Abaal dhaca umada iyo aamusnaanta shacabka puntland?
A.M ISSE
amisse114@gmail.com
Abriil 12 2013
La iskuma hayo in reer puntland ay soo saareen siyaasiyiin fara badan maamulkoduna uu u halgamo waxa uu is dhaho waxay tahay xaq kaa maqan oo aad ku leedahay dowlad kasta oo laga yagleelo muqdisho oo ku magacaaban dowlad dhexe ee soomaaliyaad.
La iskuma hayo in maamulka puntland uu ka horeeyey nidaamka fadaraalka ah isla markaana uu asagu u yahay aabe iyo hooyo iyo asalka fikradu ka soo maaxatay, la iskuma hayo in ay jirtey ama ay wadanka soo martay marxalad dagaal sokeeye oo ahayd mid aan wax la isku reeban balse waxyaalaha naftaydu su’aasha ka keento isla markaana aan aadka ula tacajubay waxa uu yahay waa maxay ama xagee ka yimi nacaybka iyo colaada loo qabo shacabweynaha puntland kaasoo aan ka dheehday indhaha dad badan oo aan kula kulmay gudaha dalka somaliya.?
Anigu waxaan ahaa arday aan ka bixin deegaanada puntland tan iyo maalintaan dhashay waxaana ku dhexnoolaaa jawi ay ku dheehantahay somalinimo dadku waxay ahaayeen kuwo wada soomali ah kaftanka qabyaalada iyo fadhi kudirirada kuwa iskugu yimaada waxay ahaayeen kuwo u siman soomaalinimada qofkii dhaliil loo keeno iyo kan wax dhaliilaya midkoodna cuqdad meesha kalama yahoomeyn.
Deegaankaas puntland waxaa ku noolaa dad badan oo ganacsato ah oo kasoo jeeda oo kasoo shaqo doontay meela badan oo ka mid ah gayiga soomaalidu degto, sida koonfurta, waqooyiga iyo degaanada ogaandenia, dadkaas dad caqabado iyo faquuq haystaan iilama ekayn waxaana shaqsi ahaan u aqaanay darawalo badan dukaanlayaal badan, muruqsato(muruqmaal) iyo dad fara badan oo shaqo xafiiseed ka shaqeeya, intaas oo cid farta ku fiiqaysa aanan arkin iyo caqabad aan tilmaami karo oo kasoo wajahday xaga nolosha, wax ay ka sheegtaana aysan jirin.
Qaxooti farabadan ayaa jira inkastoo puntland ay ka mid tahay somaliyada burburtay aysana helin aqoonsi in ay awoodo dejinta qaxootiga hayadaha UN-kuna aysan dadka xeryo u samayn ay ku quudiyaan ALLE kasokow, hadana waxaan arki jiray dad aad u quruxsan oo la siman dadka, aysan cidi caqabad ku ahayn wixii alle uga soo qaado dadyowga samaha jecel isla markaana iska faraxsan badidooduna ayba la sinaayeen ama ayba ka nolol fiicnaayeen qoysas badan oo reer puntland ah.
Waxaa jiray dhalinyaro fara badan oo xoogsato ah oo laga jeclaa dadka u dhashay degaanka waligeyna ma arag ayagoo laga duudsinayo xaqooda iyo waxyaabaha ay xoogooda ku maalaan.
Waxaa jiray wariyayaal fara badan oo aan u dhalan puntland qaarkoodna kaba shaqeeya idaacado mucaarad ku ah qadiyada iyo jiritaanka umadan waligoodna ma arag ayadoo farta lagu fiiqayo ama maamulku uu kala soo dhexbaxayo umada, waxa jiray dhalinyaro ka wax barata oo nala dhigan jiray dugsiyada iyo waxbarashada kale una noolaa sida aan u noolnahay waligeyna ma arag wax faquuqaya.
Runtii waxaan oran karaa waxaan ku jiray jawi aad u macaan iyo umad wada Somali ah oo aan cidina kala xigin waxkasta oo yaala meesha qaybsanaysana halka koob ee shaaha ah.
Anigoo ku nool jawigaas farxada leh ee quruxdu ka muuqato ayaan maalin usoo baxay safar aan ugu soo baqoolay dhanka koonfureed ee dalka somaliya safarkayga oo ku salaysnaa dhul barasho iyo indha indhayn xaalada somaliya ku jirta ayaa waxaa ii soo baxay waxyaalo aan aad ula yaabay isla markaasna waxaan ku sifoobay maahmaadii soomaaliyeed ee ahayd “jiir haan ku weynaaday” waxaan arkay wadan ay indhuhu ka naxayaan oo burbursan kali ima soo jiidan dhismayaasha ay ii muuqatay in ay bari camirnaan jireen ee hada dhirtu ka dul baxday balse waxaa kaloo isoo jiitay sida umadaasi ay uga burbureen niyada.
Waxa aan aadka uga xumaaday igana badali gaaray niyadii soomaalinimada ku dhisnayd ee aan ku soo koray waxa ay ahayd qodobka aan qalinka u qaatay ee aan cinwanka uga dhigay abaal dhaca ummada iyo aamusnaanta reer Puntland?
Waxyaalaha aan aadka uga naxay waxaa ka mid ah in aan ka soo daalacday wadnaha dadyowga kala duwan ee ku dhaqan dhinacaas nacayb iyo karaahiyo ay u qabaan umadaas walaalhood ah ayaga oo qof waliba kuu sheegayo fikrada uu ka aaminsanyahay in ay tahay mid xun waxaad arkaysaa dad aan waligood tagin ama aan cid ay qaraabo yihiin tagin oo niyada ka neceb waxaan aad ula yaabay markaan arkay dad kaaga sheekaynaya sheekooyin xun xun oo malo awaal ah iyo quraan dhurwaayo aan garan waayey waxa umadaas madaxa ugu shubay waxaad arkaysaa dad ku leh meeshaas hadaad joogtid waxaa lagaa qaadayaa xoriyada laakiin anigu ma tagin waxaad arkaysaa kuwo ku leh waxaa lagu dhacaa dadka reer koonfurta ah waxaa lagu dhibaateeyaa qaxootiga waxaana loola dhaqmaa si xun, marka aan ka hadlayo dadka koonfurta yaan loo dhadhansan in aan qabiil gaar ah sheegayo waxaad arkaysaa kuwo ku hayb ah dadka reer puntland oo jecel in dhulku la go,o.
Dadku waxay kuu sheegayaan in umadaas aysan ahayn wadaniyiin ahayn, waxay kuu sheegayaan in aysan dowlad rabin wadanka ka dhalata waxay kuu sheegayaan in aysan u ogolayn nolol umada reer koonfurta waxay kuu sheegayaan in aysan rabin walaalnimadooda, ana waxaan hoos iska weydiin jiray yaa tolow wadani ah ma taan kusoo koray mise umadan?
Khibradaas aan ka arkay koonfurta dalaka waxaan islahaa waxaa dhaanta dhanka waqooyiga inkastoo aanan tagin haddana baaritaan aan sameeyey waxaan ku ogaaday in ay ayagu xag jiraan.
Su’aasha aan rabo in aan weydiiyo umada soomaaliyeed waxay tahy maxaad uga abaal dhacaysaan umada reer puntland uguna shaabadaynaysaan wax aysan ahayn?
La soco qaybta labaad oo aan kaga hadli doono abaal dhaca ay ummda reer puntland ka abaal dhacaan dawladaha laga dhiso somaliya…
A.M ISSE
amisse114@gmail.com
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM