Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Kismaayo oo ka warbixiyey Amniga magaalda

$
0
0

Kismaayo(RBC Radio)Maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ka warbixiyey amniga magaalada taliyaha dhanka amaanka ee maamulka kumeelgaarka ah ee Kismaayo Max’uud Qaalib ayaa sheegay in magaalada uu ka jiro amni buuxa oo la isku halayn karo.

Taliyaha ayaa sheegay in maamulka magaaladu uu dadaal dheer u galay xaqiijinta amniga magaalada wuxuuna tilmaamay in xiligan ay magaaladu xasiloon tahay isla markaane aysan ka jirin baqdin la xiriirta dhanka amaanka kadib hawlgalo fara badan oo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Kismaayo.

Maxamuud Qaalib ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in amniga magaalada Kismaayo uusan ahayn mid sugan wuxuuna hoosta ka xariiqay in mudadii 7-bilood ee ay gacanta ku hayeen magaalada Kismaayo ay wax badan ka qabteen xasilinta amniga magaalada Kismaayo oo uu hada ka socdo shirka maamul u samaynta Jubaland.

Taliyaha amaanka maamulka kumeelgaarka ah ee ka jira magaalada Kismaayo ayaa sheegay iney sii wadayaan dadaalada ay ku xaqiijinayaan amniga Kismaayo,isagoona ballan qaaday iney ka hortagi doonaan cid walba oo amni darro ka wada magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo ka mid ahayd xarumihii ugu waaweynaa ee ay alshabaab ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa dabayaaqadii sanadkii hore dagaal kaga saaray ciidamada wadanka Kenya iyo ciidamada dowlada iyo kuwa Raaskaambooni,

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles