Boston[RBC Radio]Wararka laga helayo qaraxyo ka dhacay magaaladda Boston ee dalka Mareykanka galinkii danbe ee shalay ayaa soo sheegaya inay sii kordhayaan qasaaraha uu sabbaabay qaraxaasi.
Wargeyska Boston Globe ee ka soo baxa magaaladda Boston ee dalka Mareykanka ayaa daabacay in qaraxyadu ka soo bilowden Lenox Hotel oo ka agdhawaa goobta uu ka socdey tartanka Orodka ee Marathon oo ay ka soo qayb qaleen sanadkaan 25-kun oo orado ah iyo boqolaal dadweyno ah oo u soo daawasho tagey tartankaan.
Wararka laga helayo gobta qaraxa ayaa intaas ku darayaa in goobta uu qarxa ka dhacay laga helay walxaha qarxa oo an wali qarxin kuwaasi gacanta ay ku dhigeen Booliska magaaladda Boston.
Qaraxaan ayaa gestey qasaro dhan dhimashadda 3-ruux oo mid ka mid ah uu ahaa ilmo yar oo 8-jir ah iyo dhaawaca dad kor u dhaafaya 50-ruux,saraakisha caafimadka Boston ayaa sheegay in dhimashadu ay intaasi ka badan karto maadama sidaa ay sheegen ay jiraan dhaawacyo qatar ah oo inta badan ay ka maqanyihiin xubno muhin ah oo jirkooda ku yaala.
Qaraxyadaan ayaa dhacay maarki uu tartanku uu soo garay gaba gabadisi isla markaana oradyahanadu soo dul istaagen xariijinta kama danbeysta.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo dadka Maraykanka kala hadlay TV-ga, ayaa sheegay in Maraykanku uusan ogeyn “Cidda geysatay qaraxyadan iyo sababta ka danbeysa” laakiin wuxuu wacad ku maray in qofkii ka mas’uul ahba cadaalladda la marsiin doono.
Obama ayaa geeska kale sheegay in aysan wali kawar heen ciida qaraxaa ka danbeysey balse waxaa uu sheegey inay socdaan baaritano culus,dhinaca kale Obama ayaa xiriir la sameyay daaqiiqado kadib qaraxa xiligii uu dhacay duqa magaaladda Boston waxana uu u sheegey inay gacan ka sin doonan sidi gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii qaraxa ka danbeysey.
Ammaanka magaaladda Boston ayaa siweyn loo adkeyey iyadoona ciidamo badan magaaladda la soo dhooboy.
Majiraan illaa hadda cid sheegatey qaraxyadaan manajiraan ciid ay ku eedeyen laamaha amniga dalka Mareykanka.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio