Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan Bootaan: Waxaan Isku casilay Musuq-maasuq lagu Sameeyey Mushaaraadka Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Boosaaso

$
0
0

Xildhibaan Bootaan Axmed Bootaan

Boosaaso[RBC Radio] Hoggaanka Kormeerka  iyo Baarista Dawladda Hoose ee Boosaaso  Xildhibaan Bootaan Axmed Bootaan ayaa  maanta sheegay in uu iska casilay  Xubunimadii Gollaha Shacabka ee  Boosaaso.

Xildhibaan Bootaan Axmed Bootaan oo Raxanreeb la hadlay magaaladda Boosaaso ayaa sheegay in Sababaha uu uga tagay Shaqada ay tahay in uu u adkeysan waayey  Musuq-maasuq baahsan oo ka jira Dawladda hoose iyo shaqaalaha oon muddo Mushaar qaadan.

Mushaar la’aan!!.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in muddo  Saddex bilood ah aysan wax mushaar ah  qaadan Shaqaalaha dawladda hoose taasina  ay keentay in mar kasta lagu eedeynaayey  in lacagta ka maqan in Xildhibaanadu  cuneen.

…”"” Shaqada markaan soo galno waxaa  nala weydiiyaa Xildhibaanow maxaad noogu  maqantihiin ama lacagtii ma idinkaa  cunay arrintaasi waxay in Guddiga  Joogtada ah ay mar walba isku
axalujiyaan in la xaliyo,…”“ayuu  yiri.

Waxa uu tibaaxay in lacag gaareysa 5-  bilyan iyo bar Sh,SO ah oo aaney ku  jirin bilaha March iyo April ay kusoo  xarootay Khasnada dawladda hoose ee  Boosaaso Saddexdii bilood ee lasoo  dhaafay.

Guddiga fulinta la Xisaabtan ma
Ogola!!!.

Guddiga fulinta oo u Madax u yahay Duqa  degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan  ayuu ku eedeeyey Xildhibaanku in aysan  marnaba Ogoleyn in baaris iyo la  Xisaabtan lagu sameeyo taasina ay u sii  dheertahay Maamul xumo.

….”"” Dawladda hoose waa 9-  waaxood,waxaa maamulka iska leh waa  Guddiga Fulinta oo Maayarku(Duqu) madax  u yahay sidaa daraadeed,waxaa muuqata in  maamul xumo ay dhacday laakiin anigu ma  dhihin cid baa lunsatay
dhaqaalahaas…”"”ayuu yiri Xildhibaan  Bootaan,

Xildhibaan Bootaan ayaa sidoo kale  sheegay in Gollaha deegaanka ee Boosaaso  aanan weli la horegayn dhaqaalaha maqan  iyaguna aysanba soo hadal-qaadin sida  Xaaladu ay tahay,wuxuuna xusay in  dulmiga jira darteed uu isku Casilay.

…”"” Damiirkayga wey isiin weyday  inaan isbadel ku sameyno balse waan ku  guuldareysanay inaan ka tago oo aanan  markhaati ka noqon dulmiga intaas leeg  iyo in ka badan,,,”’ayuu yiri,

Duqa degmada Boosaaso ahna Guddiga  fulinta Xasan Cabdalla Xasan kama uusan  hadlin Musuq-maasuqa la sheegay in  Dawladda hoose ay ka jirto,waxaana uu  noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyey ee  Gollaha deegaanka Boosaaso iska casila..

________________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles