Muqdisho(RBC Radio) Qaramada midoobe ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa si kulul u dhaleeceeyey weerarkii qorsheysnaa ee ururka alshabaab uu ka fuliyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
“wuxuuna kubiiraya cambaareynta ay ficilka argagixiso u jeediyeen doelada iyo shacabka Soomaaliyeeed”ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska siyaasada qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS.
Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobe u qaabilsan Soomaaliya Mahiga uu ka argagaxay weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho,Mahiga ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaalidu ay samaynayaa horumar muuqda,ficilkan argagixiso ee fuleynimada ah maaha mid ka hor istaagaya horumarka ay hiigsanayaan ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska UNPOS.
Mahiga ayaa ku nuuxnuuxsaday iney sii socon doonto taageerada ay dowlada Soomaaliya siiyaan wadamada beesha caalamka si ay dhammaan mawaadiniinta Soomaaliyeed u helaan nabad iyo amni buuxa,qaramada midoobe ayaa ku tilmaantay weerarada nuucaas ah kuwo lagu baabi’inayo umada Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho