Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19702

Axmed Siilaanyo oo Gaaray Turkiga, Xasan Sheekh oo Ku Wajahan Ankara Iyo Wadahadalkii oo Saacadaha Soo Socda Furmi Doona

$
0
0

Ankara (RBC) Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Ankara ee wadanka Turkiga uu ka furmo shir ay ku wada hadlayaan dawlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoo madaxda labada dhinac ay haatan ku diyaargaroobayaan wadanka Turkiga.

Magaalada Ankara waxaa xalay gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay maanta ka dhoofi doonaan Muqdisho iyagoo ku wajahan dalka Turkiga oo wadahadalka labada dhinac uu ka dhici doono.

Wadaxaajoodkii hordhaca

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Ankara si hordhac ah uga socday wadahadal labada dhinac u dhexeeyay.  Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dawlada federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiiru dawlaha madaxtooyada Faarax Cabduqaadir ayaa dhanka dawlada federaalka u metaleyry wadahadalkan hordhaca ee ka socday Ankara.

Dhanka maamulka Somaliland waxaa shirarka hordhaca u metelayey wasiirka arrimaha dibadda ee maamulkaasi Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Illaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday shirarka hordhaca oo la sheegay in usbuucan ay socdeen, hase yeeshee ilo wareedyo ku sugan Turkiga ayaa sheegaya in wadahadalkan hordhaca looga gol lahaa gogolxaarkla shirka dhexmaraya madaxweynayaasha iyo qodobada ay ka wada hadli doonaan.

Si kastaba. kulanka madaxweynaha Dawlada Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa noqonaya kulankiii ugu horeeyay ee si toos ah u dhexmari labada nin tan iyo intii dawlada federaalka uu madaxweyne ka noqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19702

Trending Articles