Image may be NSFW.
Clik here to view.Caabudwaaq(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaas ay saaka gaareen wafti hordhac ah oo ka mid ah waftiga R/wasaaraha Soomaaliya kuwaasoo gogol xaar u ah waftiga Cabdi Faarax Shiirdoon oo lagu wado iney Caabudwaaq gaaraan saacadaha soo aaddan wararka aan saaka ka heleyno magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in halkaas ay gaareen wafti ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka xoogga Jen C/qaadir SH Cali Diini iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo u gogol xaaraya waftiga R/wasaaraha.
Wararka ayaa sidoo kale intaa ku daraya in cutubyo ka tirsan ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti ay xalay gaareen magaalada Caabudwaaq kuwaasoo amniga R/wasaaraha sugi doona ciidanka Amisom ayaa magaalada ka dagay fariisimo muhiim ah waxaana la filayaa in R/wasaaraha Soomaaliya uu saacadaha soo aaddan u ambaboxo Caabudwaaq.
R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarasx Shiirdoon oo xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayey noqoneysaa magaaladii ugu horeysa ee uu safar ku tago isla markaane uu ku hoydo tan iyo markii loo magacaabay xilka.