IStanbul(RBC):- Warar hadda soo gaadhaya Xafiiska Raxanreeb.com (RBC Radio) ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in kulan maanta ka furmay magaalada Stanbul ee waddanka Turkiga oo ay isku hor-fadhiisteen Weftiyo ka socda Soomaaliya iyo Somaliland lagaga wadahadlay ajandaha shirka wadahadalka labada dhinac oo 13-ka bishan si rasmi ah uga furmi doona dalkaas.
Wararku waxay intaa ku darayaan in Shirkaas hor-dhaca ah ee ay maanta wada yeesheen Soomaaliya iyo Somaliland inuu jewi fiican ku furmay. Waxaay wararku sheegayaan in shirka ay Guddoominayeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga oo iyadu marti-qaadka shirka leh, isla markaana lagu magcaabay toban xubnood oo Guddi ah oo labada dhinac min shan xubnood laga xulay.
Guddiga laga xulay Weftiyada dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ee ku sugan Turkiga, waxay magacyadooda iyo xilalka ay hayaan kala yihiin sidan:-
Guddida Soomaaliya:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Guuleed (Guddoomiye)
Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sheekh Cabdiqaadir
Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaan.
Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaan
Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan.
Geesta kale, Guddiga dhinaca Somaliland laga xulay waxay kala yihiin sidan:-
Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar (Guddoomiye)
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirka shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad)
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.