Muqdisho(RBC Radio) Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi “indha-qarshe” ayaa hambalyo diiran oo ku aaddan aas-aaska ciidanka xoogga dalka u diray dhamaan saraakiisha,saraakiil xigeenka,Alifleyda iyo Dableyda ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Jen. Indha-qarshe taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin ku weyn quluubta ciidanka xooga dalka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed,taliyaha ayaa daboolka ka qaaday iney dib u soo celin doonaan kaalintii iyo cududii ciidanka xooga dalka.
“Waxaa naga go’an inaan mar walba kasoo baxno kaalinta ay nooga fadhiyaan shacabkeena Soomaaliyeed,mana ka gaabin doona difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi.
Dhanka kale hambalyo taa lamid ah ayaa waxaa ciidanka xooga dalka hawada usoo mariyey taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka Jen. Maxamed Cali Samatar oo ku sugan wadanka Mareykanka Jen. Samatar ayaa ugu baaqay ciidanka Cusub ee Soomaaliya soo celiyaan sharaftii iyo sumcadii ciidanka xooga dalka.
Wuxuuna kula taliyey in ciidanka xooga dalka ee hada jira ay ku daydaan isla markaane ay raacaan dhabbihii ciidamadii hore ay qaadeen oo uu sheegay iney ahayd mabda’ ku salaysan Soomaalinimo kana hufan wixii intaa kasoo hara,53 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka xooga dalka ayaa maanta laga xusayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo qaybo ka tirsan gobolada dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho