Muqdisho(RBC Radio) Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta dhismaha Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho oo uu ka socdo dayactir ay fulineyso hay’ada Danguud ee maamulka gobolka Banaadir waxayna warbixin ka dhegeysteen Injineerka gacanta ku haya dayactirka lagu samaynayo Tiyaatarka qaranka.
Maareeyaha Tiyaatarka qaranka Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa uga mahad naqay maamulka gobolka Banaadir hawsha dib u dayactirka ah ee uu ka bilaabay qaybaha ka tirsan xarunta Tiyaatarka qaranka oo uu ka muuqdo burbur baaxad leh oo kasoo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Max’uud Axmednuur Tarsan oo hadalay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’antahay dib u dhiska goobaha astaamaha qaran ee ku yaalay dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay in bulshada Soomaaliyeed ay u istaagaan dib u dhiska dalkooda hooyo.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in golaha murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka qaranka uu astaan u ahaa nabada,isku xirnaanshaha umada Soomaaliyeed iyo wacyi galintooda,wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladu ay ahmiyad gaar ah siineyso dib u dhiska Tiyaatarka qaranka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho