Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. oo ku Dhawaaqay dagaal waji cusub leh oo alshabaab lala galayo

$
0
0

 

 

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in weji cusub loo bedelayo dagaalka lagula jiro ururka alshabaab madaxweynaha ayaa hadalkaas ka dhawaajiyey xalay goor danbe kadib markii uu soo idlaaday kulan deg deg ah oo ay xarunta madaxtooyada qaranka ku yeesheen madaxweynaha,R/wasaaraha,gudoomiyaha baarlamaanka,wasiirka arimaha gudaha,wasiirka gaashaandhigga iyo dhammaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo wareysi siinayey Raadiyaha dowlada ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen gudiga amniga dalka ay ku go’aamiyeen in wax badan laga bedelo dagaalka alshabaab lagula jiro,si looga adkaado,wuxuuna ku tilmaamay weerarkii shalay lagu qaaday maxkmada gobolka mid muujinaya cadowtooyada ay alshabaab u hayaan shacbiga Soomaaliya iyo guul darrada ku dhacday ururka alshabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay bilaabeysaa dagaal noociisu uu cusub yahay oo ka dhan ah jiritaanka Al-Shabaab, Taatikooyinkooda waa ay baddelleen, taallabada la qaadayana waxa ay noqon doontaa mid loo dhan yahay, Dowlad iyo Shacab,dadku ha ogaadaan cid la dhaafayo ma jirto” Ayuu yiri  madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney hal meel uga soo  wada jeestaan dagaalka lagula jiro cadowgooda alshabaab isla markaane ay dowlada Soomaaliya taageera buuxda ku siiyaan sidii ay dagaalka wajiga cusub leh ugu soo afjari lahayd dhibaatada alshabaab uu ku hayo umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaan si cad carrabka ugu dhufan nuuca dagaal ee ay alshabaab la galayaan balse wuxuu tilmaamay in qorshaha dagaal ee ay dowladu hada bilaabeyso uu yahay kii lagu tirtiri lahaa jiritaanka alshabaab sida uu sheegay.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles