Buur-hakaba(RBC Radio) Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa sheegay in degmadaas la geynayo ciidamo boolis ah oo suga amniga magaalada Buur-hakaba gudoomiye Axmed Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in muddo 4 maalmood gudahood ah ay degmadaas gaari doonaan ciidamo boolis ah oo ay hore u dalbadeen.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in marka ay ciidankaasi gaaraan degmada Buur-hakaba ay wax badan ka bedeli doonaan amniga degmada oo uu hada sheegay iney gacanta ku hayaan ciidamo milateri ah oo sida uu sheegay aan u tababarneen xaqiijinta amniga gudaha ee degmada.
Axmed Maxamed Yuusuf gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay wax badan ka qaban doonaan amniga degmada,wuxuuna xusay iney bannaan tahay kaalintii booliska oo ay ka mid tahay,danbi baarista iyo xaqiijinta amniga gudaha.
Gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ayaa intaa ku daray in maamulkiisu uu wax badan ka qabtay arimaha amniga degmadaas oo ay dhawaan gacan ku haynteeda kala wareegeen alshabaab oo muddo dhowr sano ah ka ariminayey,wuxuuna tilmaamay iney wada shaqayn la yeesheen qaybaha bulshada ee degmadaas isla markaane ay iska kaashadaan sugida amniga degmada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho