Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Soomaaliland oo xiligan ku kulansan xarunta Wasaarada arimaha dibada Turkiga

$
0
0

Ankara(RBC Radio) Wararka laga helayo magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa ku waramaya in madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay wada hada kula leeyihiin wasaarada arimaha dibada wadanka Turkiga wasiirka umuuraha dibada dalka Turkiga Axmed Daa’uud Oogle.

Wararka ka imaanaya Ankara ayaa tilmaamay in madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Soomaaliland ay wada hadalo xiriir ah la yeelan doonaan madaxda ugu sareysa wadanka Turkiga waxaana la filayaa in maanta marka ay saacadu ku beegan tahay 2 duhurnimo ay kulmi doonaan madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha dalka Turkiga Cabdalla Guul.

Waxaa sidoo kale dhici doona marka ay saacadu ku beegan tahay 3:30 uu madaxweynaha maamulka Soomaaliland sidoo kale kulan la qaadanayo R/wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweynayaasha dowlada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa si wada jir ah kulan ula qaadan doona R/wasaaraha dalka Turkiga RAjab Dayib marka ay saacadu tahay 4 galabnimo ee maanta,kulamada oo xiriir ah ayaa waxaa lagu wadaa in marka ay saacadu tahay ayaa waxaa kulan khaas ah wada yeelan doona madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya  iyo R/wasaaraha dalka Turkiga.

 

 

Wixii kasoo baxa kulamada isdaba jooga ah ee iminka madaxda Soomaaliya iyo Soomaaliland uga socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga kala Soco warbaahinta Raxanreeb oo yeeysan ku dhaafin.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles