Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada oo sheegtay in lasoo afjaray hawlgalkii lagula Dagaalamayey Kooxdii qabsatay xarunta maxkamada gobolka Banaadir

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey hawlgalkii ciidanka dowlada Soomaaliya ay kula dagaalamayeen rag ka tirsan alshabaab oo gudaha u galay xarunta maxkmada gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gabi ahaanba lasoo afmeeray hawlgalka ay ciidanka dowladu kula dagaalamayeen raggii gacanta ku dhigay xarunta maxkamada isla markaane  dagaalka mudada qaatay ciidanka kula galay dhismaha xarunta maxkamada gobolka Banaadir,wuxuuna xusay in raga weerarka fuliyey ay ahaayeen Sagaal ruux, oo Lix kamid ah ay goobta isku qarxiyeen halka Saddexda kalane ay toogten ciidamada dowladu.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaanka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarkaas ay hada tirakoob ku hayaan goordhowne ay soo gudbin doonaan,wuxuuna tilmaamay iney hada soo afjareen hawlgalkii isla markaane ay soo badbaadiyeen dad fara badan oo ku go’doomay gudaha xarunta maxkamada gobolka intii uu socda weerarku.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shacabka caasimada ku dhaqan ugu baaqay iney si dajiyaan amnigune uu yahay mid sugan dhamaan ciidanka dowladane heegan buuxa la galiyey si ay amniga u xaqiijiyaan,wasiirka ayaa mar la weydiiyey sida ay alshabaab ugu suurta gashay iney si fudud gudaha ugu galaan xarunta maxkamada gobolka Banaadir ayaa waxa uu tibaaxay in ciidamadu ay qabeen feejignaan ku aaddan qaraxyo ay geystaan alshabaab balse goobta ay ka fuliyeen aysan ahayn meel laga faliyey.

Wuxuuna ballan qaaday iney adkeyn doonaan amniga caasimada Muqdisho gacan bir ahna ay kus qaban doonaan dadka ka tirsan alshabaab ee qorsheynaya iney dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan  caasimada Muqdisho.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles