Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in Ciidanka Ethiopia lagula Xisaabtami doono Dhibaatadii ay Shalay ka Geysteen Beledweyne

$
0
0

Beledweyne(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka Ethiopia aan looga hari doonin dilkii iyo dhaawicii ay u geysteen dad rayid ah oo ku tukanayey Masjidka Nuur ee bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia lagula xisaabtami doono dadkii ay ku dhibaateeyeen magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay iney si weyn uga xun yihiin gabood falka ay ciidamada Ethiopia kula keceen dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Gudoomiye Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay iney socdaan baaritaano xoog leh kuwaas oo lagu ogaanayo waxa keenay in ciidamada Ethiopia ay si ula kac ay rasaas ula dhacaan dad rayid ah oo u taagnaa  Salaad Jimcaha ,wuxuuna intaa raaciyey iney saraakiisha ciidamada Ethiopia kala hadli doonaan falkaa foosha xun ee ay ciidanka Ethiopia kula dhaqaaqeen dadka rayidka ah.

Cabdi Faarax Laqanyo ayaa intaa ku daray in ciidanka Ethiopia ay la tiigsanayaan shuruucda caalamiga ah ee u yaala goobaha dagaaalka,hadalka maamulka gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili ay shalay ciidamada Ethiopia weerar bareer ah ku qaadeen dad ku tukanayey masjid ku yaalla bartamaha magaalada Beledweyne weerarkaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ku jiray Masjika ay duulaanka ku qaadeen.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles