Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Uhuru Kenyatta oo Ku Guuleystay Doorashada Madaxtinimada Kenya; Go’aankii Maxkamadda Dembiyada Ee ICC Iyo Siyaasadda Qabiileysiga (Warbixin)

$
0
0

UHURU Kenyatta oo ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.

Nairobi (RBC) Uhuru Kenyatta oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee wadanka Kenya ayaa la sheegayaa inuu ku guuleystay tartanka doorashada madaxtinimada wadanka Kenya sida ay muujineyso natiijo si hordhac ah uga soo baxday guddiga doorashada.

Uhuru Kenyatta ayaa illaa hadda codadka la tiriyey ka helay 50.03% oo ah in ka badan 50%, halka ninka ku soo xiga oo ah raysul wasaaraha hadda xilka haya Raila Odinga uu helay 43.28% kaliya.

Dad badan ayaa durba ku quustay in natiijadan ay jawaab cad u tahay in wadanka Kenya aaney suurtagal ka ahayn inay madaxweyne ka noqoto cid aan ka soo jeedin qabiilka KIKUYU oo ah qabiilka ay ka soo jeedaan dhammaan madaxweynayaashii soo maray Kenya.  Qabiilka Luwo oo uu ka soo jeedo raysul wasaare Raila Odinga oo sanadkan u heystay inay fursad u heystaan kursiga madaxweynaha ayaa hadda looga fadhiyaa sidii ay ugu qanci lahaayeen in kursigii madaxtooyada uu markale ku fariisanayo madaxweyne KIKUYU ah.

Qabiilka Luwo oo tiro ahaan kor u dhaafaya illaa lixmilyan kuna kala nool Kenya iyo Tansaaniya ayaa ah awooda labaad ee la loolami karta Kikuyada.  Waxaa xitaa la sheegaa in madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo asalkiisu Kenyan yahay uu ka soo jeedo qabiilka Luwo.

Awooda qabiilada Kenya

In ka badan 40 qabiil ee ku nool wadanka Kenya, ayey Kikuyadu ka tahay awooda koowaad; waana qabiilka ugu tirada badan wadanka taasoo keentay in dad badan oo ka faalooda siyaasadda wadanka Kenya ay sheegaan inaan marnaba hawo looga qabi karin in nin aan ka soo jeedin KIKUYADA uu ku fariisto kursiga ugu sarreeya wadankan Kenya.

Doorashadii muranka dhalisay ee 2007 ka dhacday Kenya waxay inteeda badan qalalaasihii ka dhashay uu salka ku hayey muranka awoodeed ee qabiilada, gaar ahaan saddexda qabiil ee ugu muuqata muruqa iyo maalka ee kala ah; Kukuyu, Luhya iyo Luwo. Kikuyada waxay u dhigantaa 22% dadka ku nool guud ahaan Kenya, halka qabiilka Luwo ay yihiin 13% guud ahaan wadanka Kenya.

Taageerayaasha Uhuru Kenyatta oo u dabaaldegaya guushiisa doorashada.

Dad badan baa u heystay in Raysul wasaare Odinga uu sanadkan heli karo fursad lagu doorto maadaama uu labo jeer oo hore waayey kursiga madaxtinimada, tii ugu dambeysana ay ahayd sanadkii 2007 oo si xaal mastuur ah loogu qanciyey in madaxweynaha hadda jooga Mwai Kibaki uu u tanaasulo.

Xeeldheerayaasha siyaasadda iyo xitaa beesha caalamka ayaa hadda wadnaha farta ku haya, maadaama natiijada doorashada ay hadda heleen markale Kikuyada lagana yaabo in qabiilada kale ee la loolamaya ay ka biyo diidaan natiijadaas.  Walaacaas waxaa uu sii xoogeystay ka dib markii Arbacadii war ka soo yeeray garabka isbahaysiga CORD ee uu hogaamiyo Raila Odinga ay sheegeen inaysan ku qanci karin sida loo tirinayo waraaqaha codbixinta doorashada ka dib markii ay fariisteen makiinadihii codtirinta loogu talagalay oo ciladoobay.

Eedeynta maxkamadda dembiyada dagaalka

Haddii Uhuru Kenyatta loo dhaariyo kursiga madaxweynaha cusub ee Kenya, arrinta halkaasi kuma dhammaan doonto ee waxaa taagan dood kale oo ka dhex baxsan xitaa Kenyanka dhexdooda.  Uhuru waxaa heysata oo dacwad ku soo oogtay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee loo yaqaano ICC [International Criminal Court] qeybtii uu ka qaatay hurinta iyo kicinta rabshadihii boqollaalka kun ay ku dhinteen malaayiintana ku barakeceen ee hareeyay Kenya sanadkii 2007.

Sheekada kale ee xiisaha u yeeleysa arrintan ayaa ah in Uhuru uu madaxweyne ku xigeen u wato William Ruto oo isaga laftiisa loo heysto dembiyo ka dhan aadanimada ee ka dhacay Kenya sanadkii 2007.

Uma eka in dooda ka dhex taagan Uhuru iyo maxkamadda caalamiga ee ICC ay si fudud ku dhammaan doonto inkastoo maxkamadda ICC ku guul darreystay iskudageedii ahaa in Kenyatta laga joojiyo ka qeybgalka doorashadan 2013.

Haddii haddaba Uhuru Kenyatta uu noqdo si rasmi ahna loogu dhaariyo madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya waxay Kenya noqoneysaa wadanka labaad oo madaxweyne xafiiska jooga oo takada haya ee ku jira liiska dadka geystay dembiyada aadanimo guud ahaan  qaaradda Afrika iyadoo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir oo hadda xilka haya uu isaguna ku jiro liiska maxkamadda caalamiga ICC.

Markaas Kenyanka waxaa u taalla xarig jiid culus oo ka dhexeyn doona madaxweynahooda iyo maxkamadda caalamiga ee ay gadaal ka riixayaan qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka!.

 

 

Malyuun Cali-
RBC Radio- Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles