Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudiga Maaliyada Baarlamaanka oo Xukuumada ku Eedeeyey wax ka Qabad La’aanta Hoos u Dhaca Sarifka Doolarka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Gudiga Maaliyada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumada Soomaaliya ku eedeeyey  iney ka gaabisay wax ka qabashada hoos u dhaca ku yimi sarifka doolarka oo aan lahayn meel loogu soo hagaago arintaas oo ay dhibaato ba’an kasoo gaartay bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah  kuwaas oo ku jaahwareeray meel ay ugu soo hagaagaan.

Gudoomiyaha gudiga Maaliyada baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Sheekh Max’ed ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Soomaaliya ay ku fashilantay wax ka qabashada hoos u dhaca sarifka doolarka oo maalmihii danbe aan lahayn sal fadhiya kadib markii uu si weyn hoos ugu dhacay.

Gudoomiyaha gudiga Maaliyada ayaa sheegay in wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya ay gabtay masuuliyadeedii isagoona tibaaaxay ineysan ilaa hada wax tallaabo ah ka qaadin mashaqadan ku habsatay umada Soomaaliyeed oo awalba la daalaadhacayey dhibaatooyin dhaqaalo xumo.

Sh Max’ed Sh Aadan Deyr gudoomiyaha gudiga maaliyada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney la xisaabtamayaan wasaarada maaliya oo uu sheegay iney kasoo bixiweysay hawshii ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayeen,isagoona intaa ku daray in gudiga maaliyada baarlamaanka uu ka xunyahay dhibaatada ka dhalatay hoos u dhaca sarifka doolarka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles