Garoowe (RBC RADIO) Wadadan oo inmudo ahba lagu hawlanaa dib u dhiskeeda looguna magic daray Sheekh C/qaadir Nuur faarax ayaa Maanta waxaa Xariga ka jaray Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan faaroole oo uu wehliyo ku xigeenkiisa iyo xubno ka socday 2da Gole ee Dowlada waxaana si toos ah wadadaasi loogu ogolaaday in ay isticmaalaan dadka iyo Gaadiidkaba.
Duqa degmada Garoowe Cabdi Casiis Nuur oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay in samaynta wadadan ay dhinacyo badan iska kaashadeen hadana lagu hawlan yahay mid taa lamid ah oo laami ah oo laga hirgesho Magaalada maadaama ay tahay Caasimadii umada Puntland wuxuuna ku booriyay shacabka in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska dalka si bilicda Magaalada ay u muuqato.
Madaxweyne Faroole oo halkaasi ka hadlay wuxuu sheegay in wada dan loogu magacdaray sheikh C/qaadir oo ay argagixisadu ku dileen Magaalada 15kii bishii aynu soo gudubnay si loogu xasuusto sheekha sida uu yiri Madaxweynuhu wuxuuna booriyay habka wadada loo dhisay isagoo guud ahaan socod ku maray Wadada 2badeeda dhinac si uu kormeer ugu sameeyo qaabka loo dhisay, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay suuq cusub oo laga dhisayo Suuqweynaha Inji ee Magaalada Garoowe kaasoo hada hawshiisa la wado.
Wadadan iminka laga dhisay Magaalada ee Laamiga ah ayaa qayb ka ah wadooyinka ugu qurxoon ee Caasimadu ay yeelato waxaana lagu raja weynyahay in wadooyin kale la sameeyo hadii ay kaalintooda ka cayaaraan shacabka dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan sida ay sheegeen Madaxda Degmada.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.