Nairobi(RBC Radio) Cabdulqaadir Maxamed Suldaan-Lugadheere oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa dowlada Kenya ku eedeeyey iney faraha kula jirto arimaha maamul u samaynta Juba-land siyaasiga in loo diiday inuu gudaha ugalo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu sheegay inuu kula ballansanaa xubno ka tirsan beesha caalamka oo uu ka xusay safaarada Mareykanka ee Kenya.
Cabduqaadir Maxamed Suldaan-Lugadheere ayaa sheegay iney wateen dal ku galka Kenya balse markii ay gaareen garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ay ka hor istaageen ciidamada amaanka dalkaas iney gudaha u galaan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas.
“Markii hore waxaan shaki ka qabnay in dowlada Kenya ay faragalin ku hayso arimaha maamul u samaynta gobolada Jubooyinka balse hada waa ay cadeysatay iney la safantahay qaar kamid ah siyaasiyiinta goboladaas” ayuu yiri siyaasiga Suldaan Lugadheere.
Lugadheere ayaa sheegay in loo sheegay iney dhibaato iyo carqalad ku yihiin arimaha dib u heshiisiinta iyo maamul u samaynta Jubooyinka & Gedo sidaas darteedne aysan Kenya raali ka noqon karin in dalkeeda lagu qabto shirar lagu xagal-daacinayo shirka Kismaayo.
Ugu danbeyntii waxa uu ugu baaqay dowlada Kenya iney faraha kala baxdo arimaha maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo uu sheegay iney tahay arin u taala dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda goboladaas iyo dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho