Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Caydiid Ilkaxanaf oo Sheegay Inuu Shalay Ku Dhuuntay Qol Yar oo Maxkamadda Dhexdeeda ah, Dalbadayna Inay Amisom Waardiyeyso

$
0
0

Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilkaxanaf oo ka badbaaday weerarkii maxkamadda shalay lagu qaaday.

Muqdisho (RBC) Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dawlada federaalka Soomaaliya Caydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf ayaa markii ugu horreysay ka sheekeeyay xusuustiisa sidii uu shalay uga badbaaday weerar ay fuliyeen rag ka tirsan ururka Al Shabaab oo lagu qaaday dhismaha ay degan yihiin maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyaha maxkamada gobolka ayaa ka mid ahaa masuuliyiin jaranjarooyin looga soo badbaadiyey xarunta garsoorka ee shalay weerarka lagu qaaday halkaasoo dad ka badan 30 ruux ay ku dhinteen, afartan kalana ku dhaawacmeen.

Abuukaato Caydiid Ilkaxanaf oo u waramay raadiyaha dawlada ayaa sheegay in weerarka shalay uu si durqi ah uga badbaaday kadib markii uu ku dhuuntay qol yar oo maxkamadda dhexdeeda ku yaalla halkaasoo ay kula jireen xubnaha guddiga adeegga garsoorka oo xilligaasi shir lahaa.

“Aniga iyo xubnaha guddga adeegga ayaanu shir lahayn oo waxay ahayd maalin Axad ah, shirkeena toddobaadlaha ayaanu geli lahayn, markii aan shirkii furay ee aan ajendaha sheegay, oo weliba uu xeer ilaaliyuhu naga maqnaa ayaa qaraxii ugu horeeyay dhacay.” ayuu yiri Ilkaxanaf oo sheegay in labo ka mid ah raggii isaga waardiyaha u ahaa ay ku nafwaayeen qaraxii koowaad ee ka dhacay albaabka maxkamadda.

Guddoomiyaha oo ka sheekeeyaynayey qaabka uu weerarka u bilawday ayaa sheegay in ragga soo weeraray guriga maxkamadda ay albaabka hore kusoo dileen afar ruux oo mid ay ahayd haweeney baarta haweenka soo galaya maxkamadda kadibna ay gudaha si xoog ah ku soo galeen.

“Annagu waxaanu fadhinay hool weyn oo xagga hoose ee meesha maxkamadu xukunka ku rido ah, halka ay raggii weerarka soo qaaday ay fuuleen dabaqyada maxkamadda oo ay ku yaaleen xafiisyada maxkamadaha.” ayuu yiri gudoomiye Ilkaxanaf.

Wuxuu intaa ku daray inay joogeen guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka, maxkamadda militariga iyo maxkamada rafcaanka.  Sidoo kalana gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir uu fadhiyey xafiiskiisa.

“Abaare 11:30 ayay ahayd, markii aan maqalnay qaraxa weyn ee koowaad waxaa ku xigsaday rasaas fara badan oo gudaha ka dhacaysay, markaa aniga iyo raggii kale ee ila joogay waxaanu ku cararnay qol yar oo maqsin ah oo ku yaalla halka guddomiyaha maxkamadu fariisto markuu dacwada qaadayo.” ayuu yiri Ilkaxanaf.

Guddoomiyaha maxkamada sare ayaa sheegay in dad badan ay telefoon u soo direen oo ay weydiinayeen inuu badqabo iyo inkale, wuxuuna sheegay in markii dambe ay dibadda u soo saareen ciidamo dawlada ah oo u soo gurmaday.

Wuxuu sheegay in jaranjar laga soo qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir daaqada looga soo geliyey kadibna uu sidaasi kaga soo baxay goobta iyadoo weli rasaastu socoto.

Amisom hana ilaaliso

Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa dhaliil u soo jeediyey ciidamada amaanka iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay ilaaliyaan hay’adaha siyaasadda ee dawlada oo kaliya balse aysan xil iska saarin amaanka laamaha garsoorka.

“Amisom waa ka mid shaqadeeda inay ilaaliso goobaha garsoorka, laakiin nasiib darro hay’adaha siyaasada unbay ilaaliyaan, anaga nama ilaaliyaan, marka waxaanu soo jeedineynaa inay hawshooda ku darsadaan sidii ay u ilaalin lahaayeen hay’adaha iyo masuuliyiinta garsoorka.” ayuu weydiisyay gudoomiyuhu.

Ma tanaasulayo

Abuukaato Ilkaxanaf oo la weydiiyey inuu ka sii shaqeynayo hawlaha garsoorka dawlada ayaa sheegay inuusan ka tanaasuli doonin ka shaqeynta garsoorka iyo isbedelada uu sheegay in lagu hagaajinayo tayada garsoorka.

Wuxuu sheegay in hawlaha garsoorka aysan u hakan doonin weeraro ay soo qaadaan kooxo uu ku sheegay inay argagixiso yihiin.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles