Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay inuu socon doono dagaalka Soomaaliya ilaa ay dalka guud ahaan ka saarayaan kooxda alshabaab oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadowga umada Soomaaliyeed,madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa shaaca ka qaaday in lasii laba jibaarayo dagaalada lagula jiro alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday in dagaalka ay wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta AMISOM uusan joogsan doonin inta taako ka mid ah Ciidda Soomaaliya ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha alshabaab.
“Waxaa sare loo qaadayaa diyaar garowga ciidanka ee dagaalka si ay meesha uga saaraan argagixisada caqabada ku ah amaanka shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna daboolka ka qaaday in ciidanka ay la gudboontahay iney ilaaliyaan xuquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dalka Xasan Sh. ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono ilaa ay ciidanka xooga ka hantaan sugida nabadgalyada guud ahaan gobolada dalka ee ay hada ka ariminayaan alshabaab oo dagaal kala horjeeda dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Kaabaya ee AMISOM.