Muqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku baaqay in shacabka degmadaas iyo deegaanada hoos yimaada ay iska kaashadaan xakameynta Fatahaadaha uu sameeyey wabiga Shabeelle oo deegaano fara badan ka sameeyey Fatahaado saamayn ku yeeshay dadka deegaanka.
Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan ayaa sheegay in hadii aan si dhaqso ah looga hortagin Fatahaada wabigu uu ka samaynayo deegaano dhowr ah oo hoos taga degmada Jowhar ay suurta gal tahay in maalmaha soo socda ay gabi ahaanba xiranto wadada laamiga ah ee ay isku xirtay degmada Jowhar iyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Maxamed Amiin gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa ku booriyey shacabka degmada iney isku tashadaan isla markaane ay keenaan Jawaano si loogu mooso biyaha faraha badan ee kasoo burqanaya wabiga kuwaas oo soo jabiyey qarqarrada wabiga shabeelle isla markaane buux dhaafiyey goobaha ka fog fog wabiga Jiinkiisa.
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ka dalbaday hay’adaha caalamiga ah iney gacan ka geystaan maareynta Musiibada ka dhalatay Fatahaada wabiga,isagoona ugu baaqay iney gacan ka geystaan sidii loo xakameyn lahaa Fatahaadaha wabiga Shabeelle oo hadii aan si deg deg ah wax looga qaban dhibaato u geysanaya dad iyo dhul beereed badan oo ku yaalla deegaanada hoos yimaada degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho