jiray Allah ha u naxariistee labo qareen oo kala ahaa Prof. Maxamed Maxamuud Afrax iyo Cabdikariin Xasan Gorod iyo wariye la shaqeynayey maxkamadda.

Kooxda waxay sidoo kale horey u sheegatay weeraro badan oo lagu qaaday goobo rayid ay leeyihiin, dilal wariyaal, garsoorayaal, culimo iyo aqoonyahano Soomaaliyeed arrintaasoo ah dembiyo dagaal.

Intii u dhexeysay sanadihii 2009 iyo 2012 ayay kooxda Al Shabaab fuliyeen weeraradii ugu xumaa uguna dhimshada badnaa ee ay la beegsadeen hoteello, jaamacado, maqaayado iyo goobo kale oo dad rayid ah isugu yimaadeen oo ay qaraxyo ka fuliyeen, waxaana qaraxyadaasi ku faana markasta afhayeenkooda Cali Dheere.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles