Muqdisho(RBC Radio) Kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ka qayb galeen Xildhibaano,waxgarad,odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kaasoo diirada lagu saarayey xaaladaha gobolada Jubooyinka ayaa markii uusoo dhamaaday waxaa kasoo baxay baaq loo jeediyey dowlada wadanka Kenya kaasoo ku aaddan iney joojiso fara galinta ay ka wado gobolada Jubooyinka
Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa dadkii ka qayb galay kulanka ayaa sheegay in dhammaan dadkii kala duwanaa ee skulanka ka qaybgalay ay fikir isku mid ah ka istaageen arimaha ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Kenya ay Soomaaliya u joogto maslaxadeeda gaarka ah balse aysan u imaan iney gacan siiso umada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay iney fara galin qaawan ku hayso arimaha Jubooyinka taasine ay tahay arin aan la aqbali karin sida uu hadalka u dhigay.
Xaad ayaa ugu baaqay dowlada Kenya iney ka baxdo dalka Soomaaliya wuxuuna ku goodiyey hadii aysan Kenya si nabadgalyo ah uga bixin gudaha Soomaaliya iney dagaal kala hortagi doonaan,gudoomiye dhanka kale baaq u diray dowlada Soomaaliya kuna booriyey iney go’aan cad ka qaadato fara galinta uu sheegay in Kenya ay ka wado gobolada Jubooyinka.
Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ku tilmaamay shirka maamul u samaynta Jubaland inuu yahay mid aysan ku jirin dan Soomaaliyeed,wuxuuna ugu baaqay dadka ku hawlan shirkaas iney u hogaansamaan dowlada federaalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho