Muqdisho (RBC) Tirakoobyada ugu dambeeya ee saaka ka soo baxaya xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho ayaa muujinaya inayu korortay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay labadii weerar ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada kuwaasoo ay sheegatay kooxda Al Shabaab.
Maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo ah isbitaalka la geeyay dadka ugu badan ee dhaawaca ah ayaa saaka sheegay in 22 ruux oo meyd ahaa oo shalay soo gaartay ay ku kordheen labo kale oo xalay dhaawacyadooda u geeriyooday taasoo ka dhigeysa 24 ruux oo meyd ah inay gaareen isbitaalka Madiina.
Weerar labaad oo qarax ahaa oo ka dhacay wadada garoonka Muqdisho ayaa waxaa ku nafweysay haweeney wadada mareysay xilli qarax lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen shaqaalaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho. War ka soo baxay xafiiska hay’ada bisha cas ee Turkiga ku leedahay Muqdisho ayaa lagu sheegay in saddex ruux ay kaga dhaawacmeen weerarkii shalay oo aysan jirin cid kaga dhimatay.
Tirada guud ee dhimashada shalay ayaa sidaasi ku noqoneysa 25 ruux. Dadka ku dhintay weerarada waxaa ku jira labo qareen oo u doodi jiray dadka dulman ee magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu kala magacaabi jiray Prof. Maxamed Maxamuud Afrax iyo Cabdikariin Xuseen Gorod.
Tirada dhimashada ee la shaaciyey waxaa ku jira raggii weerarka fuliyey oo iyaguna warar kala duwan ka soo baxayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ahaayeen 9 ruux halka warar kalana ay sheegayaan inay ahaayeen lix ruux.
Dhaawacyada weerarada ay geysteen
Guud ahaan tirada dhaawacyada ayaa hadda gaareysa 46 ruux oo labo ka mid ah yihiin shaqaalihii ajnabiga ee Turkiga ee shalay galab qarax lagula beegsaday wadada garoonka diyaaradaha iyo KM-4 u dhexeysa.
Weerarkii maxkamada ayaa dhaawacyada ka dhashay ay gaareen 42 ruux, sida isbitaaladu sheegeen halka afarta kalana ay ku dhaawacmeen weerarkii jidka garoonka loogu geystay shaqaalaga Turkiga.
RBC Radio