Muqdisho(RBC Radio) Agaasimihii hore ee hay’ada nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay weeraradii shalay gilgilay xarunta maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay iney arintaasi muujineyso in alshabaab ay kusoo noqdeen gudaha caasimada Muqdisho oo horaan laga saaray.
Fiqi ayaa hoosta ka qariiqay iney jiraan dal-daloollo dhanka amniga ah kuwaas oo u baahan in la daboolo si looga gaashaanto weeraro la mid ah kuwii shalay ka dhacay xarunta maxkamada gobolka Banaadir oo galaaftay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan.
Agaasimihii hore ee hay’ada nabadsugida qaranka ayaa sheegay inuu jiro dayac weyn oo dhanka amniga ah isagoona tilmaamay in alshabaab ay sahan dheer ku sameeyeen xarunta maxkmada markii ay ogaadeen inuu jiro is dhigasho dhanka hay’adaha amniga ahne ay soo qaadeen weerarka qorsheysan oo uu sheegay inuu ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyey oo ay kusoo beegeen xili ay maxkamadu ahayd meel mashquul badan oo ay ku wada sugnaayeen masuuliyiinta maxkamadaha iyo boqolaal shacab ah.
Axmed Macalin Fiqi ayaa intaa ku daray iney habooneed in laga faa’iideysto digniinihii maalmighii danbe soo baxayey ee ku saabsanaa in weeraro ay kusoo wajahan yihiin caasimada Muqdisho,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney lagama maarmaan tahay in la helo hanaan sax ah oo lagu xaqiijiyo amniga magaalada balse aan loo baahneen in marka ay wax dhacaan un lagu baraarugo.
Wuxuuna tilmaamay in alshabaab ay ka niyad jabeen dagaalada lagu hayo balse weerarada nuucan oo kale ah ay dib usoo dhiseyso mooralkooda sida uu tilmaamay agaasimihii hore ee hay’ada nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho