Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidanka Dowlada oo Maanta Xarig & Jirdil u Geystay Wariyaasha ka Hawlgala Magaalada Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta xarig iyo Jirdil u geystay qaar ka mid ah wariyaasha ka hawlgala magaalada Muqdisho tacadiga loo geystay wariyaasha ayaa ka dhacay afaafka hore ee laga galo xarunta maxkamada gobolka Banaadir Wariyaasha ayaa la sheegay iney goobta u tageen kadib markii ay casuumaad ka heleen gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir.

Wariyaasha ayaa markii ay gaareen albaabka laga galo maxkamada gobolka Banaadir ayaa waxaa is hortaag ku sameeyey ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta maxkamada intaa kadib ayaa wariyaashu waxa ay go’aansadeen iney goobta ka dhaqaaqaan kadib markii laga horjoogsaday iney gudaha u galaan xarunta maxkamada gobolka Banaadir.

Intaas kadib ayaa waxaa arinta soo faragaliyey masuuliyiinta ururka Saxafiyiinta qaranka oo ku sugnaa xarunta maamulka gobolka Banaadir oo aan sidaas uga fogeen xarunta Maxkamada xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Max’ed Ibraahim Paakistaan ayaa sheegay inuu la hadlay saraakiisha ay hoos tagaan ciidamada ilaalada ka ah xarunta Maxkamada gobolka kuwaas oo uu sheegay iney ogolaadeen in saxafiyiintu ay u fasaxyihiin iney gudaha u galaan xarunta MAxkamada.

Paakistaan ayaa sheegay in markii ay wariyaashu u dhaqaaaqeen gudaha xarunta Maxkamada ay weerar kusoo qaadeen ciidan uu hogaaminayey taliyaha Saldhigga Afar-Irdood ee degmada X/weyne kuwaas oo uu sheegay iney Jirdil ba’an kula dhaqaaqay wariyaasha iyo masuuliyiinta ururka saxafiyiinta qaranka ee goobta ku sugnaa.

Xoghayaha ururka Saxafiyiinta qaranka Max’ed Ibraahim Paakistaan ayaa xaqiijiyey in ciidabku ay Jeelka dhigeen 2 Wariye oo halka ay ilaa 6 kalane ay jirdil la kulmeen kuwaasso goobta ka baxsaday,Wariyaasha la xiray ayaa ka hawlgala Idaacada Risaala ee Muqdisho laguna magacaabo Bile Mire Max’ed  iyo Sawir qaade u shaqeeya Televishinka Royal TV C/rashiid Deel oo ah madaxa Maaliyada ururka Saxafiyiinta qaran ayaa isne waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii ay qori baadkiis la dheceen ciidamada dowlada.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles