Afgooye(RBC Radio) Masuul ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka badbaaday fal la doonayey in lagu dilo wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in habeenkii xalay ahaa ay koox hubeysan gurigiisa ku weerartay gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobolka Shabeelaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi.
Cumar Maxamuud Cilmi ayaa warbaahinta u sheegay in koox dabley ah oo ku hubeysnayd qoryaha fudud iyo bambooyinka gacanta ay weerar culus kusoo qaadeen guriga uu ka dagan yahay degmada Afgooye wuxuuna sheegay in weerarkaas lagu doonayey in isaga lagu khaarajiyo.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Shabeelaha hoose ayaa intaa ku daray in weerarka xalay lagu soo qaaday uusan wax khasaare ah u geysan isaga iyo ilaaladiisa,wuxuuna tilmaamay in kooxda weerarka kusoo qaaday oo doonayey iney isaga dilaan ay ka hor tageen ilaaladiisa oo fashiliyey isku daygoodii.
Cumar Maxamuud Cilmi. ayaa sheegay in weerarka xalay lagu bartilmaameedsaday uusan ka hor istaagi doonin hawshii uu u hayey shacabka gobolkaas,Ma jirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday guriga gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Shabeelaha hoose
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho