Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii dhiigga badan ku daatay ee Muqdisho ka dhacay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii shalay lagu qaaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya afhayeenka guud ee ururka alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali-dheere ayaa sheegay iney masuul ka ahaayeen weerarkii dhiigga badani ku daatay ee shalay ka dhacay caasimada Muqdisho.

Cali-dheere ayaa sheegay in weerkaas uu ahaa mid loogu aar gudayey shacabka Muqdisho oo ay dhibaato ku hayeen masuuliyiinta maxkamadaha dalka  ee weerarka lagu bartilmaameedsaday sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna tilmaamay in weerarkaas ay fuliyeen 5 Nin oo ka tirsan dagaalamayaasha alshabaab oo si gaar ah u tababarnaa.

Afhayeenka alshabaab ayaa  ka dhawaajiyey in xiliga ay weerarka ku qaadayeen xarunta maxkamada uu ka socda shir ay lahaayeen dhamaan masuuliyiinta maxkamadaha dalka shirkaas oo sida uu sheegay  shirqool loogu maleegayey umada Soomaaliyeed balse ay alshabaab ka hortageen shirqool lala maaganaa shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Cali-dheere ayaa weeraradii ay dadka badani ku dhinteen ku tilmaamay iney ahaayeen fadli iyo darajo ay Muslimiintu gaareen,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney sii wadi doonaan weerarada nuucan oo kalaa ilaa ay dalka ka xoreeyaan cadowga qabsaday iyo kuwa u shaqeeya sida uu hadalka u yiri.

“waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed ineysan marna dhici doonin in dalkan lagu maamulo Dimuquraadiyada inta ay naftu ku jirto ruux ka mid ah alshabaab,waxaan u taaganahay inaan umada ka difaacno dhibaatada ay u maleegayaan cadowga shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa kusii daray afhayeenka alshabaab Sh. Cali-dheere.

Sheekh Cali-dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in alshabaab ay weerarada gaarsiin doonaan goob walba oo ay ku sugan yihiin dadka uu ku sheegay iney cadowwga ku yihiin umada Soomaaliyeed sida uu hadalka uu tilmaamay ,weerarka alshabaab uu ka geystay xarunta maxkamada gobolka Banaadir ayaa waxaa ku geeriyooday 22 ruux halka ay intaa in kabanae ku dhaawacmeen.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles