Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Kulan looga hadlayey xal u helida kooxaha Burcad-badeeda oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Shirka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha  magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayey  dhibaatooyinka burcad badeedda Soomaalida  waxaana  ka qeyb-galay ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna wasiirka Garsoorka, wasiirka Kheyraadka dalka, saraakiil ka socotay madaxtooyada qaranka, u qeybsamaha qeybta Africa ee Bankiga adduunka, ku xiggeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo khubarro ku xeel dheer arrimaha burcad badeedda oo ka kala socota wadamada caalamka.

Kulanka ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey masuuliyiintii ka qayb galay Mss Bela oo ah wakiilka Bankiga adduubka qeybta Africa ayaa sheegta in war-bixinta laga diyaarshay burcad badeedda ay muhiim u tahay xalinta dagaallanka burcad badeedda, iyadoo sheegtay in Bangiga adduun isaga oo kaashana adduunka intiisa kale in uu gacan ka geysanayo dhismaha Soomaaliya taageer buuxdana la siinayo dowladda.

Waxayna sheegtay in Bangiga aduunku uu diyaariyey Buug ay ku jiraan macluumaad laga diyaariyey burcad badeeda Soomaalida 5-tii sano ee ugu danbeeyey kaasoo ay ku xusan yihiin dhibaatada iyo saameynta ay burcad badeedu ku yeelatay dhaqaalaha aduunka.

C/laahi Abyan Nuur ku simaha R/wasaaraha dalka ahna wasiirka garsoorka iyo cadaalada oo isne khudbad ka jeediyey kulanka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in sida kaliya ee lagu dabar-goyn karo burcadbadeednimadu ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo dhisida ciidanka badda si ay u hantaan sugida amniga xeebaha Soomaaliya,isagoona tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay samaysay wax walba oo ay ku joojineyso ficilada  burcad badeednimada.

Dhamaan qaybihii ka qaybgalay kulanka ayaa isku raacay iney lagama maarmaan tahay in xal waara loo heli burcadbadeednimada oo saamayn fara badan ku yeeshay dhaqaalaha guud ahaan wadamada aduunka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles