Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dr.Naasir Warfaa oo Dowlada Mareykanka u Diiday in uu galo Dalkaas

$
0
0

London(RBC Radio) Warbixin dheer oo lagu daabacay website lagu magacaabo Times Higher Education oo fadhigiisu yahay wadanka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in qaar badan oo ka tirsan Soomaalida dalka Ingiriiska iyo dalalka kale ee reer galbeedka  ay ku raadjoogaan hay’adaha sirdoonka wadanka Mareykanka dadka ay warbixintu xustay ayaa waxaa ka mid ah dad si weyn looga yaqaano gudaha Ingiriiska iyo guud ahaan aduunka Daafihiisa.

Dr.Naasir Warfaa wuxuu ka mid yahay Soomaalida ka hayaamay wadanka Soomaaliya mudada dheerne ku noolaa dalka Ingiriiska wuxuu hada bare ka yahay Jaamacada caanka ah ee “Queen Mary” ee ku taala magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska  waxa  uu ka mid yahay dadka ay  ay saamaynta ku yeelatay baaritaanada ay Soomaalida ku hayaan laamaha sirdoonka Mareykanka.

Naasir Warfaa ayaa caqabad kala kulmay Safar uu ku tagi lahaa wadanka Mexico bishii  August ee sanadkii 2012 kaasoo uu usii mari lahaa magaalada Bouston ee wadanka Mareykanka kadib markii loo diiday inuu halkaas u maro safarkiisa uu ku doonayey inuu ku gaaro dalka Mexico,Warfaa ayaa sidoo kale loo diiday dal ku galka Mareykanka bishii December ee isla sanadkaas xili uu isku dayey inuu booqdo eheladiisa ku nool dalka Mareykanka.

Dr Naasir Warfaa oo kusoo barbaaray dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan garaneen sababaha dhabta ah ee loogu diiday dal ku galka Mareykanka balse waxa uu tuhusnsan yahay in arintaaasi ay salka ku hayso halka uu asal ahaan kasoo jeedo ee gobolka geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya.

“Tuhunkeyga  ku aaddan arintaa waxay ila tahay in dhibaatadu ay salka ku hayso  halka aan kasoo jeedo ee Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Naasir Warfaa oo u waramayey website-ka Times Higher Education.

Dadka ay arintani saameysay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah orad yahanka Soomaaliyeed ee caanka ah una orda dalka Ingiriiska Mo Faarax  kaasoo haysta Labada biladood ee dahabiga ah ee ciyaaraha Olombikada aduunka Mo Faarax ayey  laamaha amaanku  jeelka dhigeen kadib markii ay arkeen inuu yahay Soomaali walow ay saacado ay su’aalo weydiinayeen kadib ay dib xoriyadiisa u siiyeen.

Dr Warfaa ayaa sidoo kale lagu casuumay inuu hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacaysa Lose Angles Mareykanka bisha June ee soo socota  wuxuuna sheegay inuusan wali helu Fiisaha Mareykanka”waxaan dareemayaa in la i liiday” sidaas waxaa yiri Dr Naasir Warfaa oo si aad ah uga xun sida ay ula dhaqantay dowlada Mareykanka.

Dadka kale ee Soomaaliyeed ee ay qabsatay caqabada ku saabsan halka ay asal ahaanta ka soo jeedaan ayaa waxaa kamid ah Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar oo isaga iyo Xaaskiisa oo lagu daray Liiska ay isha ku hayaan laamaha amaanka dalka Mareykanka.

Samatar ayaa sheegay in mudo la xayiray  xili uu safar kaga bixi lahaa Mareykanka sanadkii 2010″waxaa la ii xanibay halka aan asal aan kasoo jeedo ee Soomaaliya” ayuu yiri Pro.Cabdi Ismaaciil Samatar.

Warbixinta uu daabacay website-ka Times Higher Education ayaa waxa ay muujinaysaa dhibaatada ay wajahayaan mawaadiniinta asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya balse haysta dhalshada wadamada reer galbeedka kuwaas oo dowladaha ay ku nool yihiin ay ilaalo ka hayaan dhaqdhaqaaqyadooda,waxaana waayahan danbe Soomaalida meel walba oo ay joogaan loogu yeeraa magacyo aysan mudneen sida iney yihiin  Argagixiso iyo burcad badeed isla markaane ay khatar ku yihiin dalalka ay ku nool yihiin waxaana arintaasi cirka kusii shareeray kadib markii ay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo haystay dhalshada dalalka reer galbeed ay usoo safreen Soomaaliya kuna biireen kooxda alshabaab oo uu Mareykanku ku daray Liiska Argagixisada.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles