Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20124

Bilowgii Xarakada Alshabaab ee Goboladda Waqooyi (Somaliland) iyo Fiditaankeeddii. W/Q Mursal Geeldoon

$
0
0

Bilowgii Xarakada Alshabaab ee Goboladda Waqooyi (Somaliland) iyo Fiditaankeeddii (Q.1aad)
Mursal Geeldoon
Geeldooniya@gmail.com
Abriil 14 2013

Waxaan halkan akhristayaalka ugu soo gudbinayaa Qoraal ama Maqaal ka hadlaya bilowgii ama aasaaskii Xarakadda Alshabaab ee Goboladda Waqooyi ee Soomaali la odhan jirey haddana la baxay Somaliland iyo raadka ama ku fiditaanka ay ku yeelatey Soomaaliya inteeda kale iyo Goboladda Geeska Afrikaba.

Waxaan Qormadda u kala qaadi doonaa labo qaybood oo kala ah.

1. Aasaaskii Xarakadda Alshabaab ee Goboladda Waqooyi ( Somaliland ) “ Waxdatu Alshabaabul Islaam “.
2. Fiditaankii Goboladda kale ee Soomaaliya, Geeska Afrika iyo Caalamka.

Bilowgii iyo aasaaskii Waxdatu Alshabaabul Islaam.

Xarakada Waxdatu Alshabaabul Islaam waxaa laga aasaasey Goboladda Waqooyi (Somaliland) sannadkii 1975 . Wuxuuna ahaa Takfiir xambaarsan in isbedel diimeed uu ka dhaco ama lagu sameeyo Dalka Soomaaliya iyo inta xuduudaha la lehba ! kana gedisnaa Dariiqooyinkii iyo Xarakadihii diimeed ee ka jirey markaas dhulka Soomaalidu degto. Xarakadan ayaa waxaa Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya keenay koox wadaado ah oo wax ku soo bartey Dalalka Carabta qaarkood kuwaas oo ahaa Dalka masar iyo Sacuudiga.Waxay kooxdaas Culimada ahi wateen ama takfiirkoodu xambaarsanaa labo fikradood oo kala kii Akhwaanul Muslimiinka Masar iyo Wahaabiyada Sacuudiga (dariiqadii Sheekh Maxamed Cabiwahaab), kaas oo salka ku haya koox walbaa dalkii ay ka timid ama ay wax ku soo barateen inay faafiyaan manhajkooda ama mabaadi´dooda. Waxaa kooxdaas culimada ahi dadka bari jireen daruustii iyo kitaabadii ay kala wateen labadaas dal oo ay ka yimaadeen sida . kooxda dalka masar ka yimid waxay ardeyda bari jireen kitaabo manhajyada akhwaanul muslimiinka ay soo dajiyeen iyo cajalado Sirooyin, Muxaadarooyin, Tajwiijka Quraanka ah (Sheekh Kashka, Cabdulbaasid iyo Culimo waaweyn oo Akhwaanul muslimiinka ahaa). Kooxda dalka sacuudiga ka yimidna waxay ardeyda bari jireen kitaabo manhajka Wahaabiyada iyo taariikhda Islaamka, waxaana ka mid ahaa kutubtii ay akhriyi jireen Fadxul-majiidka iyo kutubo kale oo dalka Soomaaliya markaas ku cusbaa.

Haddaba Waxdatu Alshabaabul Islaam Xarunta ay ka bilaabatey xagee ahayd, yaa lagu aasaasey ama lagu bilaabey iyo sidee buu ahaa habdhaqankoodu maxayse la kulmeen ?

a) Xarunta Waxdatu Alshabaabul Islaam ee magaaladda Hargeysa waxay ahay daar hal-dhabaq ah oo dhinaca Waqooyi kaga taal Oriental Hotel iyo kana soo horjeeda masaajidka Cali Mataan . Daartaas ama dhismahaas waxaa la odhan jirey Fookha ama Daarta Waxdadda. Ka hor intii aan kooxdaas Culimadi ah daruusta ka bilaabin waxay ahaan jirtey Iskuul lagu barto Afka Ingiriiska, Carabiga iyo Xisaabta oo lacag ah kasoo Private ah , galabtii iyo habeenkii baana la dhigan jirey , waxaana wax loo dhigi jirey ardey Dugsiyadda hoose iyo dhexe kuwaas oo waalidkood keeneen si looga caawiyo duruusta Iskuuladda. Markii sannnadku 1976 ayaa Iskuulkii private-ka ahaa waxaa loo bedelay Xarun ama Iskuul Dhalinyaradda lagu baro Daruusta ama Cilmiga Diiniga ah oo Lacag la´aan ah, waxaana tiradda ugu badan ahaa ardeydii markii hore Iskuulka dhigan jirey oo ardaydii iyo waalidkoodba loo sheegay in Aqoontooda iyo Cilmigooda kor loo qaadayo wax lacag ah aan laga doonayn.Dhanka kale waxaa jirey Guryo aan la aqoon iyo masaajidyo si hoose lagu dhuunto oo looga qarin jirey Dowladdii Kacaanka oo hargeysa iyo Burco ka jirey oo dadka wax lagu barri jirey.

b) Kooxdii Culimadda ahayd ee bilowdey Takfiirkan ama Xarakadan cusub ee Waxdatu Alshabaabul Islaam keenay oo bilaabey waxaa ka mid ahaa Sheekh Cumar Xaaji Cabdullaahi (abwaan Xassan-ganey walaalkiis), Sheekh Idis Yaxye iyo Culimmo kale. Dhanka kale waxaa markii hore soo dhaweeyey Culimmo badan oo caan ahayd Goboladda Waqooyi balse markii danbe dib uga gurtey waxaana ka mid ahaa Iimaamkii Masaajidka weyn ee magaaladda Hargeysa AUN Sheekh Cabdirahmaan Kaariye , ka dib markii ay iska hor yimaadeen Culamaddi takfiirkan Shabaabka xambaarsaneyd oo xitaa Wiilkiisa oo ay wax bareen Maxamed Sheekh Cabdirahmaan Kaariye oo Markii danbe Daaci ahaa kitaabadda akhriya iyo aabihiis Sheekh Cabdirahmaan Kaariye isfahankooddii xumaadey. Waxaa kaloo ka mid ahaa dhallinyaraddii ka hanaqaadey ama ka aflaxey Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim- Afgaani)oo reer Qadarin iyo maamuus ku leh magaaladda hargeysa ka dhashey, Axmed Cadi Aw-godane(Abu-zubeyr), Cali-saciid, Ibraahim, iyo dhalinyarro badan oo maanta Culimmo, Ganacsato, Aqoonyahanno iyo masuuliyiin sare isku jira oo maanta dalka gudahiisa iyo dibadiisa ku nool ayaa ka mid ahaa ardeydii ka aflaxdey takfiirkaas waxdatu Alshabaabul Islaam.

c) Kooxdii Waxdatu alshabaabul islaam ee ka hana qaadey Goboladda Waqooyi waxay aad kor ugu soo kaceen ama soo bateen sanadihii 1977-1980, markaas oo ay dad badan oo qaatey takfiitkii ay wateen iyo kuwo hab Qabiilba u taageerayba ay heleen.Waxay bilaabeen 1979 tijaabooyinkii u horeeyey oo ahaa in iskuuladdii ay gabdhuhu ku aadaan khamaar iyo Shaati gacmo dheere ah weliba Dugsiyaddii sare oo ay u badnaayeen ardeyddii ay wax bareen Waxdatu Alshabaabku sida Iskuuladdii Faarax Omaar, Iskuulkii Xisaabaadka CTC, Axmed gurey, 26 Juni iyo kuwo kaleba, haddii kale waa inay Gabdhuhu guriga iska joogaan taasoo keentey inay iska hor yimaadaan Waalidiintii iyo madaxdii Gobolka ee Kacaanka u shaqeynaysay oo Ardey badana Xabsiga Hargeysa iyo Xabsiga Mandheera lagu xiro.waxaa markiiba qaylo ka soo yeertey Qoysas badan oo gabdhahoodii oo Waxdatu Alshabaabka ku jirey inay raacaan Wiilashii , markii odaygu yiraahdo ii keen Reerkii Wiilku ka dhasheyna waxay ugu jawaabeen “haddii aad ii diido wadaadka masaajidka ayaa igu meherin“ arinkaasina dhaqamo cusub ayuu ku ahaa Soomaaliya sannadihii 70-kii.Sidoo kale waxaa jirey dhinyaro markii ay arkeen adadeyga iyo meesha loo waddo ka harey ama qaar ay Qaadkii iyo Sigaarkii isaga laabtaan waxaa dhici jirtey inay dhibaatooyin jir dil ah ama naftooda khatar geliya ay u geysan jireen qofkii ka baxa waxdatu Alshabaabul islaam , hadde ninkii reer xoog badan oo Hargeysa ama Burco degan ka dhashey ayaa ka badbaadi jirey oo arinku Qabiil ayuu dabada la gali jirey.Waxaa jirey Dacaayaddo iyo hadalo ay is dhaafsan jireen xarakaddii Waxdadtu Alshabaab iyo dadweynihii Waqooyiga degenaa oo waxaa ka mid ahaa inay yiraahdeen “Aabayaashii na dhalay Hoyooyinkeen wey masaafeysteen ama wey la baxsadeen oo xaraan bay nagu dhaleen“ ,“ Gabdhaha Soomaalidu daahir ma ahan waan in la furaa“. Dhanka kale waxaa jirey in Culimmo badan oo magaalooyinka Waqooyi caan ka ahaa oo Aqoon diimeed iyo mid maadiyaba lahaa ay isaga hayaameen ama ka guurey kuwaas oo dhibaatooyin badan ay soo food saartey ka dib markii ay Kooxdii Waxdatu Alshabaabul Islaamku oo kaashanaya Beelihii magaalooyinka Waqooyiga deganaa ay bilaabeen kacdoonkii SNM .

Waa sii wadi doonaa Haddii EEBE idmo fiditaankoodii filo qoramada Q.2aad

=================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20124

Trending Articles