Afmadow(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegtay iney dileen askar ka tirsan ciidamada dalka Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya afhayeenka alshabaab ee dhanka hawlgalada Sh. C/casiis Abu Muscab oo la la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney dileen ciidan Kenyan ah oo ku sugnaa degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose.
Sh.C/casiis Abu Muscab afhayeenka hawlgalada alshabaab ayaa sheegay in alshabaab ay miino ku aaseen goob ay biyaha ka dhaansadaan ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Afmadow wuxuuna tilmaamay in Miinadii ay galiyeen halkaas ay ku qaraxday gaari Booyad ah oo ay la haayeen ciidamada Kenya kaasoo gabi ahaanba burburay sida uu sheegay.
Wuxuuna tibaaxay in qaraxaas Miino ay ku dileen 7 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM,Abu Muscab intaa ku daray in qaraxaas ay sidoo kale ku dhaawacmeen ciidamo farabadan oo Kenyan ah.
Afhayeenka ururka alshabaab dhanka hawlgalada C/casiis Abu Muscab ayaa dhanka kale sheegay iney ciidamo badan oo iskugu jira ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay ku dileen dagaalo uu sheegay iney ka dheceen degmada Marka iyo deegaanka Lambar 60 ee gobolka Shabeelaha hoose.
Alshabaab ayaa maalmihii danbe guulo ka sheeganayey dagaalo ay sheegeen iney ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolada dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho