Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudiga Doorashooyinka Puntland oo ku dhawaaqay in 30ka June Doorashadu dhicidoonto.

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre iyo qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga Doorashooyinka oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gudigu ku leeyahay Magaalada Garoowe ayuu gudoomiyuhu ku dhawaaqay in 30ka June ay si toos ah u qabsoomi doonaan Doorashooyinka Golaha Deegaanka Puntland,gduumiyuhu wuxuu sheegay markii ay Gudigu isla garteen in Waqtigaas la qabto Doorashooyinka ay qoraal ogaysiin ah u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland  Dr Faroole si uu u ogolaado xiliga ay Gudigu soo bandhigeen wuxuuna cadeeyey in Madaxweynuhu uu soo saxiixay sidaana uu go’aankaasi ansxa ku yahay.

 

Gudoomiyaha oo la weydiiyay in ay qayb ka yihiin Doorashooyinkaasi Ururadii ka biyo diiday ka qayb galka Doorashooyinka ee Midnimo iyo Udad ayaaa sheegay in Ururadu ay xaq u leeyihiin in ay qaadacaan ama kasoo qayb galaan Doorashooyinkaasi hase ahaatee intaa wax dhaafsiisan ma uusan ku darin hadalkiisa Mudane Maxamed Xasan Barre, wuxuuse guul ku tilmaamay Go’aankan ay soo saaren taasoo Jawaab u noqon doona Su’aalo badan oo ay dadku isweydiinayeen taasi oo la xiriirta xiliga uu qabsoomayo doorashooyinka Golaha Deegaanka Puntland.

 

C/qaadir Shoola oo isagana ka mid ah Xubnaha Gudiga Doorashooyinka ayaa Saxaafada u sheegay in wadahadal lagula jiro 2da Urur siyaasadeed ee Midnimo iyo Udad ee bayaanka diidmada ah soo saaray wada hadalkaasina wuxuu sheegay Shoola isagoo wada xaajoodkaasi  tixraacaya in Ururada la qanciyo ayna ka qayb galaan Doorashooyinka Golaha deegaanka Puntland Walow  wax war ah aysan wali arintaasi kasoo saarin Ururada Midnimo iyo Udad oo Geed dheer ka fuulay ka qayb galka Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland.

RBC RADIO.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles