Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qabanqaabada Xuska maalinta Aas-aaska ciidanka xooga dalka ee 12-ka April oo Muqdisho ka socota

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Qabanqaabada Xuska maalinta 12-ka April ee Aas-aaska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si weyn uga socota magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya madaxda dowlada Soomaaliya amniga caasimada ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana saaka Jidadka ugu muhiimsan caasimada Muqdisho la dhigay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijiya nabadgalyada magaalada.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyey ku jirtay diyaargarow weyn oo ay ku dooneyso xuska maalinta aas aaska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed,waxaana maanta qorsheysan in maalinta 12-ka April 22 sano kadib loo xuso si ka duwan sanadihii dowlad la’aanta iyo xitaa dowladihii kumeelgaarka.

Saraakiisha ugu sareeya ciidamada xooga dalka ayaa wada qorshayaal ka duwan sidii waayahan danbe loo xusi jiray maalinta ciidanka waxaana maanta markii ugu horeeysay qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho gaada-kaciyaar ku mari doona cutubyo ka tirsan qaybaha kala duwan ee ciidanka xooga.

Ciidamada ayaa sida uu qorshuhu yahay gaada-kaciyaarka kasoo bilaabi doona xarunta ugu weyn ee ciidanka qaranka ee wasaarada gaashaandhiga halkaas oo horaanba lagu diyaariyey cutubyo ka tirsan xooga dalka iyo gaadiidka Nilateri oo loogu tala galay iney ka qayb qaataan Fantasyahay lagu weyneynayo maalinta aas-aaska ciidanka xooga dalka.

12-kii bishii April ee sanadkii 1960 ayey ahayd markii dhidibada loo aasay ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo mar kamid noqday ciidaamada ugu awooda iyo cududa badan qaaradani Afrika,ciidanka xooga ayaa gabi ahaanba ku burburay dagaaladii sokeeye waxaana hada socda dadaalo ay wado dowlada Soomaaliya oo ay ku dooneyso iney soo celiso kaalintii ciidanka xooga dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles