Muqdisho(RBC Radio) Taliska Ciidamada Nabad dhaliyaasha midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday iney ka baxayaan guryaha dadka rayid ka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaas oo xiligan fariisimo u ah ciidanka AMISOM.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa sheegay iney sida ugu dhaqsaha badan uga saarayaan ciidankooda guryaha dadka rayidka ah.
Afhayeenka ciidanka AMISOM Col.Xumud ayaa sheegay in ciidankooda duruufo jira ay ku khasbeen iney dagaan guryaha dadka rayidka ah,wuxuuna tilmaamay in xiligan wixii ka danbeeya ay banneynayaan aqalada dadka rayidka ah.
“Waxaan hada bilownay qorshihii ka bixida guryaha dadka rayidka,waan ka war haynay in dadkaasi ay u baahan yihiin iney kusoo noqdaan guryahooda” ayuu yari afhayeenka Ciidanka AMISOM Col.Cali Aadan Xumud.
Shacab fara oo guryo ku lahaa goobaha ay saldhigyada ciidan ka sameysteen ciidamada ee magaalada Muqdisho ayeysan u suurta galin iney ku dhiiradaan iney dib ugu soo noqdaan guryahooda iyagoona baaqyo fara badan u jeediyey saraakiisha AMISOM si ay ugu baneeyaan aqaladooda.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho