Boosaaso[RBC Radio] Munaasabad Kooban oo Xariga looga Jaraayey Dhismaha laba Buundo oo dib loogu sameeyey dayacir ka dib markey Jareen Roobabkii ka da’ay dalka ayaa maanta lagu qabtay isla Wadooyinka Buundada ah ee la Hagaajiyey.
Madax ka tirsan Xukuumadda Puntland,Madaxda gobolka Bari kan degmada,Waxgarad iyo Nabadoon Xarago ayaa daaha looga qaaday Labada Buundo ee dib loogu sameeyey dayactir,iyadoona ay iskala qeybqaateen Ciidamada Badda Puntland iyo Hay’adda Wadooyinka u qaabilsan Dawladda Puntland.
Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo ugu horeyn Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in mahadcelin ballaaran u dirayo Ciidamada Badda Puntland ee ka qeybqaatay dhismaha Buundooyinka burburay,inta dhimana EEBE ayuu ka baryey in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo gabagabeeyo.
…”"” Anigoo ku hadlaya magaca degmada iyo dadweynaha ku dhaqanba inaanu aad iyo aad uga mahadcelino Ciidanka Badda[Marine] ee Puntland oo hawshan iyada ah qabtay haddana weli qaarkood wada….”"”ayuu yiri Xasan Cabdalla Xasan.
Agaasime Kuxgeenka Ciidanka Badda Puntland Cabdirashiid Cabaas Cali ayaa isna sheegay in dayactirka Buundooyinka burburbay hawshooda ay bilaabeen 4-ta bishii March,isla markaana ay hawsha gebi ahaanteedba ay wadeen bil iyo bar taasina ay tahay guul Ummada Puntland iyo Ciidamadaba usoo hoyatay.
Ciidamada Badda Puntland ayuu ku tilmaamay iney yihiin kuwa had iyo jeer ka qeybqaata arrimaha bulshada wax loogu qabanaayo ayna kasoo qeybqaateen Suuqii gubtay ee Boosaaso iyo abaarihii Puntland ka bilowday.
..”"Maahan markii ugu horeysay oo ay arrimaha bulshada Ciidamada Baddu wax ka qabtaan, Ciidamada Baddu sida aad Ogtihiinba waxay wax ka qabteen Suuqii gubtay,waxay wax ka qabteen abaarihii iney raashin bixiyeen,in buundooyinka jaba ay awood geliyaan,Buundooyinkaan,waxaan bilownay dhismahooda 4-ta March,bil iyo bar ayaan wadnay,Alxamdulilaahi Illaahay waa nagu guuleeyey,…”"”ayuu yiri Cabdirashiid Cabaas Cali.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan ayaa sheeegay in ka gobol ahaan ay ku talagalayaan in ay sameyaan Guddi qaabilsan ka hortaga biyaha soo rogmada iyo daadadka kuwaas oo waxyeelo u geysanayab Wadooyinka ay Shacabku addeegsanayaan.
…”" Waxaan ku talagaleynaa inaan u saarno Guddi,heer gobol ah oo Wadadaas dheer inta gobol ahaan anagu aan deganahay aanu u saarno Guddi sameysa ka hortag roobabka iyo daadadka buuraha kasoo rogma ee Wadada kusoo rogmanaya qaabkii looga weecin lahaa,..”"”ayuu yiri Cabdisamad Gallan.
Gabagabadii Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Ilkajiir oo Xariga ka jaray Buundoonyinka dib dayactirka loogu sameeyey ayaa sheegay in laba buundo gacanta laga qaaday isla markaana ay u dhimanyihiin in Saddex buundo dib dayactir loogu sameeyo.
…”"” Labada Buundo ayaa la dhameeyey ,Ilaahay baa mahad iska leh,waxaana mahada weyn siineynaa Injineerada PMPF oo ka qeybqaatay in kastoo dawladu kharashkeeda la baxday Iyadu,..”"ayuu yiri Cabdullaahi Axmed Jaamac .
________________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com