Leego(RBC Radio) Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay iney xaqiijiyeen amniga wadad isku xirta degmada Wanlaweyn iyo deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay dhibaaato ku hayeen shacabka iyo gaadiidka adeegsada wadadaas kooxo burcad ah oo dhac,kufsi iyo dil inta u geysta dadka ku safra wadadaas.
Gudoomiyaha deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha hoose Abuukar C/laahi Isxaaq ayaa sheegay in wadada xiriirisa deegaanka Leego iyo degmada Wanlaweyn laga nadiifiyey kooxo burcad ah oo shacabka ku dhibaateyn jiray jidkaas.
Abukar C/laahi gudoomiyah deegaanka Leego ayaa digniin culus u diray kooxaha burcadda ah ee caadeystay dhibaateynta shacabka wuxuuna wacad ku maray in caddii lagu qabto iyada oo jidgooyo dhiganeysa wadadaas la toogan doono isla markaane Meydkiisa wadada la dhigi doono si ay ugu cibra qaataan kuwa kale ee la mid ka ah.
Gudoomiyaha Leego ayaa sheegay in ciidanka dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ay halkaa ka wadaan hawlgalo is daba joog ah oo ay ku baacsanayaan kooxaha burcadda ah ee dhibaateeya shacabka,wuxuuna intaa ku daray in amniga wadada laamiga ah ee xiriirisa Leego iyo Wanlaweyn ay hada tahay mid amnigeeda la isku halayn karo.
dadka ku safra wadada Laamiga ah ee isku xirta deegaanka Leego iyo degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa kasoo yeerayey cabasho iyo qayladhaan kadib markii ay soo bateen dhibaaatada ay halkaa ka geysanayaan burcadda hubeysan ee aan cidne ka amar qaadan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho