Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Wasaarada Wax barashada Puntland oo ka warbixiyay safar ay ku Mareen Qaybo ka mid ah gobolka Nugaal.

$
0
0

 

 

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Puntland Cabdi Faarax Siciid  (Juxa) oo Saxaafada Shir Jaraa’id u qabtay wuxuu xusay in mudo 3maalin ah ay Safaro ku soo mareen deegaano badan oo ka mid ah Gobolka Nugaal kaasi oo la xiriiray dhanka wax barashada si loo ogaado baahiyaha Waxbarasho oo ay qabaan dadka ku nool Deegaanadii ay booqdeen waxaana uu wasiirku sheegay in si weyn oo hagar la’aan ah loosoo dhaweeyey ayna intii ay safarka ku jireen ay heleen macluumaad badan oo dhanka tacliinta la xiriirta ayna wax badan ka qaban doonaan.

 

 

 

Deegaanada uu Booqday Wasiirka Waxbarashada oo safarkiisa uu ku wehliyo Agaasimaha Tababarada  Macalimiinta iyo mashaariicaha Maxamed Cali Faarax  waxaa ka mid ahaa Tuulada ay safarka ka bilaabeen oo ah Birta Dheer,Reemanti,Meyla,Laqlaajis,Xasbahalle,Godob-Jiraan,Dhaganle,Eyl,Qarxis,iyo Tuulada Sunijiif, waxaana wasiirku uu deegaanadaasi kusoo maray mudo 3maalin ah iyadoo ay jirtay kulamo uu la yeeshay Dadka deegaanka iyo waxgaradka goob walba uu wasiirka iyo Wafdigiisu ay Safarka ku mareen waxaana meelahaasi ka muuqday raadkii qurxoonaa ee uu uga tagay Roob maalmihi ugu dambeeyey ka da’ayay Qaybo ka mid ah Gobolka Nugaal.

 

 

 

Mudane Juxa wuxuu shirkiisa’Jaraaid  ku sheegay baahida ugu culus ee dadka ay soo bandhigeen in ay tahay macalin yari haysata taasi oo uu cadeeyey in ay ka warqabaan Dowladuna ay tirakooban oo macalimiin ah ay Mushaarka siiso hase ahaatee arintaasi wax laga qaban doono, taa bedelkeed ayuu dadkii uu la kulmay sida uu wasiirku sheegay wuxuu ka codsaday in ay tacliinta sare u qaadaan si hadhow miraha ka dhasha ay dib u gurtaan, wasiirku wuxuu tusaale usoo qaatay tuulada Meyla oo uu ka dhisanyahay Dugsi wax barasho oo laga yagleeley sanadii 200 ilaa hadana aysan Goobtaas ka jirin dhaq-dhaqaaq wax barasho dadkuna aysan caruurtooda u dirin Sikuulka taasi oo uu ku tilmaamay Wasiirku wax laga xumaado.

 

 

 

Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku faraxsanyahay meelihi uu booqday inta badan in ay shaqeynayeen  goobaha Tacliinta loogu talagalay in kooban mooyaane taasina ay tahay Guul dhanka waxbarsahda ah ee usoo hoyatay Umada Puntland, wasiirku wuxuu kaloo xusay  in Wasaaradu aysan Xooga saarayn ookaliya Magaalooyinka waa wayn balse waxay xil weyn iska saartay buu yiri Meel kasta oo  dad joogaan intii karaankeed in ay goobo waxbarasho ka furto si ubadku u helo aqoon ku filan asaagiisna ula jaanqaado taasi oo ah buu yiri wasiirku hadafka kaliya ee ka guuxaya maskaxda masuuliyiinta Waxbarashada Puntland Hormuudka ka ah Iminka.

 

 

 

Wasaaradu waxay xooga Saareesay Maalmihi ugu dambeeyey Imtixaankii Sanad dugsiyeedkan inkastoo oo uu dib udhay,waxaa sidoo kale jira in Wasaaradu ku mashquulsantahay tayeynta waxbarashada Hablaha, halka sidoo kale ay la xisaabtan kula jirto Iskuulada Waxbarasho iyo Jaamacadaha taasi oo la xiriita sare u qaadida tacliinta ardayda iyo ka fogaanshaha wax walba oo sharciga wasaarada u dagsan ka hor’imaanaya, sida ay inoo xaqiijiyeen Madaxda Wasaarada.

 

 

RBC RADIO

 Xafiiska Wararka Garoowe.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles